Thursday 20 December 2012

Golaha waziirrada maxaa lagu saleeyay?!


Golaha waziirrada maxaa lagu saleeyay?!
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.
Alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Nofeembar 07 2012
Meeshii Cirka Laga Filaayay Ciiryaamaa Ka Timid! baa malaha arrintu joogtaa, Soomaaliya xaalkeedu ma aha mid qarsoon waxna ma tarayso in maalin kasta nin isaga is cajabiyay uu caqligiisa wuxuu ka maago ugu taliyo, marka la fiiriyo tirada guud ee tobanka ah ee golaha waziirrada ay ku soo koobeen Madax-weyne Xasan iyo ra’iisal-wazaare Cabdi SHir-doon waxaad moodaa in aan arrinta farsamo aqooneed lagu salayn isla markaasna aysan meesha ka marnayn khayaano macnaheedu ku urursanyahay awoodda yaan lagula qaybsan.
Marka waziirrada meesha ku qoran aad isha mariso waxaa iyadana xaqiiqo ahaan soo baxaya in ra’iisal wazaare SHir-doon uusan qofna soo magacaabin, waxaana aad loo saluugi karaa xirfadda siyaasadeed ee uu madax-weyne Xasan SHiikh damcay inuu arrimaha murugsan ee Soomaaliya ku wajaho, guud ahaan sida uu arrimaha u lafa gurayna waxaa ka muuqanaya inuusan xilkaas uu hayo uusan sidii laga filayay u hanan, isla markaasna uu soo magacaabay dad gaar ah isagoo inkiraya hankie dad-weynuhu qabeen iyo xil-dhibaanadii isaga soo doortay.
Waa marka horee madax-weynaha iyo saxiibkii Cabdi SHir-doon waxay ku xad gudbeen habkii lagu heshiiyay ee ahaa 4.5 beelood, wuxuuna ku bedelay 5beelood sida laga garanayo hab beeleedka lagu saleeyay waziirrada la soo magacaabay taasoo keentay in beelaha qaarkood oo aan iyaga xilalka wazaaradaha wax ka helin ay rumaysanyihiin in si ula kac loo hareer maray wixii lagu heshiiyay isla markaasna si dano gaar ah oo qarsoon loo fuliyo iyaga xuquuqdii ay ahaayeen la duudsiyay, waxaana dirba bilowday kulano si gooni-gooni ah ay isu arkaan xil-dhibaannada beelahooda eed sheeganayaan si ay cododkooda meel isugu geeyaan.
Waxaa kaloo soo baxaya warar sheegaya in madax-wenaha iyo af-hayeenka Max’ed Cismaan Jawaari ay qorshayniyaan in codka kalsoonida ah ee golaha wazaaradda loo qaadayoo uu noqdo mid gacan taag ah oo aan qarsoodi ahayn, taasoo macnaheedu yahay inaan dad badan oo xil-dhibaannada ah aysan ku dhiiran codkii ay bixin lahaayeen.
Waxaa aad la yaab u ah in Cabdi Faarax SHir-doon wax raad ah uu leeyahay aysan ka dhex muuqan golaha waziirrada, waxaana muuqaanaya xubnaha meesha golaha dhammaan inay yihiin kuwo ka yimid dhinaca Xizbiga Horu-marka iyo Nabadda ee madax-weyne Xasan SHiikh, ilaa iyo hadda inta la aqoonsanyahay kuma jiraan wax ka soo jeeda hay’adda ra’iisal wazaare SHir-doon ee RAJO.
Hab-dhismeedka golaha wazaaradda inuu noqdo toban xubnood ayaan ilaa iyo hadda macne ay ku salaysantahay oo weyn aan dadka loo sheegin aan ka ahayn dowlad kooban baan dhisnay, waxaase dad badan oo madax-weynaha ku dhow-dhow ka soo fanfaniinay in madax-weyne Xasan SHiikh uu u arko in 18xubnood oo gole waziiro ah ay tahay 18gobol ee dalka ka jiray markii ay burburtay dowladdii Soomaaliya isgana (waa Xasan SHiikhee ) uusan aqoonsanayn 18gobol sidaa aawgeedna uu rabo inuu tirtiro raadkaas uuna ku bedelo qaabka isaga uu doonayo.
