Monday 3 September 2012

Cadeyn Dukumenti: Gudiga Farsamada Oo Masuq-Maasuq Ku Sameeyay Liiska Xubnaha Beesha Waceysle



August 24, 2012 | Posted by admin
Duqa Waceysle Mohamed Abdi Shido
Waxaa soo badanaya eedeymaha loo jeedinayo guddiga farsamada ee xulista Xildhibaanada Baarlamaanka cusub, iyagoo lagu eedeynayo inay faraha la galeen howlo ka baxsan shaqadii loo igmaday, waxaana cabasho xoog leh ka soo yeertay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee iyagu soo xulay xubnihii u matali lahaa Xildhibaanada, hase yeeshee guddiga farsamada uu ku takri falay isla markaana soo celiyay in ka badan 50-Xildhibaan oo beelahooda ka socda.
Guddoomiyaha dhaqanka beesha Wacaysle oo ku abtirsata beel weynta Muddulood Caaqil Maxamed Cabdi Shiddo ayaa sheegay in saddex xubnood oo ay beeshu xulatay una soo gudbiyeen guddiga farsamada inay ka reebeen liiska Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ayna hakiyeen.
“Liiska Xildhibaanada Baarlamaanka cusub waa laga reebay xubnaha beesha Wacaysle, waxaana ka mas’uul ah guddiga farsamada” ayuu yiri Caaqil Maxamed Cabdi Shiddo oo sheegay in guddiga farsamada soo xulista Xildhibaanada aanay jirin wax eedeyn ah oo ay u soo jeediyeen xubnaha beesha Wacaysle u soo gudbisay.
Caaqilka beesha Wacaysle waxaa kale oo uu sheegay in nidaamka soo xulista Xildhibaanada cusub ay faragelin ku hayaan guddiga farsamada iyo madax ka tirsan Dowladda KMG ah oo uu ku eedeeyay inay musuqmaasuqayaan iyagoo kaararka aqoonsiga siinaya xubno madax iyo xubno ka tirsan Dowladda oo aan ka socon beelahooda iyagoo ka qaadanaya lacago laaluush ah.
Waxa uu ku eedeeyay Wasiirka arrimaha gudaha Dowladdii xilligeeda dhammaaday C/Samad Macallin Maxamuud inuu faragelin toos ah ku hayo nidaamka soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka cusub, isagoo fududeeyay bixinta kaararka aqoonsiga uu siiyay shaqsi ka tirsan Dowladdii dhacday.
“Beesha caalamka waxaan u sheegayaa in cadaalad darro iyo musuqmaasuq lagu hayo howsha odayaasha dhaqanka ay ku soo gudbinayaan Xildhibaanada ay u soo doorteen inay u matalaan Baarlamaanka cusub” ayuu yiri Guddoomiyaha dhaqanka beesha Wacaysle.
Dhinaca kale waxa uu sheegay in dacwad arrintaasi ka dhan ay u gudbiyeen wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Abassador Mahiga iyo dhammaanba guddiyada kala duwan ee dhismaha Baarlamaanka cusub.
Fiiri Dokuments-ka oo caddeynaya Xildhibaanada beesha Wacaysle ay u gudbiyeen guddiga soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka cusub, jawaabta guddiga iyo warqadda Golaha dhaqanka beesha Wacaysle ay ku magacaabayaan saddexda xubnood ee Xildhibaanada u matalaya Baarlamaanka cusub iyo warqadda Imaamka Muddulood:-
Dhamaan waxgaradka Beesha Waceysle waxay ku baaqayaan in dhamaan xubnaha ku qoran Dokumentiyadan inay yihiin xubnihii saxda ahaa ee matalaya Beesha Waceysle kalsooni buuxdana ka haysta Beeshooda iyo Oday dhaqameedyada kale ee ku xusan qoraalkan, Waaana in ay gudiga Farsamada gudbiyaan kana joojiyaan qaska iyo musuq-maasuqa ay meesha ku hayaan.
