Wednesday 20 February 2013

Maxkamadeynta Wariye C/casiis Koronto Oo Maanta Dib Looga Furayo Magaalada Muqdisho


Muqdisho( RBC Radio) Maxkamadeynta Wariye C/casiis Koronto ayaa maanta dib looga furayaa maxkamada darajada labaad ee gobolka Banaadir xarunta maxkamada ayaa waxaa kusii qulqulaya masuuliyiinta ururka Saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed iyo Wariyaasha ka hawlgala magaalada Muqdisho si ay goob joog uga ahaadaan maxkamadeynta Wariye C/casiis iyo Luul oo  sheegtay iney kufsadeen askarta dowlada Soomaaliya.
Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Banaadir ayaa xukun hal dhinac ah ku riday Wariye C/casiis iyo Luul oo ah haweeneyda sheegtay in kufsiga loo geystay waxaana midkiiba lagu xukumay min hal sano oo xarig ah waxaana go’aanka maxkamada ka biya diiday Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ka hawlgala magaalada Muqdisho oo ku tilmaamay go’aanka ay gaartay maxakamadu inuu yahay mid ka fog cadaalada.
Max’ed Max’uud Faarax oo ah qareenka u doodaya Wariyaha ayaa sheegay iney racfaan ka qaateen xukunkii hore loogu riday Koronto ee ahaa halka sano ee xariga ah wuxuuna tilmaamay iney maanta ku rajo weynyihiin in laga aqbali doono cadeymaha iyo marqaatiyaasha ay maxkamada horkeeni doonaan kuwaas oo lagu xaqiijinayo iney waxba kama jiraan yihiin eedaha loo haysto C/casiis koronto oo ay ka mid tahay qaran dumisnimo iyo inuu meel uga dhacay sharafta dalka Soomaaliya oo uu warar been abuur ah kafaafiyey.
C/rashiid Deel oo kamid ah masuuliyiinta ururka Suxufiyaanta qaranka ayaa isne dhankiisa sheegay iney rajo weyn ka qabaan in maxakamadeynta maanta ay kasoo bixi doonaan go’aano farxad galiya wariyaasha Soomaaliyeed isla markaane uu dib xoriyadiisa u heli doono C/casiis Koronto,maxkamada yaaa waxaa loo ballan sanyahay iney bilaabato 10:00 barqanimo ee maanta.

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...