Max’ed Cusmaan Jawaari, ayaa isaga laf ahaantiisa waxaa la oran karaa wax buu ka ogaa magacaabidda golahan cusub, waxaana hadalkii uu ka jeediyay goobtii lagu magacaabay golaha ka muuqday inaysan golaha ku cusbayn, isla markiina wuxuu isla goobta siiyay codkiisii kalsoonida markii uu yiri “madax ha isu malynina ee waxaad tihiin adeegayaashii dadka!” munaasabadda weedhaana run ahaantii waxay ahayd inuu la sugo marka inta hortiisa la keeno golaha uu af-hayeenka u yahayna ay kalsoonida siiyaan xukuumadda.
Waxaa iyadana is-weydiin mudan maxay ku salaysantahay in xilka waziirka arrimaha dibadda loo magacaabo Marwo Fowziya Yuusuf Xaaji Adan?! Waayeel Dooddiisa La Garan Waayay Dan Baa U Xabaalan! Fowziya waxay wali rumaysantahay gooni isu tag Somaliland, waxayn a ilaa iyo dhowaan u ololeynaysay in gobolada Woqooyi ay ka go’aan dalka intiisa kale, side marka ku dhacday in qof fikirkiisu sidaa yahay xil uga qabto Jamhuuriyada Federal-ka Somaaliya?
Waxaa iska cad madax-weyne Xasan SHiikh inuu jiro jacayl aan la macnayn kana baxsan danaha siyaasadeed ee dalka inuu u qabo Somaliland, sida ku cadayd khudbaddiisii u horaysana uu ku tilmaamay dad la dulmiyay, dhinaca kalana Somaliland ayaa waziirkeedi arrimaha gudaha Caraale ayaa markii la doortay Madax-weyne Xasan SHiikh shegay inay iyaga keeneen madax-weyne Xasan, balse waxaas oo dhan marka meel layska dhigo muxuu madax-weyne Xasan ku macneeyay xubinimmada golaha waziirrada ee Marwo Fowziya Yuusuf?
Waraysi ay idaacadda codka Maraykanka laanteeda afka Soomaaliga la yeelatay Marwo Fowziyo isla markii xilka loo magacaabay ayeey si cad waxay u sheegi weyday mowqifkeeda midnimmada qaranka Soomaaliyeed, weriye Haaruun Macruuf oo waraysaniyay ayaa weydiiyay
“…Waxaan rabaa, dhegeystayaashuna ay is weydiinayaan bal inaad labao arrimood aad is waafajiso, waxaa la dhihi karaa Fowziyo dhowr bilood ka hor waxay u ololeynaysay oo doonaysay Somaliland dal madax banaan, maxaan ku iraahdaa inay, inay noqoto, Soomaaliya inay ka madax banaanaato, inkastoo ay goosatay 91dii, hadana aqoonsi caalami ah aysan helin, hadana dowladda Soomaaliya ayeey ku jirtaa dastuurkeedana Soomaaliya waa mid bay leeyahay, marka labada bal is waafaji?”
“Arimahaasi waa arrimo waqti iyo istratiijiyo (Strategies) u baahan, waa arrimo doodo badan u baahan, waa arrimo is af garad u baahan, waa arrimo bilow ah, waxa aan maxay ahayto kaga baxayaa, wada hadalkii bilowday waxaan rajaynayaa inay sii socdaan, waxaan rajayniyaa in la sii wado, waxaan ka rajayniyaa in guul ay labada dhinacba ku faraxsanyihiin ay ka dhalato” ayeey Fowziyo ku jawaabtay, “Laakiin hadda adigu midnimmada Soomaaliya ayaad taabacsantahay sax?” ayuu Haarun Macruuf ku celiyay “Soomaali, waxay jeceshahay sidii madax-weyne Xasan SHikh uu ugu yidhi khudbaddiisii ma jirto xoog iyo qasab iyo dagaal ee waa wada hadal , wada hadalkaa wixii lagu gaarana, waa, ee, lagu wada baahanyahayna waa inshaa Allaahu lagu guulaysan doonaa” ayeey Fowziya ku soo koobtay jawaabteeda….
Yaab! qof uu shaki ugu jiro midnimmada Soomaaliya sidee buu waziir uga noqon karaa Soomaaliya, waliba waziir arrimo dibadeed?! Madax-weyne Xasan waa uu yaqaanay Fowziya aad buuna uga war hayay siyaasadaheeda ku aaddan gooni isu taagga Somaliland, waxaana Barlamanka hor yaala inuu arrintan wax ka weydiiyo madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha, maxaa yeelay waa qodob qaynuun ahaan u baahan inay jawaab ka bixiyaan labadan mas’uul.