COMMENTS
  1. kabakutukade said:
    Asxabey qaabilada waa badanyihiin mana lawada qancikaro marka hala sabro jagooyinkakale ayaa la idinka xaqabtiriye. Nin ka tolweyne waa la dhacay ku haayo smancilacalin muuse xiliban ma ahayn miyaa carto yaakugu. Qeylshay ama kugu cabaaday oo. Hada ibrahim garabey ma ahayn miyaa xiliban war nimanyahow dadka lama wada qanci karo ee kii nasiibkiisu noqday hala saacido dadka dowlada waa loo qeybshaa agaasime. Ilaa xiliban ilaa wasiir marka shaqada hala cabo. Marey suuley dhib ayaad abuureysaa celdherne waxba ma dhicin ee umada ayaa meeshaas ubadan ee dadka qoorta ha isku gelin minaad qabiil ka hadleyso wasiirka arimaha gudaha iyo madaxweynaha iyo gudoomiyaha barlamanka inta dadkoodu way deganyihin nawaaxiga galcad marka dadka ha isku qataarin luqad fiican kuhadal mareeg state ne waaba sheeka dhacday oo expire garoday ee dadka. Qobmoos ha u tuurin
  2. xusuus144@hotmail.com said:
    ninka sheegto dhaqanka waceysle oo layiraa shido waa nin laaluush qaato ah oo waceysle klageeyay sida warqadiisa ku qoran sadaxda uu qoray lacag ayuu ka qaatay haduu run sheegaayo maxuu ugu dhigi wayay. waceslaha qadsan 20-sano oo weligood qadsanaa waxa kamid ah haarun dhagaweyne iyo tolweyne macalin . marka qayanada aawaday aya kugu soo noqotay waana laga raayay waana lasocdaa xaladada shidow hadii laga raayo sabar horaa u sabarsaneen ooyinta iska dhaaf waana ogaa ninkii khaliifka geeyay inuu 3-0 kudiray laakin sabar anigoo c/macalin ah wax maqeyliyo ee safka ila imow ee ila sacbi terabuunka aya saarnhy waxa namatalay 3 raga ah ee meesha galay ooyinta jooji doqon aya thy bye
  3. maraysuleey said:
    ABDIRISAAK IYO SULEYMAN IYO AADAN GOOD, WAA MAHAD SANTIHIIN AQONTINA IYO GARASHADIINA,
    WAXAA NIGA CODSANAYA INAAN ,DADKA HURDADA KA KICINO QALADAD KEENA SAXNO, INAAN QALINKENA KU DIFAACNO CADALADA, KI KA LEXDANE KA DAWA QADANO, INAAN SOMALI KUWA EDEBTA DARAN MEEL ISKA SARNO, BARASHO WANAGSAN, HA LESKA WAR HAAYO
  4. maraysuleey said:
    ASC WR WB, WACEEYSLE WAA 2 DEGAAN, WAA GALCAD IYO NAWAXIGEEDA, IYO CEELDHEER IYO NAWAXIGEEDA,
    XAQA BEESHA WACEYSLE WAA AFKA U DHIGTEEYN RER CEELDHEER, TUSAALO,
    WAXEEEY QATEEY MAGACA MAMULKA WACEYSLE EE MAREEEG, MADAXWEYNAHA GUDOMIHA BARLAMANKA,CASIMADA MAMAULKA. WASIRKA ARIMAHA GUDAHA, IYO 90 % XILDHIBANADA WACEYSLE WAA RER CEELDHEER,
    AWAY RER GALCAD OO LA OG YAHAY IN EEY KA SHACAB BADAN TAHAY CELDHER, TOSAALO DEGMADA GALCAD WAXAA DEGAAN DHAMAAN 8 WACEYSLE, ILAA TULOOYINKA,
