Monday 25 February 2013

C/Fataax Xasan Afrax: Waxaan Diyaar u ahay Inaan La Shaqeeyo Cid Walba oo Dowladu u Magacawdo Maamulka Gobolka Hiiraan


Muqdisho(RBC Radio) Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu xilka ku wareejiyo cid walba oo loo doorto gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ayaa shaaca ka qaaday ineysan jirin cid qasabtay balse ay muhiim tahay in la isku tanaasulo ayna tahay habka kaliya ee nabada lagu heli karo.
C/Fataax Xasan Afrax ayaa hoosta ka xariiqay in sida kaliya ee lagu heli karo nabad iyo kala danbeyn ka dhalata dalka Soomaaliya ay tahay in masuuliyiintu ay ka tanaasulaanka xilalka isla markaane aan la isku dhajin masuuliyada uu shacabka u dhiibtay,wuxuuna sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo maamul kasta oo  lagu bedelo,Fataax ayaa yiri” ma jirto cid i qasabtay ama ii caga jugleysay balse waxaan u tanaasulayaa si uusan u imaan muran iyo is qabqabsi ka dhaca gobolka Hiiraan.
Afrax ayaa ku nuuxnuuxsaday inaan loo baahneen in wiil danbe oo Soomaaliyeed uusan ku dhiman dagaal danbe oo sokeeye oo dhexmaray shacabka Soomaaliyeed dan uguma jirto dagaal dan gaar ah umada Soomaaliyeed dagaalka keliya ee maanta u furan shacabka Soomaaliyeed waa iney la dagaalamaan alshabaabka kusoo duulay qaranimada Soomaaaliya ayuu yiri C/fataax Xasan Afrax.
Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa meesha ka saaray wal-wal uu sheegay iney qabaan dad badan oo Soomaaliyeed kaasoo ku saabsan sida uu yiri in gobolka Baay uu diiday xilka qaadistii ay ka sumaysay dowlada Soomaaliya sidii si la mid ah Jubooyinka ay ka dhega adeygeen awaamiirta dowlada dhexe ee Soomaaliya isla markaane gobolka Hiiraan uu hayo wadadaas balse waxa uu si cad u sheegay inuu diyaar u yahay inuu u hogaansamo go’aan walba oo kasoo baxa dowlada fderaalka Soomaaliya.


RBC Radio
Xafiiska  Wararka Muqdisho

1 comment:

Anonymous said...

I visited various blogs except the audio quality for audio songs
existing at this site is in fact wonderful.

Also visit my web-site ... diät ohne hungern

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...