Sida xataa laga dheehan karo qaybta dambe ee jawaabteeda madax-weyne Xasan SHiikh ruux ahaantiisa ayaa shakiga kaga jiraa midnimmada Soomaaliya, waxaadna moodaa inay jiraan dano intaas ka hooseeya oo ay isku ogyihiin madax-weyne Xasan SHiikh iyo nimanka hoggaamiya Somaliland, iyadoo waliba uu madax-weynuhu aad isugu mashquulinayo inuu abuuro ama qayb ka noqdo xiisado siyaasadeed oo aan waqtigan loo baahnayn oo uu xallin lahaa habka Federalism-ka marka ay soo dhamays tirmaan hawlaha dhaqan gelinta nidaamka.
Waxaan xasuusnahay in xilligii madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Yuusuf Haaruun sida la sheegay lagu xiray arrimo la xiriira inuu si sir ah ula shaqayniyay Somaliland, sidaasoo kalana markaas ka hor Max’ud Sifir baa shaqadiisii waziirkii war-faafinta ee isla dowladaas arrimo noocaas oo kale ah looga eryay, waqtigan hadda aynu joogno ayaa saraakiisha ka soo jeeda gobolada Woqooyi ee Soomaaliya ee ku jira maamulka dowladda wali lagu eedayniyaa qaab noocaas ah.
Yuusuf Ibraahim DHeeg oo ah Safiirka Soomaaliya u jooga China ayaa waxaa aad ugu cabanaya ardayda iyo dadka ganacsatada ah ee taga dalkaas, iyadoo dowladdana aad moodo inay xaq-dhowr dheeri ah ku siinayso in saraakiisha gobolladaas ka soo jeedo inay eedo ka tirsanayaan gobollada Koonfureed ama ay dhibaato ka soo gaartay dowladdii ay ciidammada hoggaaminayeen, hasa yeeshee taasi ma aha sabab sax ah ee waa sabab dano kale ku qarsoonyihiin. Halkaan ka aqri war-bixin arrintaas la xiriirta:http://www.waayaha.net/view.php?articleid=15724.
Midda kale wazaaradaha qaarkood ee laga tegay caqli side ah baa lagu saleeyay, sida wazaaradda wax-barashada iyo midda caafimaadka, ma waxaa la leeyahay hay’ado gaar ah (Private Sector) loo leeyahay bay noqonayaan, kolayba waxaa muuqda in madax-weynaha uu culayska ku badiyay wazaaradaha qaarkood oo hawshii seddex wazaaradood uu isugu keenay hal, laakiin dadka yaqaana madax-weynaha ku macneeyay inuu arrintaas uga dan leeyahay in si buuxdo maamulada wazaaradaha awoodiisa u hoos yimaddaan.
Tani waxay dhinaca kale macnaynaysaa yaraanta kalsoonida uu madax-weynaha ku qabo ra’iisal wazaaraha iyo golaha waziirrada, waxaana jira warar tilamaamaya in qaabka dowladdu noqonayso inta badan ay talooyinkeeda ka yimaadeen madax-weynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madax-weynaha Somaliland Axmed Siilaanyo
Maxay garteen dadka ku taliyay in wazaaradaha wax-barashada iyo caafimaadka laga tago oo maamuladii ka horeeyay oo dhan aysan garan?! Waa xujo aan maanka geli karin! Waxay dadku sugayaan in madax-weyne Xasan uu macneeyo murtida ka dambaysa maqnaanshaha labadaaas wazaaradood, iyadoo waliba haddii uu golaha barlamanka uu codka Kalsoonida siiyo xukuumaddaan ay dad-weynuhu ka sugayaan in sharaxaad ku filan ka siiyaan sababta maqnaanshaha labadaa wazaaradood, dhowr wazaaradood oo kalana hal wazaarad laysugu geeyay!…. Hashu Maankayga Gadayee Ma Masaar Bay Liqday?!…Madax-weyne Xasan iyo SHir-doon, waxay ku quruxsanaan lahayd adinkoo aan tirada golaha waziirada ka yarayn 18kii aad ugu timaadeen, haddii kale…
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH GABAY, MAANSO MAQAAL, SHEEKOOYIN GAA-GAABAN AMA WAXKALEBA U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...