Thursday 6 September 2012

Jaamacad Cusub Oo Maanta Laga Furay Muqdisho “DAAWO SAWIRRADA”


Waxaa maanta xariga laga jaray Jaamacad cusub oo lagu magacaabo Jamhuuriya University iyadoo furitaanka Jaamacadaasi ay ka qeyb qaleen aqoonyahanno iyo macalimiin ka socota jaamacadaha ku yaala magaalada Muqdisho.
Munaasabad  si heer sare ah loo soo agaasimay oo xariga looga jarayay Jaamacada Jamhuuriya ayaa waxaa lagu qabta xarunta laga furay jaamacadaasi waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiinta jaamacada, aqoonyahanno,waalidiin, macalimiinta jaamacadaasi iyo arday.
Guddoomiyaha Jaamacada Jamhuuriya Injineer  Maxamuud Axmed Jimcaale oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in furitaanka Jaamacada ay tahay mid ay ugu talagaleen sidii ay ardayda Soomaaliyeed uga haqabtiri lahaayeen waxbarashada si ay uga maarmaan in dalka dibadiisa ay u aadaan waxbarasho, isagoona ugu baaqay dhalinyarada in ay kordhiyaan aqoontooda.
Markii ay soo gebageboowday Munaasabadda furitaanka lagu furayey Jaamacadda cusub ee Jamhuuriya ayaa waxaa saxaafadda loosoo bandhigay iyo waalidiinta Ardaydaba qeybaha kala duwan ee ay Jaamacaddu ka koobantahay ayadoo qalabka kala duwan ee halkaasi lagusoo bandhigay uu yahay qalabka ugu casrisan ee Jaamacadaha caalamka wax looga barto.
Tan iyo intii ay isbedellada nabadeed ka dhaceen magaalada Muqdisho islamarkaana caasimadda laga xoreeyey Maleeshiyada kooxda Al-Qaeda waxaa sii kordhayey goobaha waxbarasho ee Muqdisho laga hirgelinayo kuwaasi oo ay Jaamacadaha ugu horeeyaan.

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...