Wednesday 24 October 2012

Madaxweyne Shariif: Diinta iyo Dowladda ha la Kala Saaro


Muqdisho (RBC) Loollanka loogu jiro xilka madaxweynenimada Soomaaliya wuxuu galay marxalad gabogabo ah. Dadaalka tartamayaasha kuma koobna oo keliya xodxodashada xildhibaannada.
Murashixiintu waxay bixiyeen waraysiyo. Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waraysi siiyay wargeyskaIl Giornale oo ka soo baxa dalka Talyaaniga. Madaxwyenuhu wuxuu ka warramay guulaha AMISOM iyo ciidanka Soomaalidu ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab. Wuxuu madaxweyne Shariif sheegay in uu ku rajo-weyn yahay in madaxweyne loo dooran doono mar kale.
Dad badan waxay la tahay in madaxweyne Shariif weli rumaysan yahay in diinta Islaamku noqoto sharciga ugu sarreeya dalka.
Madaxwyne Shariif waxa uu gabi ahaanba badaley mowqifkiisii ku aadanaa in diinta islaamka ay ku lug yeelato maamulka iyo maareynta Dalka Soomaaliya waxa uu wareysi uu siiyey wargeyskaIl Giornale ee kasoo baxa dalka Talyaaniga uu ku sheegay in ururkii maxkamadaha uu dalka burburinayay iyo in uu hadda aamminsan yahay in diinta iyo siyaasadda gabi ahaanba la kala saaro:
Non ho rinnegato la fede, ho solo compreso la necessità di separare religione e governo.) ” Diinta maan beenayn, waxaanse ogaaday in loo baahan yahay in diinta iyo dowladda la kala saaro.
” Hadalkan wuxuu dhabar-jab ku noqonayaa ragga la loollamaya madaxweyne Shariif oo badankood rumeysan in madaxweynuhu yahay siyaasi diinta Islaamka u arka tiirka dowladda. Si kastaba ha ahaatee madaxweyne Shariif wuu tuuray koofiyaddii Islaaminimada, waana hoggaamiyaha ugu horreeya oo isbeddel 360 degree oo dhinaca siyaasadda ah sameeyay.
Waraysiga Il Giornale la yeeshay madaxweyne Shariif:
«Ora la Somalia sta ripartendo E l’Italia si lascia tagliare fuori
http://www.ilgiornale.it/news/esteri/ora-somalia-sta-ripartendo-e-litalia-si-lascia-tagliare-833698.html
Raxanreeb.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...