Thursday 28 February 2013

Puntland oo soo Dhaweysay SHirka Kismaayo Ka Furmay



Wasiiru Dowlaha Maamul Wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashaan
Garoowe (RBC RADIO) Wasiiru Dowlaha Maamul Wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashaan ayaa sheegay  in Puntland ay soo dhaweeneyso Shirka ka Furmay Jubbooyinka ee looga arinsanayo aayaha Gobolada Gedo Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe oo kadib markii ergooyin badan ay Goboladaasi ka kala yimaadeen si ay Kulanka Goob Joog uga Noqdaan kuna Doortaan XIliyada Soo socda Hogaanka Goboladaasi.
“ waxaan aad usoo dhaweyneynaa hadaan nahay Puntland shirkii Maanta ka furmay Magaalada Kismaayo Madaxda Kulankaasi wada Goor dhaw ayaan Qadka Telfoonka kula xiriiray waana u hambalyeeyey anigoo salaan iyo bogaadin  uga siday Madaxweynaha Puntland waxaan leeyahay Ishii buktooy ku bikaacso, 3da gobol ayeey isaga yimaadeen kor bayna u dhaafayaan 7boqol oo ergo waxayna usoo jeesteen in ay aayahooda ka tashadaaan cid hor istaagi kartana ma jirto ayuu yiri Wasiir Gaashaan.
Gaashaan wuxuu sheegay in Puntland ay wax badan Dowlada Soomaaliyeed ay kala hadashay Arimaha jubbooyinka baaq tirabeel ahna ay kasoo saartay Arimaha Jubbooyinka  hase ahaatee ay Dowlada dhagaha ka fureysatay in ay arimahaasi ka jawaabto ayuu Yiri Wasiiru Dowluhu,wuxuuna sheegay in DFS aysan u dhaga nugleen ayna iska indha tirto dhageysiga iyo talo la wadaaga Dowlada Puntland taana aysan garanayn sababaha ay ku dhacdo sida uu Wasiirku yiri wuxuuse Hoosta ka xariiqay wasiirku In Goboladaasi ay Puntland iyo Shacabkeeda ay taageero buuxda Siinayaan lana garab taagan yihiin, Gaashaan wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay Wasiiradii gaaray Magaalada kismaayo ee ku ekaaday Garoonka diyaaradaha kana biya diiday in ay ka qayb galaan Furitaanka Shirka taasoo uu ku tilmaamay Masuuliyad daro iyo Is xilqaan la’aan ay ku dhaqmeen Madaxda DFS.
“Waxaan la yaabanahay Dowladan Federaalku ma waxaa loo yagleelay in ay kala furfurto Gobolada Dalka mise waxaa loo unkay in ay dadka Soomaaliyeed isku keento waa iska muuqataa in Dowladan aysan arimahaasi usoo jeedin,  laakiin Dowlada Puntland waxay u taagantahay ilaalinta Dastuurka iyo Qaranimada Dalka soomaliya hadii taasi layska indha tiro ama loo wada duuban waayo talooyinka iyo wada xaajoodkana laga leexleexdo hade waxey ila tahay in Puntland ay tashan doonto ayuu Yiri Wasiiru Dowlaha maamul Wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashaan .
Puntland ayaa horay uga hadashay arimaha Jubbooyinka iyadoo Madaxda Puntland ay sheegeen in ay taageersan yihiin Kulamada maamulada loogu samaynayo Gobolada Jubbooyinka halka Dowlada Federaalku ay qaabka ay hada wax u socdaan si ka duwan ay u doonayso in Maamulka loo dhiso taasoo muujineysa qilaafka cad ee u dhexeeya Dowlada Federaalka iyo Puntland.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Garoowe

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...