Thursday 28 March 2013

DEGDEG: Raxanreeb Oo Heshay Magacyada Rasmiga ah ee Kooxda Ka Danbeysay Boobka iyo Dilkii Xawaaladda Kaah Express Boosaaso!.



Cabduqaadir Xasan Ciise”Dabliqe” isaga Ciidamada Booliska ayaa gacanta ku haya!!!
Boosaaso[RBC Radio] Shabakadda Raxanreeb oo sameysay Saacadihii ugu danbeeyey baaritaan ku aadan cida ay ahaayeen Kooxda Boobka iyo dilka bareerka ah maalin cad ku qaaday Xafiiska Kaah Express Boosaaso cida ay ahaayeen.
Mid kamid ah laamaha Sirdoonka Puntland oo ka gaabsaday in Magaciisa Raxanreeb ay soo Xigato laguna kalsoonaan karo ayaa u sheegay in Raga Weerarka u geystay Xawaaladda Kaah Express gaarayaan 6-qof.
Wuxuu intaas ku daray Sarkaalkaasi in 6-da nin ee Weerarka boobka lacageed iyo dilka ku qaaday Xawaaladda Kaah Express Xafiiskeeda Boosaaso muddaba Maamulka Xawaaladu ka war hayey in falkaas fulinayaan.
Ciidamada Booliska Boosaaso ayuu sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen Hoggaamiyihii Kooxda Weerarka geystay oo lagu magaacbo Cabdulqaadir Xasan Ciise oo ku magac dheer Dabliq.
Magacyada Kooxda Weerarka isugu jirey Boobka iyo Dilka ku qaadey Xawaaladda Kaah Express Boosaaso ayuu ku sheegay Magacyadooda:
01. Cabduqaadir Xasan Ciise”Dabliqe” isaga Ciidamada Booliska ayaa gacanta ku haya!.
02. Cabdikaafi Cabdinuur Xasan Isse.
03. Farxaan Cabdiqaadir Xasan Ciise.
04. Maxamed Cabdirixmaan Nile.
05. Maxamuud Cabdilaahi Xuseen.
06. Burhaan Jaamac Nuur Xirsi.
Ciidamada Booliska gobolka Bari ayaa lagu arkaayey iyagoo gaaf wareegaya daafaha magaaladda,waxayna wadeen baaritaan ku aadan qabqabashada kooxda ka danbeysay boobka iyo dilka loo geystay Xawaaladda Kaah.
Xawaaladda KAAH Xafiiskeeda Boosaaso
Wararka qaar ayaa sheegaya in falka boobka iyo dilkuba ay salka ku hayso dhac horey loogu geystay Qaar kamid ah raga weerarka Boosaaso ka geystay ka dib dil loogu geystay mid iyaga kamid ahaa.
Dhanka kale Madaxda Sare ee Xawaaladda Kaah ilaa wakhtigaan faah-faahin kama aysan bixin Cadada lacagta tiiley Xawaaladda ee dhaca loo geystay balse Wararku,waxay sheegayaan in lacagta la dhacay ka badantahay 20 000 oo dollarla Maraykanka ah.
Weerarka lagu qaaday Xawaaladda Kaah,waxaa si weyn u Canbaareeyey Madaxda maamulka gobolka iyo kan degmada Boosaaso,kuwaas oo shaaca ka qaaday iney banaan soo dhigi doonaan cida ka danbeeyey falkaas,laguna daba joogo.
Madaxda Gobolka iyo degmada Boosaaso oo Saxaafadda Shir Saxaafadeed u qabtay ku sheegay in sida ugu dhakhsiyaha badan bulshada ugu soo bandhi doonaan kooxda maqan ee ku lugta leh falka Weerarka Xawaaladda Kaah Express Xafiiskeeda Boosaaso,waxayna Intaas ku dareen in ka Tacsiyeynayaan falka dhacay.
___________________________
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...