Thursday 6 September 2012

Madaxweyne Shariif Oo Magacaabay Dagmooyin Cusub



Published on September 5, 2012 by    ·   No Comments  ·   3,213 views
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amaanka qaranka ayaa maanta soo saartay digreetooyin ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya taas oo dagmooyin loogu aqoonsaday deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud.
Digreetada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa dagmooyin loogu aqoonsaday deegaanka Docoleey oo ka tirsan gobolka Galgaduud waxaana wareegtada lagu yiri in dib loo habeynayo soodimaha ay leedahay dagmada cusub ee la magacaabay.
Sidoo kale waxaa dagmo loo aqoonsaday deegaanka Godinlabe oo ka tirsan isla gobolka Galgaduud waxaana sidoo kale digreetada lagu sheegay in dib loo habeynayo soodimaha ay leedahay dagmadaasi.
Iyadoo wareegtada lagu qeexay in la baabi’iyay wax waliba oo ka hor  imaankaro ama aan la socon Karin xeerarkan.
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa waxa ay ugu baaqday hay’adaha dowliga ah in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dhisaan adeegyada ay u baahanyihiin dadka shacabka ee ku nool deegaanadaasi si loo hormariyo

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...