    CADAALAD DARADAAS DARTEDA AYAA KENTAY IN WACEYSLIHI KALE EEY ISKA WAYA MASRAXA SIYADA AMA EEBA WAYAAN XAQOODI, SIDA DHAGAWEYNE CUMAR JABRAIL IYO HARUN IYO FAQAY, DHAMANTODA 99& WAA RER GALCAD,
    RER CEELDHEER MARKAN LEYAHAY, WAA EBAKARGAAB IYO CABDIRAXMAN SALEBAN IYO ABSUGE, 3 JUFO EE KU MIDOWDAY CADALAD DARADA
    ANIGA WAXAN AHAY NIN TOLWEYNE MACALIN AH RUNTA ILAHEY AYAA IGU JECEL CIDNA UGUMA BAQAYO INAAN RUNTA U SHEEGO,
    WACEYSLE WAXAA LA HAREYN 3 DAAS JUFO OO LAGU YAQANO DAMAC WEYN IYO WAX TAR LA AAN,
    WAXAAN FARIIN CUSLUS U DIRIYAN DHAMAAN DHALINYARADA BEESHA WACEYSLE, INEEY OGADAN IN MUSTAQBALKA WACEYSLE KU JIRO MIDNIMDA IYO CADALADA, INAAN OGAANO IN DHULKAS U YAHAY DHAXALKEYNA, LOONA BAHAN YAHAY INAAN WAX KA QABANO, IN DHALAIN YARADA 2 DEGAAN ISKU KEENO, IN WALAALAHA LA DULMIYE LO HOYDO MADAXA CILMAMAD LO SAARO, KA DIB AYAAN WAX QABSAN KARNA,LAKIIN INTA KA HOREYSO, WAA ISKA FAAAN WACEYSLE
  5. maraysuleey said:
    ASC WR WB, WAXEEYSLE WAA 2 DEGAAN, WAA GALCAD IYO NAWAXIGEEDA, IYO CEELDHEER IYO NAWAXIGEEDA,
    XAQA BEESHA WACEYSLE WAA AFKA U DHIGTEEYN RER CEELDHEER, TUSAALO,
    WAXEEEY QATEEY MAGACA MAMULKA WACEYSLE EE MAREEEG, MADAXWEYNAHA GUDOMIHA BARLAMANKA,CASIMADA MAMAULKA. WASIRKA ARIMAHA GUDAHA, IYO 90 % XILDHIBANADA WACEYSLE WAA RER CEELDHEER,
    AWAY RER GALCAD OO LA OG YAHAY IN EEY KA SHACAB BADAN TAHAY CELDHER, TOSAALO DEGMADA GALCAD WAXAA DEGAAN DHAMAAN 8 WACEYSLE, ILAA TULOOYINKA,
    CADAALAD DARADAAS DARTEDA AYAA KENTAY IN WACEYSLIHI KALE EEY ISKA WAYA MASRAXA SIYADA AMA EEBA WAYAAN XAQOODI, SIDA DHAGAWEYNE CUMAR JABRAIL IYO HARUN IYO FAQAY, DHAMANTODA 99& WAA RER GALCAD,
    RER CEELDHEER MARKAN LEYAHAY, WAA EBAKARGAAB IYO CABDIRAXMAN SALEBAN IYO ABSUGE, 3 JUFO EE KU MIDOWDAY CADALAD DARADA
    ANIGA WAXAN AHAY NIN TOLWEYNE MACALIN AH RUNTA ILAHEY AYAA IGU JECEL CIDNA UGUMA BAQAYO INAAN RUNTA U SHEEGO,
    WACEYSLE WAXAA LA HAREYN 3 DAAS JUFO OO LAGU YAQANO DAMAC WEYN IYO WAX TAR LA AAN,
    WAXAAN FARIIN CUSLUS U DIRIYAN DHAMAAN DHALINYARADA BEESHA WACEYSLE, INEEY OGADAN IN MUSTAQBALKA WACEYSLE KU JIRO MIDNIMDA IYO CADALADA, INAAN OGAANO IN DHULKAS U YAHAY DHAXALKEYNA, LOONA BAHAN YAHAY INAAN WAX KA QABANO, IN DHALAIN YARADA 2 DEGAAN ISKU KEENO, IN WALAALAHA LA DULMIYE LO HOYDO MADAXA CILMAMAD LO SAARO, KA DIB AYAAN WAX QABSAN KARNA,LAKIIN INTA KA HOREYSO, WAA ISKA FAAAN WACEYSLE
  6. Abdirisak said:
    ASC /Dhamaantiin meelkasto oo aad aduunka ka joogtaanba Salaan kadib . KABAKUTUKADE: Marka hore waxaad ogaataa in qofkasto Rayigiisa xur uyahay , Aniga iyo adiga isku aragti kama nahin arimaha aan ka hadlaayo kuugumana qasbaayo ee waxa aad dhaheeyso ka fiirso .
