Wednesday 27 March 2013

Dagaal ka dhacay Mudug



Saddex qof ayaa ku dhimatay, shan kalena way ku dhaawacmeen iska hor-imaad maanta ka dhacay deegaanka Balli-qurun oo 30 km galbeed kaga beegan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Isku dhaca oo dhexmaray dad xoolo dhaqato ah ayaa ka dhashay muran la xiriira lahaanshaha balliyo iyo waro biyaha laga cabo oo reer guuraaga u dhexeeyo.

Labada dhinac ayaa la sheegay inuu khilaafkoodu cirka isku shareeray markii dhawaan uu roobka Gu’ga ka curtay deegaanka uu dagaalku ka dhacay.
Cali Diiriye Alloore oo ka mid ah waxgaradka gobolka Mudug ayaa soo jeediyay in la joojiyo shaqaaqada u dhexeysa xoolo-dhaqatada, wuxuuna maamullada gobolka ka dhisan ka codsaday in ay gacan ka geystaan in laga hortago dhiig kale inuu daato.
Dagaallada u dhexeeya dadka reer guuraaga ah ayaa ku soo noq-noqonayay gobolka intii muddo ahba.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...