Wednesday 20 March 2013

Guddiga Amniga Baarlamaanka oo dabagal ku sameynaya Hub Laga Xaday Madaxtooyada



Xilli Dhawaan Hub ay Lahayd Dowladdu oo Ku Xareesnaa Bakhaarro Ku dhexyaalla Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Laga qaatay ayaa Guddiga Ammaanka Baarlamaanka waxa ay sheegeen in ay Dabagal Ku hayaan arrintaasi.
 Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga Amniga Baarlamaanka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo Wareysi siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda ayaa tilmaamay in Guddi Gaar ah ay u Xilsaareen arrinta ku aadan Hubka Lagala baxay Gudaha Madaxtooyada islamarkaana ay dabagal ku haayaan arrintaasi isagoona Carabka ku dhuftay in Maal Maha Nasoo aadan ay soo Gaba gabeenayaan.
 Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga Ammaanka Baarlamaanka ayaa waxa uu meesha Kasaaray in Hub Waaweyn Lagala Baxay Madaxtooyada Baakhaar Ku yaalla hayeeshee waxa uu qiray in ay Jiraan Hub lagala baxay Gudaha Xarunta Madaxtooyada islamarkaana Laxiray Askar lala xariirinayo in ay falkaasi ka dambeeyeen.
 Dhanka kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in Guddiga Ammaanka Baarlamaanka ay wax ka weydiin doonaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
 Hadalka Guddoomiye Kuxigeenka Gudiga Amniga Baarlamaanka ayaa waxa uu imaanayaa Xilli Dhawaan Baakhaar Ku yaalla Xarunta Madaxtooyada Lagala Baxay Hub yiillay oo dowladdu ay Lahayd.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...