    Waxaa jira wax la yiraahdo BEEYA DHABIICIYA oo ah Asaaska ugu horeeyo uu qofka inuu barto muhimtahay qofkasto oo anaga nagamid ah waa la soobaray waana kala fahmeeynaa waxa xun iyo wixii fiican tas halkaas ayaan kaga baxay.
    tan xigta SULEYMAN: waad ku mahadsantahay rayiga saliimka ah , waana dadaaleeynaa inta qofkeena ah noolyahay , inaan saas u wada hadalno is tusnaa wixii naga xun waa muhim.
    Su´aal Dhamaantiin maxaa noodiidaayo inaan rayigeena iyo aragtideena inaan mideeyno oo aan DUHUR WEBSITE u soo gudbino
    inuu Aragtida BESHAAN daabaco laakiin marka hore diyaar maunahay inaan rayigeena aruurino hadii taas la helo waxaan maleeynayaa in aan wax qabsan karno umadana waxbaan u qaban karnaa waa iga rayi .
  7. Suleyman said:
    Saaxiibayaal ma wax baad marin habaabineysaan mise aqoonta aad u leedihiin qabiilkiina waceysle ayaa sidaa u liidata haddii ay jawaabtiinu tahay aqoonta aan u leenahay beesheena ayaa sidaa ah waxaan idiin kordhinayaa in waceysle aheyn sideed ee ay uu yahay 4 jifo oo kala ah 1- Haaruun waceysle 2- Jabrail waceysle 3- Suleymaan waceysle iyo 4- Fiqi cumar waceyle waxaa aad u farcamay allaha barakeeyee Suleymaan waceysle waxaana ka farcamay inta badan waceysle dadka loo yaqaan ee aad idinkuba garaneysaan waxayna uga farcameen sidaan soo socota Suleymaan waxaa ka farcamay Cabdiraxmaan, Ali Gaaf,Qombor, iyo cumar suleymaan waxaa ka sii farcama Qombor suleymaan Absuge iyo macalim dhiblawe. Cumar Suleyman waceylena waxaa ka sii farcama Dhegaweyne iyo Ogaale Cumar hadaba wiilasha niyada wanaagsanow waxaan jeclahay in halkaan idinkugu iftiimiyo isla markaana aan idinla wadaago in aanan arag intii aan noolaa Suleymaan waceysle mooyaane weceysle kale oo waceysle ku metelaya danaha bulsha weynta soomaaliyeed kala dhexeeya.hada xildhibaanadani leysku heysto weyba yaryihiin laakiin sideed u dareemeysaan dulmigii aaney fali karin cid damiir lihi ee waceysle ku qeybsaday lix xubnood oo baarlamaankii hore uu ka helay ma waxaa wax ka heley sadexda reer ee Haaruun waceysle, Jabrail Waceysle & Fiqi cumar waceysle mise aragteen iyagoo warbaahinta ka edeynaya reerkaan ku indha beelay xumaanta aaney aadanuhu miyir qab ku sameyn karin isla markaana is weydiinin waxa ugu wacan dhibaatada xanuunka badan ee mudada dheer bulshadoda waceysle dul taagan anigoo huba iney beeshani mudantahay iney hesho nolosha ugu wanaagsan ee ay ku noolyihiin bulshooyinka ku nool aduunyadan aan ku noolnahay ma rumeysni in xumaanta iyo dulmiga baabibi’yay beesha waceysle ay mas’uul ka wada yihiin dhamaan beelaha suleymaan waceysle xaqiiqdii waxaa dulman qaar badan oo ka mid ah beelaha suleymaan waceyle. hadaba waxaan ku guubaabinayaa isla markaana ku biirinayaa xogtan aan jeclahay in ay wax un tari karto da’yartan niyada wanaagsan isla markaana aan ka dareemayo sida ay u dhibsadeen dulinimada dulsaaran beeshooda dulinimadaasoo aaney ku dulheynin cid kale sida ay tilmaamaan daalimiinta bulshadaan la degay.
