Saturday 23 February 2013

Faahfaahin: Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalkii Koobnaa ee Kismaayo Iyo Khasaaraha Ka Dhashay



KISMAAYO (RBC) Wararka ugu dambeeya ee caawa naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in uu joogsaday dagaal kooban oo socdsay ku dhawaad hal saac oo maanta ka dhacay agagaarka saldhiga Booliiska Kismaayo.
Sidee wax u Dhaceen.
Dagaalka ayaa waxaa soo qaaday maleeshiyaad dooneysay in ay xoog kula baxdo sarkaal iyo askar kawada tirsnaa ciidamada wax ka qabtay kismaayo oo lagu soo qabqabtay hawlgalo ay ciidamada AMISOM, iyo kuwa Soomaalida ah ee kasaaray Al Shabaab ay ka fuluyeen gudaha Magaalada Kismaayo.
Sida dadkii aan la hadalnay noo sheegeen dagaalka ayaa xilli barqanimadii maanta ah ka qarxay saldhiga booliska ee Kismaayo oo ku yaalla xaafada Calanley halkaasoo rag shalay la soo qabtay lagu soo xiray.   Dagaalka ayaa bilawday markii Maleeshiyaad ay isku heyb yihiin raga la xiray ay weerar ku soo qaadeen saldhiga halkaasoo ay ooda uga qaadeen dhammaan dadkii ku xirnaa saldhiga.
Waxaa goobtaasi lagu dilay taliyihii saldhiga booliska oo ka tirsanaa Raskambooni kaasoo lagu magacaabi jiray Labo Gadhle iyo sarkaalkii hawlgalka lagu soo  qabtay.
Ugu yaraan sagaal (9) ruux ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen dagaalka maanta ka dhacay magaalada Kismaayo kaasoo hubka fudud la isku weydaarsaday. si weyna looga maqlayay  magaalada Kismaayo.  Waxaa jira illaa 5 ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamay iyo dad rayid ah oo guryahooda rasaasta ugu tagtay oo ku dhaawacmay dagaalkii maanta.
Isgaarsiinta ayaa maanta go’nayd ka dib markii ay amreen maamulka kumeel gaarka ah ee ka arimiya Kismaayo in hawada laga saaro dhammaan isgaarsiinta, taasoo adkeysay in markaas wax badan laga ogaado sida ay wax u dheceen maanta.
Hase yeeshee caawa ayay isgaarsiinta qeyb ka mid ah ay dib ugu soo laabatay, iyadoo Raxanreeb ay u suurtagashay inay la hadasho dad ku sugan Kismaayo.
Dhammaan dhaqdhaqaaqii magaalada ayaa joogsaday markii dagaalku uu qarxay, waxaana la xiray ganacsiga iyadoo jawiga uu isu rogay mid colaadeed.
Xaalada magaalada Kismaayo ayaa tan iyo casarkii ahayd mid degan ka dib markii ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM ay soo kala dhexgaleen dhinacyadii dagaalamayay.  Saldhiga degmada ayaa hada ku sugan ciidamada Kenya, markii hore ay gacanta ku hayeen ciidamada hoos taga maamulka kumeel gaarka ah ee ka arimiya Kismaayo.
Dawlada oo ka hadashay dagaalka
Raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo war saxaafadeed ka soo saaray dagaalkaKismaayo ayaa ku baaqay in dagaalka la joojiyo.
“Waxaa dhawaan isoo gaartay in dagaal ka dhacay magaalada Kismaayo. Waxaana aad uga xunnahay in dhiig dad walaalo ah oo Somaliyeed si micno darro ah u daato waqti ay dadka magaalada Kismaayo ay sugayeen in ay maamul sameystaan” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid
Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed oo u waramay idaacadda VOA ayaa sheegay in dagaalka Kismaayo uu u dhexeeyo labo maleeshiyo beeleed kuwaasoo ku wada sugan magaalada.
Wasiirka oo la weydiiyey dib u dhaca shir maanta ka furmi lahaa Kismaayo ayaa sheegay inuusan wax war ah ka heyn shir Kismaayo ka dhacaya isla markaana aan dawlada guud ahaan lagu martiqaadin shirkaasi.

RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...