Thursday 14 March 2013

Dad Biyo La’aan ugu Geeriyooday Deegaano ka Tirsan Gobolka Gedo




Gedo(RBC Radio) wararka ka imaanaya deegaanka Giriley ee gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas ay ka jirto biyo la’aan ba’an  wararka aan ka heleyno deegaanka Giriley ayaa ku waramaya in biyo la’aan awgeed ay 2 ruux ugu geeriyoodeen deegaankaas,gudoomiyaha deegaanka Giriley ee gobolka Gedo ayaa xaqiijiyey in 2 ruux oo mid ka mid ah ay ahayd haweeney ay harraad ugu geeriyoodeen deegaankaas.
Gudoomiyaha deegaanka Giriley Hilowle Max’ed oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in deegaanka Giriley oo ku yaala soodinta kala qaybisa wadamada Soomaaliya iyo Kenya ay xiligan ka taagan tahay biyo la’aan baahsan wuxuuna sheegay in deegaanka uusan ku oolin wax ceel ah oo ay ka cabbaan dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaankaas.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in deegaanka ay biyaha keeni jireen Booyado kasoo dhaamiya Biyaha gudaha dalka Kenya kuwaas oo uu tilmaamay in maalmihii danbe aysan wax biyo ah aysan keenin gudaha deegaankaas taasine  ay keentay in qaar ka mid ah shacabkii ku noolaa deegaankaas ay harraad u dhintaan.
Hilowle Max’ed gudoomiyaha deegaanka ayaa baaq u diray dowlada Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah wuxuuna ka codsaday in si deg deg ah gar gaar biyo dhaamin ah loola gaaro shacabka dhibaatada biya la’aan la ildaran ee ku dhaqan deegaanka Giriley ee gobolka Gedo.

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...