  8. Abdirisak said:
    ASC / Dhamaan Umada Beesha waceeysle Meelkasto oo aad Aduunka ka joogtaanba , salaan ka dib dhamaantiin waad mahadsantihiin kii rayigiisa ka hadlay iyo kii aan hadlinba , Raiyada meeshaan looga wada hadlay waa Muhim aniga xageeyga , hadii aan sooqaato arinka uu ka hadlay Aadan Good oo ahaa in ABGAAL , HAWIYE eeyba naga liitaan beentaa maaha laakiin waxaad ilowday kuwaa naga daran waxeey wada heestaan Gobolo iyo wixii lamid ah , anaga maxaan heeysanaa ? (A) ma MAREEG STATE oo aan isku heesheesano waa marki kaliyah oo leeslahaa waxaan ka mideeysan nahay ayaan abuuranay waadana arkeeysaa sida aan ugu kala fogaanay , soo tii lalahaa tiisa daryeelaa tukale ku dara , Anagoo danteena ka hadlin oo waxa saxda ah istusin oo aan ku midowin danteena guud miyaan ABGAAL iyo HAWIYE wax u hayaa. Jawaabtu waa maya Adigab kuma rabaan hadii eey kurabaan mar hore ayeey talada kuugu darsal lahaayeen , tankale waxaan aad ula dhacay MARAYSULEY Rayiga uu ka hadlay bal hala arko wajiyo cusub oo WACEEYSLE hogaamiya , waxaan arkaa Gobolo iyo DEGMOOYIN cusub oo lamagacaabayo waxaan Arkaa BALAD WEEN oo lakala qaadayo labo gobol , marka aan ka hadlaayo Xildhibaanada cusub kuma waalan ee waxaan idin tusaayay dadka aan u dirsaneeyno Baarlawaanka cusub ineey ahaadaan dad aan isla wada ognahay oo cid kadaba hadli kartana eeysan jirin hanoo fiicnaadaano ama hanoo xumaadaano anaga ayaa dirsanay , waxaan hadalkeeyga kusoo gabagabeeynayaa aan israadsano oo aan wada hadalno oo aan isu samarno oo aan is cafino oo gacmaha is qabsano oo aan ka fikirno dhulkeena horumarintiisa iyo baahi tirka umadeena ma waligeen ayaan dulsaar ahaaneeynaa . igaraali noqda waxaan u baahanahay inaan ka fikirno ubadkeena ineeysan cidna dulsaar ku ahaan ee waxeey leeyahiin loo abuuraa waana gobol ka yar nama anfacdo .
  9. wil wecesle said:
    marka hore waad salamantihin dadka ku abtirsada wecesle. tan xigta waxa socda waa ceeb iyo lama arkaan,oo umadii baa nalayaban,ilahey janadii haka warabiyo kuwi wecesle magacoda kor uqadey ee wax kadhigey wecesle.waxaa bedeley cade qateyaal u dhaqmeyso sida moryanta. waxan isweydiyey laba beri kahor waxay besha absuge dacwed ka ahayen ninkan layirahdo shido.ninkan yaa udortey gudomiyaha dhaqanka besha wecesle, waxaan umaleynayaa inuu bililiqo wato,absuge hadey yirahdeen ninkan nama metelo, hada mexey u difacayaan marka uu ugu daray hal xubin, taas waxaa cad marki horaba waxay ku heysten maxad anaga nogu diriweysey oo aad noga rebtey, waayab iyo lama filan waxa dhacey,hadan nagta u latagan yahay oo layirahdo jawahir waa nagtii horbodeysey waax iyo wadi oo ay rabtey in ey sanka kagiliso wecesle, oow waceslena ka tashtey sameystey mareg genber gaban ayeey ugu fadhidey wecesle, nina garabka ayuu soqabsadey oo mediyaha laso istagey, asagoo wada qas iyo arbushaad oo rabao inuu kala geyo wacesle, marka waceslo intu idin hor bodayo kas camal meel garimeysan waa xaqiiq ee tashta oo ismaqla oo dodaoo is ixtirama oo kina u qalma doorta oo wax hogamin kara aqona leh, wabilahi towfiq.
