Tuesday 11 September 2012

Yaa Yiri Hawiye Waa La Neceb-Yahay?(Kaftanka-Shacabkamedia)


PDFPrintE-mail
Written by Administrator   
Tuesday, 11 September 2012 14:53

Doorashaddii shalay ayaa waxaa dhacday arin ka yaabisay Soomaalidda,cuqdadana ka saartay Beesha-Hawiye oo iyagu awal ku calaacali-jiray (Qabiiladda-Soomaalidda wayna neceb-yihiin),laakiin arintii shalay  dhacday ayaa lagu ogaaday,in Soomaalidda ay yihiin dad aan Qabiil hadda kadib lagu shaabadeyn-karin,maadaama 3-nin oo Beesha-Abgaal u-dhashay,ay kala galeen,kaalinta (1,2 iyo 4)markii dambana 2-dii ugu sareysay tirada Codadka oo isla Beesha-Abgaal ay Final isugu soo baxeen,kadib markii uu iscasilay Musharax Gaas oo Beesha-Daarood ka tirsanaa.

Hadabba waxaa shalay soo afjarantay in Soomaalidda ay qiimeeyaan Qabiilka,maadaama 3- nin oo hal Beel ka wada tirsan ay heleen codad aysan ku xisaabtameyn,ilaa Xildhibaanad ka tirsan Xildhibaanadda ay shalay ku kaftan-tay (Hoolka Baarlamaanka ciyaarta halaga-daayo)taasoo loo fasirtay inay ka waday 3-da nin ee Abgaal ee nasiibkooda u-hiiliyay.

Waxaan shaki ku-jirin in arintii shalay-dhacday ay cuqdada ka saartay Beesha-Hawiye oo iyagu aaminsanaa muddo in Qabiiladda kale ee Soomaalidda aysan jeceleyn siyaasiintooda ku caan-baxay siyaasad ma-dhaleys ah,inkastoo hadda la doortay shaqsi nadiif ah oo siyaasadda ku cusub,waxaana shalay Xildhibaanadda Baarlamaanka ee ka kooban Qabiiladda Soomaalidda ay soo af-jareen,halkudhegii Beesha Hawiye caadada ka-dhigatay ee ahaa (Qabiiladda Soomaalida wey na neceb-yihiin)balse taa bedelkeeda shalay waxaa laga saaray cuqdadii,waxaana loo xaqiijiyay Soomalidda inaysan cuqdad u qabin Beesha Hawiye.

Qalinkii:Kaftanka-Shacabkamedia

Shacabkamedia:Beyra:Puntland

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono

Email:Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...