Saturday 16 March 2013

DEG DEG: Sarkaal Ka Tirsan Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo Loo Xiray Hub Lagala Baxay Bakhaar Ku Yaalla Madaxtooyada



Muqdisho (RBC) Sida ay Raxanreeb u sheegeen ilo wareed ku dhow madaxtooyada Soomaaliya waxay ciidamada amaanka ee madaxtooyada xalay xabsiga dhigeen sarkaal ka mid ahaa saraakiisha sare ee amaanka madaxtooyada Villa Soomaaliya kaasoo la aaminsan yahay inuu ku lug lahaa hub noocyada kala gedisan ah oo si xatooyo ah loogala baxay bakhaar keyd ah oo ay leeyihiin ciidamada amaanka madaxtooyada qaabilsan.
Sarkaalka la xiray ayaa magaciisa lagu soo gaabiyey “Col. Cabdifataax” waxaana uu ka mid ahaa saraakiisha sare ee dhanka amaanka madaxtooyada iyo xafiiska madaxweynaha ee Villa Soomaaliya.
Xariga sarkaalkan ayaa dhacay xalay saqdi dhexe kadib markii laga warheley in hub isiugu jira rasaasta qoriga hoobiyaha iyo mida fudud ee qoriga AK-47 lagala baxsaday bakhaarkii keydka u ahaa ciidamada ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.
Hubkaasi illaa hadda lama oga halka loo qaaday iyo cida la siiyey hase yeeshee warar ay Raxanreeb ka heshay ilo kale ayaa sheegaya in hubka laga yaabo in qaab ganacsi looga iibinayo ganacsato ka taajirta hubka oo Muqdisho ku sugan.
Ilo wareedyada ayaa sheegaya in wax cusub aysan ahayn in hub lagala baxo bakhaarada keydka ee madaxtooyada balse ay tahay markii ugu horreysay oo ay ogaadaan madaxda sare ee dawlada oo arrintan aad ula yaaban.
Madaxweynaha oo xalay booqday bakhaarka la jabsaday
Waxaa habeenkii xalay ahaa saqdii dhexe bakhaarka keydka ah booqasho ku tagay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo indhihiisa ku soo eegay bakhaarka keydka u ah ciidamada amaanka madaxtooyada.
Madaxweynaha oo aad u careysan ayaa la sheegay inuu amray in dhammaan saraakiisha ku lugta leh la bixida hubka la soo qabqabto, lana horkeeno sharciga walow illaa hadda hal sarkaal kaliya loo xiray arrintan.
Ma jirto cid ka tirsan saraakiisha madaxtooyada iyo wasaaradda gaashaandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya oo illaa haatan wax hadal ah ka sheegtay dhacdadan, waxaana muuqata in dawlada ay aad uga taxadareyso ka hadalka dhacdadan.
Wixii ku soo kordha kala soco Raxanreeb.com

RBC Radi

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...