  10. Aadan Good said:
    ASC; Dhamaan kahyaarta meesha isku timid waa idiin mahad celinayaa waxaa ka mid ah aqoonyahanka waceysle oo ku waashay ninmanka sheegta xildhibaanada waceysle oo xataa aan la socon meel ay wax marayaan iska daa in ay gobal noo soo dhiciyaane. hada iyo dan waxaa la joogaa xiligii umadaan dadkeeda aqoonta leh oo aqoonta runta ah leh ee soo kici lahaa yeen . waceysle iska daaye abgaalka aan islee nahay waxbeey idin dhaamaan iyo hawiyaha ayaaba naga daran. waa dad aan waxba isku ogaleyn oo maalin walba cabaad iyo waa nala adoonsan rabaa ku jira waxaa taas ka daran in dowlad kasta iyo dhib kasta iyaga uun loo soo dhiso hadii ay dhac hadii ay shaqeyso ay iyag quseeyso. tan waceysle marka aan u soo dagto waxaa loo baahanyahay in la isku xushmeeyo wax qabad iyo wado dhalasho, aniga waxaan ka soo jeeda jufada c/raxmaan Saleebaan, waxaan walaakeey kor aan ku arkay warkiisa la qabaa in fursada loo simo dhamaan sideeda laf ee Waceysle, si ay san u dhicin cuqdad iyo xaasidnimo quursi, iyo kala tag.
    ASC WRWb.
  11. tusmo said:
    Walaal maraysuleey wey fiicnaan lahayd in wax laga siiyo dhego weyne iyo beelaha kale ee waceeysle balse xildhibaanada qayb u soo garay waceeysle ma badna waxaana afka ku ritay kuwa ayaga aaminsan wixii waceeysle soo galo in ay ayaga uun xaq u leeyihiin sida kursiga soo gaaro M/dhiblaawe uu hal cid uun dhaxal u yeelatay meesha shanta kale ee M/DHIBLAAWE ay ku qoran yihiin dawaasho wanaagsan. Marka laguma qadan aqli ay beesha dheer yihiin ee balse waxaa lagu qaatay anaa u horeeyay oo dibi taati ahaan jiray saas darteedna waan aniga in aan idin hortagnaadaa. Mida xigta uu qofka ka hadlay in waceeysle xooga saaro in aay gobol helaan waxaa ka horeeysa in Cali gaaf iyo M/dhiblaawe qalafsanaata iyo isfiirsiga joojiyaan Absuge iyo Cabdrixmaana cadaalad u dhex galaan walaalalaha isfiirsanaayo waayaga aad moodo in ay u jaleecan dhanka M/dhiblaawe taasuna ay fogeeyso cali gaaf markeey taas dhacdo i aamin waceeysle soomaali waa u tali karnaa hadaan aqligeena isku meel dhigna cududeena waa muqanee.
  12. kabakutukade said:
    Kkkkkjkkkkkkk saas iga dheh maxaa oday waxa meesha loogu diray waaba inuu asaga odayaasha metelo dhanka xilibaankana lagu metelo maxaa asaana qeybaa asaana qaadaa miyaa. ? Lkn kalkaan waxay aheed in c/raxman uga qaleeyo absuge waayo tii imabagaati ayey ahaayeen horta waa su,aale xiliibaan maxaa laga faa iidaan? Ani waxaan qabaa inuu waxba aheyn mase xilibanka jufahoosaadkiisa eyna soo dhaafin? Faa idada
  13. kabakutukade said:
    C/risaaq cabaadka dhaaf. dhulka weceysle miyaan kobakutukade masuul aheyn iyo akhyaarkale yaad adi weceysle utaqaan ma afarta tuug oo xamar fadhida. Adaaba hada xumaan wado ilaa aad kobakatukade u aqoonsato ninka wadanka xaasid ayaa tahay mana leysku imaanaayo beesha aad sheegtayne dhulki waa joogaan gumeysina kama jiro sxb wax iskula har tankale cida aad kacabatay. Xaq uma laha miyaa iney xilibaan naqdaan sow mametelikaraan beesha. ?
