Wednesday 27 March 2013

8 Shabaab oo isku dayay inay afduub ka fuliyaan Ethiopia (Maxaa qabsaday)



Addis-Ababa (Caasimada Online) - Hay’adda sirdoonka dalka Ethiopia ayaa sheegtay in Isniintii shalay ay xabiseen 8 qofood oo xubno ka ah kooxda Al-Shabab ee dalka Somalia, kuwaasi oo ay ku eedeysay inay isku dayeen inay afduubtaan shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobe.
Kooxdan, waxa ay dooneysay inay afduubtaan shaqaale ajnabi ah oo u shaqeyneyay barnamijka cunnada adduunka ee WFP iyo Barnaamijka Horumarinta QM ee UNDP, ayna u kaxeystaan dalka Somalia, si ay madax furasho ugu dalbadaan. ayay tiri hay’adda sirdoonka Ethiopia ee NISS.
“Sideeda qof waxaa la qabtay ayaga oo hub heysta iskuna diyaariyay inay afduubka fuliyaan” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay NISS.
Sarkaal Ethipian ah, ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in kooxdan ay isku dayeen inay afduubka ka geystaan xero qaxooti oo ku talla magaalada Dolo Ado ee dalka Ethiopia.
Hya’ado dhowr ah oo ka tirsan QM, ayaa ka howl gala magaalada oo ku taalla gobolka Soomaalida ee Ethiopia, ee xuduudka la leh dalka Somalia.
Warka shalay kasoo baxay Sirdoonka Ethiopia ayaa yimid laba bilood kadib, markii saraakiishu ay sheegeen inay xireen 15 qofood oo ay sheegeen inay ahaayeen mintidiin ay soo tababartay kooxda Al-Shabab.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...