Thursday 24 January 2013

Wasiirka Warfaafinta Puntland: Soomaaliya meesha Caasimad u noqoneysa waa laga wadatashan doonaa.




Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin
Garoowe (RBC Radio) Wasiirka Warfaafinta isgaarsiinta Hidaha iyo Dhaqanka Dowlada Puntland Maxamuud Caydiid  Dirir ayaa sheegay in sida uu Dastuurku qabo laga wada tashan doono Halka Soomaaliya Caasimad u noqoneysa isagoo taasi ku micneeyey in Magaalada Muqdisho ay ahayd meel hantidooda lagu dhacay Dadka iyo Dowlada ilaa iminkana aan arintaasi laga wadahadlin mar uu ka hadlayay Sagootin loo sameeyey Wafuud ka socotay Jubbooyinka iyo Gaarisa oo maalmihi ugu dambeeyey ku sugnaa Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland.

“Waxaa Xaqiiq ah oo aan indhaha laga qabsan Karin Xaaladihii lagula kacay dadkii ku sugnaa Muqdisho  intuusan dagaalku dhicin oo Hantidoodii lagu dhacay Dowladii sidoo kale hantideedii lagu bililiqeystay marka waxaan orankarnaa Koonfur hada ayeey soo baraarugeen waana la soconaa in dil Dhac iyo boob uu ka dhacay indhahana aan laga Qarsan Karin Duub Duubna aan lagu liqi Karin ilaa laga wada hadlo mooyaane,Muqdisho maahan Muqdishadii hore mana lahan maqaamkii ay waayo waayo lahaan jirtay, ayuu yiri Mudane Caydiid Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Wasiirku wuxuu sheegay in meesha laga rabo in ay Caasimad noqoto loobaahan yahay in loo wada sinnaado oo cidina aysan awood gaar ah ku yeelan soomali oo dhan ay u dhexeyso ee maahan in qolona ay walwal ku joogaan qolona ay ku kifaaxaan Magaalada sidaa lama oran karo Caasimad waana mida dhalisay in laga wada xaajoodo dastuurkana way ku qorantahay in halka Caasimad Noqoneysa laga wada hadlo Cidinana isma hor taagi karto Arinkaa waana ka digeynaa in wax laga bedelo Qodobada sheegaya in halka Caasimad noqoneysa laga wadahadlo oo ku qoran Dastuurka  sidaana waxaa yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...