Wednesday 20 March 2013

Faah Faahino Dheeraad ah oo kasoo Baxaya Qaraxii Xalay Fiidkii ka Dhacay Saldhig Alshabaab ay ku Leeyihiin Degmada Diinsoor




Diinsoor(RBC Radio) Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax xalay fiidkii ka dhacay magaalada Diinsoor ee gobolka Baay wararka ay Raxanreeb ka heleyso degmada Diinsoor ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen 9 ka tirsan dagaalamayaasha alshabaab oo ay ka mid ahaayeen saraakiil sar sare qaraxa oo ka dhacay garoonkii hore ee kubadda gacanta oo ku yaala xaafada Yaaqshid ee degmada Diinsoor alshabaab ayaa garoonka u bedelay xero milateri oo ay dhigtaan gaadiidka dagaalka iyo rasaasta.
Xalay fiidkii ayaa mar qura qarax weyn laga maqlay gudaha xarunta nalshabaab ee degmada Diinsoor ilo ku dhow magaalada Diinsoor ayaa inoo sheegay in qaraxa ay ku nafwaayeen saraakiil ka tirsan kooxda alshabaab oo goobta ku sugnaa xiliga uu qaraxu dhacayey.
Qaraxa ayaa yimi kadib markii ay ku timi farsamo xumo rag la sheegay iney diyaarinayeen gaari qarxa oo ay diyaarinayeen kaasoo la sheegayo inuu damacsanaayeen iney ku weeraraan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo ay xiligan gacanta ku hayaan.
Saraakiisha alshabaab ee ku dhintay qaraxa ayaa waxaa ka mid ah sida ay ku waramayaan dadka deegaanka Macalin Jannow oo ka tirsan saraakiisha alshabaab ee magaaladaas iyo nin magaciisa lagu soo koobay Max’uud oo ah taliyaha saldhiga Diinsoor ee alshabaab.
Gudoomiyaha degmada Diinsoor oo xiligan dibad joog ka ah degmada ayaa sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen rag fara badan oo ka tirsan horjoogayaasha kooxda alshabaab,dadka degmada Diinsoor ayaa xaqiijinaya in xalay uu mid ka mid ah masaajida magaalada Diinsoor ka istaagay sarkaal ka tirsan alshabaab kasoo shacabka ku amray iney dhiig ku deeqaan si loo badbaadiyo nolosha alshabaabkuu ku dhaawacmay qaraxii ay diyaarinayeen.

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...