Thursday 29 November 2012

Daawo:Togane oo ku Tufay M/weyne Xasan (Kursiga waxaa u iibiyay Mareykan iyo Qatar,wuxuuna u shaqeeyaa Mareykan (Wareysi Xasaasi ah)

  PDFPrintE-mail
Written by Administrator
Wednesday, 14 November 2012 22:56

Professorka caanka ah ee Soomaaliyeed Professor Togane oo wareysi kulul siiyay Shacabkamedia,ayaa ka hadlay sida uu u arko ansaxiintii Golaha Wasiiradda ee 10-ka Wasiirka ka kooban,isagoo si xun ula hadlay La Taliyaha qaaska ah ee Madaxweyne Xasan,ninka lagu magacaabo C/Qaasim Salaad iyo Sirta ka dambayso in Kismaayo iyo Jubooyinka looga hor-istaago Maamulka ay dhisanayaan dadka deegaanka.

"Ninkan Cadale Ceeldheer,Jowhar maamul ha u dhiso isaga iyo Cali-Ameeriko maxaa daba-dhigay Maamulka Jubuuyinka"ayuu yiri Professorka oo ka careysan in dadka deegaanka Jubooyinka tashwiish lagu furo inay dhistaan Maamulkooda.

Togane ayaa qarxiyay Sir-qarsooneyd oo ku saabsan cidda Maalgelisay doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya uu ku guuleystay kursiga iyo In Xildhibaanadda Baarlamaanka ay lacag laaluush ah siiyeen Dawladaha Qatar iyo Mareykanka,wuxuuna Xisbiga Madaxweynaha ee Damjadiid ugu yeeray inay yihiin (Dembi-Jadiid)


‘’Aniga Ma Ihi Majeerteen Ama Daarood Waxaan ahay Hawiye Laakin Walaalkeey Waxa lagu Sameenayo oo Idabdara ah uma adkaysan karo Soomaalida waxay Tiraahda Dameer oo dameer kale ka gardaran Marka aan Arko Waa Xanaqaa War hadaa xitaa ka dhigto hadii aad Majeerteen Wax u diidayso Sooma wanaagsanayn in Tagto Aad sharafto Dadka Reer Puntland oo aad madaxwaynaha u tahay oo aad ugu farxay Doorashadaada’’

Sidoo kale wuxuu Yiri Proff Toogane ‘’Nin Iga Caqli badan oo iga Cilmi badan oo la Yiraahdo Cumar Macalin oo Majeerteen aheen oo Agaaden u dhashay Wuxuu Yiri Sadax waxyaabood hadii ay isku mar ku soo Toosaan oo M ka Bilowdo Aad iyo Aad ayaa u Najaxaysaa Maraykan ,Majeerteen iyo Money hadii aan sadaxdaas isku heli lahaa wax waliba ayaa ii hagaagi lahaa

Wareysigan waxaa qaaday Suxufi-sare C/qani Cali Dalmar oo ka mid ah Tifaftirayaasha Shacabkamedia.

Professorka ayaa sidoo kale ka hadlay in Madaxweyne Xasan-Culusoow iyo Puntland ay kala dhinteen,maadaama uu diiday inuu kala tashto shaqsiga Reysalwasaaraha loo magacaabayo iyo Wasiirka loo qoondeeyay Puntland oo Madaxweynaha diiday inuu kala tashto Madaxweynaha Puntland Dr Faroole.

Daawo Warersiga Proffessor Togane oo Sir-qarsooneyd daaha ka rogay:

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...