Monday 3 September 2012

Baasaboorka Somalia Ayaan Isticmaalaynaa Hadda Kadib:Xukuumadda Somaliland Oo Aqbashay Isticmaalka Baasaborka Cagaaran


PDFPrintE-mail
Written by Administrator   
Monday, 03 September 2012 11:39

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa ogolaatay in  shacabkeedu inay Isticmaali karaan Baasaaboorka cusub ee Somaliya


Golaha Wasiiradda oo ku kala qaybsamay Doodii Baasaaboorkaa iyo Wasiiro Aaminsan jiho looga leexdaa inaanay jirin oo muquuniyay kuwii Diidanaa


Wasiiradda Qaarkood oo ku adkaystay in la qaadaco Xajka maadaama Sucuudigu aanu ogolayn Baasaaboorka Somaliland


Hargeysa(Waaheen) Shirkii Golaha Wasiiradda ee khamiistii dhaweyd ayay Xukuumaddu si adag uga dooday go’aan uu Sucuudigu ku joojiyay Baasaaboorkii hore ee Somaliya ee ay reer Somaliland Isticmaali jireen, iyagoo ku bedelay Baasaaboorka cusub ee ay Dawladda Somaliya soo daabacatay, taasoo ay Dawladda Sucuudigu sanadkan dhaqan gelisay, isla markaana Xajka aan isaga mooyee mid kale lagu tagi doonin.


Shirka Wasiiradda inkasta oo aan Saxaafadda loo ogolayn, Xukuumadduna aanay ilaa hada u sheegin dadkeeda Go’aanka asy ka soo saartay, ayay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Waaheen u xaqiijiyeen in Doodii lagag tashanayay Baasaaboorkaasi Dood culusi ku dhex martay Wasiiradda, iyagoo u kala qayb samay koox tidhaahda aynu qaadacno Xajka si aynu Dawladda Sucuudiga culays ugu saarno, iyo Koox ku dooday maadaama aynaan Ictiraaf haysan inaynu aqbalno go’aanka Sucuudiga oo aynu isticmaano Baasaaboorka Dawladda Somaliya ee la aqoonsan yahay.


Kooxda Wasiiradda ah ee ku doodaysay in la qaadaco Xajka waxa ay aragtidooda u food saaraynaysay maadaama Sucuudigu yahay Dal Islaam ah Xajkuna yahay Tiir ka mid ah Tiirarka Waajibka ku ah Shucuubta Islaamka inay arrintaasi suurtogal noqon karto inuu aqbalo Cabashadeena. Iyagoo waliba u arkayay fursada labaad eek u jirta Diidmadda Xajku inay noqon karto fursad kale oo Dubalamaasiyadeed oo ay Beesha Caalamku ku maqli karto Codkeena maadaama ay u arkaan Xajku inuu yahay Rukun ku weyn Islaamka.


Madaxweynaha Somaliland Maxamuud Siilaanyo iyo inta badan Golaha Wasiiradiisa ayaa talo ku soo jeediyay in la isticmaalo Baasaboorka Soomaalidda,xafiis Baasabooradda laga qaatana laga furo Magaaaladda Hargeysa ee Caasimadda Somaliland


Hase yeeshee aragtida kale ee ay qabeen wasiiradda ka soo horjeeday isla markaana la isla qaatay waxa ay ahayd in la aqbalo Isticmaalida Baasaabooradda Somaliland, hase yeeshee waxay soo jeediyeen in loo fiiseeyo qofkasta oo Reer Somaliland ah Baasaaboorkaasi maadaama uu dal kale leeyahay, isla markaana aanu wax dhib ah loo arag Isticmaalkiisa.


Wasiiradda Sidaas ku dooday ee la qaatay fikirkooda waxa ka mid ahaa Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Caafiamaadka iyo Wasiiro kale, taasoo noqotay go’aanka Golaha Wasiiraddu isla qaateen balse ay Xukuumaddu sheegi kari la’dahay.


Go’aanka Wasiiradda ayay dadka faaleeya Siyaasadda oo tan iyo khamiistii aad uga doodayay u arkaan Xukuumaddu inay tag iyo maaro u weyday sidii ay Siyaasadda Arrimaha Dibeda u maarayn lahayd, isla markaana go’aankan ay qaadatay uu yahay mid is tabcaynaya oo muujinaya “Beerka jecli xaydha Jecli”

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...