Saturday 15 December 2012

Muqdisho: Dhul uu Lahaa Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf oo Markii ugu Horeysay Lagu Wareejiyey Qoyskiisa


Dhulkan oo ka kooban afar boos ayaa u dhexeeya wadada garoonka diyaaradaha iyo xaafada Buulo Xuubeey.
Muqdisho (RBC) Waxaa muddo labaatan sano iyo dheeraad ah kadib, qoyskii marxuum C/laahi Yuusuf Axmed ay dib u heleen dhul ka kooban afar boos, kuna kacaya boqollaal kun oo doolar oo ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho kaasoo ay deganaayeen dad barakacayaal ah.
Kadib amar uu bixiyey madaxweynaha dawlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maamulka gobolka Banaadir iyo dawlada hoose ee Muqdisho waxay si qasab ah dadkii deganaa uga saareen dhulkaasi bannaan oo laga sameystay guryo jiingado, cooshado iyo dhagax isugu jira oo ay ku noolaayeen dad ka badan 150 qoys oo ka kala yimid gobollo kala duwan.
Aroornimadii hore ee maalintii shalay ee Jimcaha ayay ciidamo boolis ah isku gedaameen dhismayaashaasi laga sameystay dhulkan uu lahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya marxuum C/laahi Yuusuf, waxayna amar ku bixiyeen in dhamaan dadkii deganaa ay ka guuraan dhulkan oo ku yaalla inta u dhexeysa wadada garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo halka loo yaqaano Laami Yaraha Soobe (KM5) kana tirsan degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Mid ka mid ah saraakiisha hawlgalkaasi fulisay oo maanta Raxanreeb la hadlay ayaa noo xaqiijiyey in dhulkii bannaanaa ee uu lahaa madaxweynihii hore lagu wareejiyey afadii uu ka geeriyooday Marxuum C/laahi Yuusuf oo lagu magacaabo Marwo Xaawo Cabdi Samatar oo haatan ku sugan Muqdisho.
Wariyaha Raxanreeb oo maanta booqday dhulkaasi uu lahaan jiray madaxweynihii ee Dawladii ku-meelgaarka ahayd ee Soomaaliya Allah ha u naxariistee Marxuum C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa halkaasi uuu ku soo arkay ciidamada booliska oo weli waardiye ka haya hantidii AUN Madaxweyne Yuusuf oo lagu wareejiyey marwo Xaawo Cabdi Samatar.
Dacwada qoyska reer C/laahi Yuusuf
Xaawo Cabdi Samatar (bidix) Sahro Cumar (midig) oo ku kulmay madaxtooyada Muqdisho.
Raxanreeb uma suurtagalin inay la hadasho Marwo Xaawo Samatar oo hadda ku sugan Muqdisho, hase yeeshee mid ka mid ah saraakiisha madaxtooyada oo isagoo aan fasax u qabin inuu saxaafadda la hadlo haddana u xogwaramay Raxanreeb ayaa xaqiijiyey in wareejinta hantidii Marxuum C/laahi Yuusuf ay timid kadib markii toddobaadkii hore xarunta madaxtooyada ay ku kulmeen marwo Xaawo Cabdi Samatar iyo mid ka mid ah xaasaska madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu magacaabo Sahro Cumar.
Kulankaasi oo qado sharaf ahaa kadib ayaa marwo Xaawo Cabdi Samatar [xaaska madaxweynihii hore C/laahi Yuusuf] waxay madaxweyne Xasan Sheekh u gudbisay dacwad ku aadan in dhul ay keeyihiin qoyska reer C/laahi Yuusuf oo Muqdisho ku yaalla uu ka maqan yahay gacantooda sidaa darteedna ay ka codsanayaan dawlada cusub inay dib ugu soo celiso dhulkooda taasoo madaxweynuhuna aqbalay.
Sida saraakiisha madaxtooyadu noo sheegeen waxaa madaxweynuhu arrinta dhulka reer C/laahi Yuusuf uu u xilsaaray wasiirka arrimaha gudaha iyo duqa magaalada Muqdisho kuwaasi iyaguna maalintii shalay ciidamo boolis ah geeyay halkii uu ku yaallay dhulkii uu lahaan jiray Marxuum C/kaahi Yuusuf, waxaana isla shalay dawladu dhulkii ay dadka ka saartay ku wareejisay qoyska reer C/laahi Yuusuf.
Tan iyo intii la doortay dawlada cusub ee ay bilaabatay in wax xoogaa nabadgelyo ah ku soo laabato magaalada Muqdisho waxaa isa soo tarayey dadka qurbejooga ah ee ka imaanaya dibadaha kuwaasoo badankooda furtay dacwado ku aadan guryo iyo dhulal ay lahaayeen oo dad kale ay heystaan, waxaana arrinta dhulka iyo guryaha ay noqotay dacwadaha ugu badan ee maxkamadaha Muqdisho ay hadda ku mashquulsan yihiin.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...