Thursday 6 September 2012

Kulan lagu taageerayay guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka oo lagu qabtay Jidda



Published on September 6, 2012 by    ·   No Comments  ·   266 views
Munaasabad lagu taageerayay guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Federaalka oo ay ka qeyb galeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Sacuudiga ayaa lagu qabtay magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Kulanka lagu taageerayay doorashada guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Mudane Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ay ka qeybgaleen qeybaha kala duwan ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa qadka Telefoonka uga qeybgalay guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka oo halkaasi ka jeediyay hadallo isugu jiray guubaabo, mahadcelin, dhiirrigelin iyo baraarujin.
Munaasabaddaasi oo aheyd mid aad u ballaaran ayaa xubnihii ka hadlay waxa ay muujiyeeen sida ay ugu faraxsanyihiin isbedeellada siyaasadeed ee dalka ka dhacaya iyo doorashada guddoomiyaha cusub ee Baarlaamanka iyagoo soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo haatan qabanqaabadiisu socoto.
Xubnihii ka qeybgalay kulankaasi ayaa aad ugu riyaaqay hadalkii guddoomiye Jawaari uu qadka telefoonka uga jeediyay munaasabaddaasi isagoo ka dalbaday jaaliyadda in ay gacan ka geystaan isbedelka iyo horumarka dalka.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...