Thursday 24 January 2013

Xuska Dhalashada Nabigeena Maxamed NNKH Oo Lugu qabtay Gaalkacyo (Sawirro)


Munaasabad balaraan oo lagu xusayey dhalashadii nabigeena muxamed CSW ayaa maanta lagu qabtay magaalada Gaalkacyo taasoo lagu qabtay hoteelka Saylaan ee Gaalkacyo.
Xuskan oo si weyn loo soo agaasimay waxaa soo qaban qaabiyay culimada Ehlu sunna waljamaaca ee gobolka Mudug waxaana ka soo qayb galay waxgarad kala duwan.
Munaasabada oo bilaabatay 12:00 duhurnimo culimadii isugu Timid kaga hadleen qiimaha ay bishani u leedahay shacabka islaamka Meel kasta oo ay joogaan iyadona halkasi ay khudbadooyin kajediyeen qar kamida culimadii kaso qaybgashay Sheeq Mursal Shire Maxamed oo kamida culimada sida weyn loga dhex yaqano guud ahanba deegaanada Puntland ayaa munaasabada kaso jeediyay khudbad qiro leh tasi oo u uga hadlay qiimaha ay bishan ay bulshada u ledahay iyo sidoo kale wacdiyo kale oo diini ah.
Dhinaca kale madashay waxaa hadal kasoo jeediyay Guddoomiyaha gobalka Mudug Maxamed yuusuf jaamac (tigay) waxana uu guddoomiyaha hadalkisa kuso hadal qaday in culimada loga bahan yahay inay ka qayb qaatan xasilinta dalka iyagona shacabka ku baraarujinaya ku dhaqanka diinta,waxa kalo uu munaasaba dadwaynaha ugu sheegay ka shaqenta ammaanka gobalka.
Xildhibaan Yaasiin Cabdi Seed oo kamid ahaa dadkii kaso qayb galay Munaasabad lagu xusayay Dhalashadii Nabigeena NNKH ayaa isaga sheegay inuu ku farax san yahay kaso qaybgalka Munaasabad waxana dhinacisa uu ku buriyay shacabka ku dhaqan gobalka mudug inay ka shaqeeyan sugida amnigoda.
Munaasabad ayaa la qabta sanad walba bishan oo kale iyadoona lugu xuso Dhalashadii Nabigeena NNKH waxana ay ka dhacday deegaano dhor ah ku wasi oo katirsaan Puntland halka qaybo kamida gobalada dhexe iyo koonfurta dalkana xusas balaraan ay ka dhaceen.

Iimaan Maxamed Jaamac
RBC News
Gaalkacyo

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...