Sunday 17 March 2013

DHACDO LA YAAB LEH: Nin Ka Been Abuurtay Ciidamada Nabadsugida oo Muqdisho Ku Afduubtay Wiil Yar Madaxfurashana Weydiistay Qoyskiisa



Muqdisho (RBC) Ciidamada Nabadsugida Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo qabtay nin isku sheegay inuu ka tirsan yahay ciidamada nabadsugida kaasoo maanta xaafad ku taalla suuqa Bakaaraha ku afduubtay wiil 13 jir ah.
Ciidamada nabadsugida ayaa xaruntooda magaalada Muqdisho ku soo bandhigay ninka afduubkan geystay iyo wiilkii uu afduubtay oo badqaba ka dib markii saaka hawlgal ay ka qeybqaateen qoyska dhalay wiilka yar laga fuliyey isla xaafaddii lagu afduubtay.
Wiilka la afduubtay oo lagu magacaabo C/risaaq Xasan Yuusuf ayaa wariyaasha u waramay ka dib markii lagu guuleystay in la soo siidaayey, wuxuuna sheegay inuu gacanta ninka afduubtay ku jiray mudo saddex saacadood ah ka dibna ay soo furteen ciidamada nabadsugida.
“Saaka subaxdii 7:00 ayaa anigoo u socda masaajidka Abuu Hureyra waxaa dhexda ii istaagay nin aan garaneynin.  Wuxuu i dhahay istaag, waan istaagay ka dibna wuxuu i dhahay xaggee u socotaa, anigana waxaan dhahay waxaan u socdaa masaajidka, ka dibna wuxuu i dhahay soo bax waryaa,.. ana waan iska raacay.” ayuu yiri C/risaaq oo ah wiilka 13 jir ah ee la soo furtay.
“Ninka markii u kexeeyay meel maqaayad ah ayuu i fadhiisiyey, wuxuu i dhahay aniga waxaan ka tirsanahay ciidamada nabadsugida dawlada, waana ku xiranayaa, haddii kale waxaan kugu siideyn karaa lacag 50 doolar ah.” ayuu sii raaciyey hadalkiisa wiilka yar.
Wuxuu wiilka yari cadeeyay in ninka afduubka u kaxaystay uu geeyey dhowr goobood oo kala duwan, mararka qaarkoodna uu telefoono kula hadlay dad kale.
C/risaaq wuxuu sheegay in markii uu ninkani u sheegay inuu ka mid yahay ciidanka nabadsugida uu aad uga baqay, ka dibna uu ka codsaday inaanu dilin, isagoo siiyey telefoonka aabihiis oo ah nin ganacsade ah.
Madaxfurasho 50 doolar ah
Markii ay wada xiriireen aabaha dhalay wiilka yar iyo ninka afduubka geystay ayaa la sheegay inuu afduubuhu dalbaday lacag dhan konton doolarka Mareykanka ah si uu u siidaayo wiilka yar, hase yeeshee aabahaasi oo lagu magacaabo Xasan Yuusuf ayaa dhanka kale xiriir la sameeyay hay’adda nabadsugida iyo dad ay ehelo yihiin si uu ugu wargeliyo arrinta dhacday.
Hawlgal ay qaadeen ciidamada nabadsugida oo cabashada qoyska dhalay wiilka la afduubtay ay gaartay ayaa suurtagaliyey in markii dambe meel aan ka fogeyn suuqa weyn ee Bakaaraha laga soo qabto wiilka 13-ka ah iyo ninkii afduubtay.
Ninka afduubkan geystay oo magaciisa ku sheegay Maxamed ayaa qirtay inuu saaka si qasab ah ku afduubtay wiil yar oo gurigooda ka yimid isagoo ku been abuurtay inuu yahay askari ka tirsan hay’adda nabadsugida Soomaaliya.  Wuxuuna sidoo kale qirtay inuu lacag konton doolar ah weydiistay qoyska dhalay wiilka yar ka dib markii telefoon uu ka wacay.
Maxamed oo hadda gacanta ugu jira nabadsugida ayaa sheegay inuusan weligiis askari noqon balse uu sidaasi damcay inuu lacag ku helo.
Taliyaha nabadsugida gobolka Banaadir Col. Khaliif Axmed Ereg ayaa isaguna wariyaasha u sheegay in ninkan la geyn doono sharciga laguna qaadi doono dembiyo ay ka mid yihiin ku been abuurashada ciidamada nabadsugida iyo afduubka muwaadin Soomaaliyeed oo aan waxba u geysan isaga.
Dhacdadan iyo dareenka dadka
Dhacdadan ayaa noqotay mid dadka ku nool Muqdisho ka yaabisay waxaana dad badan ay sheegayaan inay suurtagal tahay inay jiri karaan kooxo dhan oo sidan oo kale magaca ciidamada dawlada ku shaqeysta dadkana ku dhibaateeya.
Magaalada Muqdisho ayaa sanadihii 1990-meeyadii waxay caan ku ahayd afduubyada loo geysto dadka lacagta leh iyo carruurtooda taasoo ahayd mid ka mid ah waxyaabihii dhaliyey kacdoonkii WadaadadaMaxkamadihii Islaamiga ee ka abuurmay caasimada Soomaaliya sanadihii 2000.


RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...