  14. kabakutukade said:
    Sxb riyo ayaad ku jirtaa meesha aad leedahay gobol iyo degmo cusub iyo afaarahaas. Ciil ayaa meel cidlaa kula baqtinee marka sxb. Meel dadku noolyahay ayaa gobol ama. Degmo laga dhigaa afar reer baadiya ah meel ey kunoolyihiin see gobol looga dhigaa xitaa celdheer ayaan degmo istaahilin oo ah meel musuqmaasuq degmo looga dhigay qababac marka. Iska noolaada. Tankale hadiiba. Ceyr kuusoo xulay xilibaan maxaa kaa qaldan asi maakaa qaatay xilibankaaga ayuu kuusiiyay kaana gatay macaash. Xilibaanadi horena ilmahooda ayey biilaayeen. In ilma laga biisho leena waaye xilibaan iyo xoogaa jufa hoosaadkooda oo dy deeq wax barasho siiyeen. . Meesha aad weceysle ugu baaqday wax wada qabsi ani waxaan ugu baaqaa in. Lashaqeysto aana leysku soo dhawaan nin walibana ninka kale iska ilaalsho si uusan biilkiisa shaki ugelin
  15. maraysuley said:
    waceyslo runta ma rabtiin, horaa waxa lo yiri 4 ti xaqdaro ku heshiiso, iyaga isku qabsadan, waa ni weydina , waceysle aana ahen absuge cabdirax cali gaaf macalin dhiblaawe,ma jiro miyaa, away waceyslihi kale, 4 taan aan kor ku soo shegay 10 ki sano ee la dhaafay iyaga tolka hor bodayen, waxeyna caan ku yihiin wax qabad xumo iyo is naceyb dhexdooda ah,
    maa xildhibanada cusub la siiyo, dhaga weyne iyo haruun iyo faqay iyo jabrail, away cadalada iyo waceyslo nimada, mida kale nin kaan nabadoonka shegtay ee shido, waxa u la qeylinayo waa absuge oo xildhibanadoda liiska laga saray, ka dibna isaga u dhaarteyn, marka waxa u is leyahay madaxa ciida ka cesho,
    midnimo waxa la gara marki cadalad la helo, marki nin walbo kan kale kursiga ugu kaco, lakiin inta les harantinayo, midnimo iyo guul iyo hormar yaana la sugin
  16. Abdirisak said:
    ASC / Dhamaan Umada BEESHA WACEEYSLE Meelkasto oo aad aduunka ka joogtaanba , salaan kadib Soomaalida waxeey ku mahmaahdaa waran aad fileeysay wax kaama dhibo , Aniga ahaan waan filaayay in aan maalin maalmaha ka mid ah dadnimo xumida BEESHA WACEEYSLE Soo Baxeeyso , sababta oo ah Waxaan nahay umad aad u qaldan , Isla weeyn , aan iska warqabin , war siduu qof dadka uu ka dhashay iyo dhulka uu udhashay la heeysto oo gacan gumeesi kujiro Baahida Beesheena heeysata aad u weeyntahay oo aan teena wax uqabsan weeynay oo aanu nahay umad aan israbin oo aan meel wax isula wadin hadana ninkastaba ninka kale iska ilaalinayo hadana sheeganaya ineey halbeel yahiin oo walaalo yahiin maxaa beenta leesugu sheegayaa qof qofkale ka naxayo majiro , waxaan ka war qabaa in arintaan dhacday wixii keenay mala socotiin in WACEEYSLE mar hore wada hadlay uu ku wada hadlay sidii looga qeeb gali lahaa xildhibaanada cusu , wixii meela dhigan lahaa ama leesku raaci lahaa ma suuro galin , suaasha waxeey tahay ma WACEEYSLE ayaa wax loo raadin mise cid ayaa wax loo raadin ????????????? waxa meesha ka socda maaha WACEESLE NIMO ee waa isduleeysi iyo shraf xumo iyo aniga ayaa rabo kursiga hadii aan waayana wax soconaya majiraan , waxaan aad uga xumahay inaan is weeydiin XILDHIBAANADI hore maxeey WACEEYSLE u qabteen ??? xataa Hal DAGMO nooma keenin maxaa noodiiday inaan xooga saarno inaan helno dagmo cusub , kuwa hada lawadana Maxeeynooqaban ???? mayahiin kuwa umadooda ………? Walaalayaalow DUMAR iyo RAGBA aaway sharaftii iyo dadnimadii !!!! waxaan idin leeyahay aan raadino sidii aan hal gobol aan ku heli laheen umadihii soomaaliyeed waxay wada heestaan Gobol anaga maxaa noo diiday inaan xooga saarno Gobol
    cidna nooma maqna yaan sugeeynaa ????
    waxaan idin leeyahay ka fakira arimaha aan taabtaabtay .
  17. kabakutukade said:
    Maxmed cabdi shido hadii c/samad dhacay markale looma diraayo. Meel waa inuu iska celshaa wuxuushta si sharaftiisu aaney u dhiman maxay tahay warkaas. Waase maxay naagto qaswade sxbtiis miyaa? Warkaan lama aqbalikaro waa in shido mahiiga ko hor ooyaa

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...