Monday 3 September 2012

Warqad Sir Ah Oo Muujinaysa In Dagaal-Oogayaashii Muqdisho Boosaskoodii Xildhibaano-Cusub Lagu Bedelay (Original-Document)


PDFPrintE-mail
Written by Administrator   
Monday, 03 September 2012 00:50

Horaan u-sheegnay in Dagaal-Oogayaasha Muqdisho ay sheekadoodu ku dhamaan-doonto (Quud-aan-jirin qoryo-u-guro)

Hadabba Warbaahinta Shacabkamedia ayaa heshay,magacyadda Xildhibanaadii lagu bedelay qaar ka mid ah Dagaal-oogayasha Muqdisho ,Warqadan kasoo baxday Gudiga Farsamada ayaa si Hoose looga helay Maxamed Cali Xeyle oo ah Xubin kamid ah Gudiga Farsamada kana soo jeeda Beesha Murusade.

Ugaaska Beesha Murusade Ugaas C/laahi Ugaas Xaashi Fara Cadde waxa uu sheegay in Xubnahan 8-da ah ee ku qoran Warqada ay Gudiga Jeebkooda ka qorteen Odayaashana aysan la socon ,waxa uuna intaa raaciyay in Horey sidaan oo kale Gudiga Farsamada Beesha Murusade ugu dhaceen Xubin aysan iyagu soo xulin balse Gudiga Farsamada ku galiyeen Musuq maasuq iyo Qiyaano .


Xubnaha hada muranka ka taagan yahay ayaa ah ilaa 4-Dagaal-Oogayaal  ay Maxkamada sare ee Dalka horey u cadeesay una go'aamisay in ay kamid noqdaan Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya loona sameeyay kaarar bug ah oo aysan ka warheynin gudiga Fasamadda ee sooo xulitaanka Baarlamaanka.


Xubnaha la isku heesto ayaa kala ah.


1-Maxamed Qanyare Afrax

2-Bootaan Ciise Caalin

3-Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Finish )

4-Axmed Ducaale Geelle Xaaf


Gudiga ayaana Xubnaha hoose  oo kalsooni ka heesta Beeshooda iyo Odayaasha Dhaqanka ee Xulayay Baarlamaanka waxa ay ku badaleen 4-kamid ah Dagaal-Oogayaasha.


1-Nuur Ali Ahmed

2-Aadan Xaaji Xasan

3-Siciid AXmed Kadiye

4-Prof Cali Sheekh Ismaaciil (Gacal)

Warqadda Sirta ah ee muujinaysa  in Dagaal-Oogayasha Muqdisho boosaskoodii la buuxiyay:

Shacabkamedia:Beyra:Puntland

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono

Email:Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...