Friday 22 February 2013

Dadweynaha Reer Jabuuti Oo Saaka U Dareeraya Goobaha Codbixinta Si Ay Usoo Doortaan Xubnaha Baarlamaanka Dalkaas



Jabuuti(RBC Radio) Dadweynaha Reer Jabuuti ayaa saaka u dareeray goobaha cod bixinta wadankaas oo ay maanta ka dhacayso doorashada xubnaha baarlamaanka wadanka Jabuuti shacabka reer Jabuuti ayaa si weyn ugu soo baxay doorashadan oo ah mid ay ka qeyb galayaan 3 xisbi kuwaas oo ku tartamaya ku guuleysiga kuraasta baarlamaanka Jabuuti oo gaaraya 65 kursi.
In kabadan 500 oo goobood ayey dadweynuhu codkooda ka dhiiban doonaan magaalada Jabuuti oo ah xarunta dalka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa waxaa ku yaala 232 xarumood oo ay dadku codkooda ka dhiiban doonaan amniga guud ahaan dalka ayaa si weyn loo adkeeyey gaar ahaan goobaha ay yaalaan sanaadiiqda codbixinta.
Mucaaradka dalka Jabuuti ayaa markii ugu horeysay ka qeyb galaya doorashada baarlamaanka Jabuuti madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlay doorashada yaa sheegay in xisbiyada Mucaaradku ay fad qalalo ka wadaanwadanka wuxuuna xisbiyada qaar ku eedeeyey iney ka mid yihiin xubno dibadaha uga yimi iney carqaladeeyaan nabadgalyada ka jirta Jabuuti.
Madaxweynaha ayaa sheegay iney sidoo kale jiraan rag uu sheegay iney diinta ku gabanayaan oo u jooga dalka Jabuuti dhibaateynta dalka iyo dadka reer Jabuuti kuwaasoo uu sheegay in dowladu ay gaashaanka u daruurtay xisbi ay damacsanaayeen iney dalka ka furtaan,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday inaan cidne laga aqbali doonin waxyeeleynta shacabka iyo dalka Jabuuti.
Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka CDU Cumar Cilmi Khayre ayaa iska fogeeyey eeda ah in mucaaradku uu qalqal galinayo amniga dalka Jabuuti isla markaane ay lid ku yihiin nabad galyada dalka wuxuuna sheegay in hadafka ugu weyn ee mucaaradka uu yahay in la adkeeyo amaanka dalka lagana wada qeyb qaato arinkaas isagoona shaaca ka qaaday in amniga dalka ay cid walba dantiisu ku jirto,wuxuuna ugu baaqay dhamaan Axsaabta siyaasadeed ee ka qeyb galaya doorashada iney ku kalsoonaadaan natiijada Sanduuqa codbixinta.


RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...