Wednesday 27 March 2013

Halis qarsoon oo ku xeeran Hogaanka Nabad sugidda ee Qaranka (Yey yihiin 4-ta nin ee hogaamineysa?)



 Xog cusub oo ay heshay Caasimada Online, ayaa tilmaamaysa in halis wayn ay soo food saartey xiligan hay’dda Nabad sugiddda Qaranka Soomaaliyeed (NSS), taasi oo khal khal iyo dhaawac wayn ku keeneysa shaqadii ay ui igmanayd ee Amniga iyo nabad sugidda bulshada.
Sirtan oo ay Caasimada Online ka heshay abad sugidda qaranka oo ay si hoose u bixiyeen qaar ka mid ah saraakiisha sar sare ee NSS-ta oo ka wal walsan qaabka halista ah ee ay ku socoto ha’adda iyo laameheeda shaqo, ayaa waxa ay kashifeen xogo halis ah oo isgu jira Musuq maasuq, laaluush, aqoon la’aan xirfadeed  iyo ceebe kale oo ballaaran oo dhinaca musuq maasuqa ah oo hareeyey hogaanka sare ee hay’adda.
Dhawaan ayaa waxaa lagu qasbay in ay is casilaan hogaankii hore ee hay’adda,  kaasi oo lagu eedeeyey inuu ku lug yeeshay arrimahan oo kale, waxaase yaab iyo amakaag noqotay markii la magacaabay dhowr qof oo ah kuwii ugu halista badnaa.
Shaqsiyaadka laga dayrinayo waxaa ka mid ah.
1. Jeneraal C/kariin Axmed Daahir, Agaasimaha cusub ee KMG ee hay’adda nabad sugidda . Wuxuu ahaan jirey Kornayl ciidanka Booliska ah, xiligii DKMG ee madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa uu qaatay darajada Jeneraal, waxaana loosoo badalay dhinaca NSS-ta , isagoo  Qeybta baarista u joogey General Darwiish. Ninkani oo ah nin aad u da’weyn waxaa xog qarsoon ay sheegtay inuu horey ugu dhaqmi jiray (iibsashada-gadashada) dambiilayal dhab ah iyo dad aan wax dambiya gelin oo si qaldan suuqa looga soo qabtay labadaba. Waxa kaloo uu caan ku ahaa dambi u samaynta dad aan wax dambiya lahayn, musumaasuq iyo laaluush qaadasho.

Waxa jirtay dhowr dhacdo oo Markii Jeneraal Mohamed Shiekh uu hayey hogaanka Hay’adda, lagu eedeeyay General Cabdikarim in uu lacag ka qaatay eedeysanayaal, waxaana ugu dambeysay middii uu shaqadiisa ku wayey oo ahayd, maxaabiis laga warejiyey Xabsiga nabad sugida oo Cabdi Karim saldhig  u ahayd, oo loo wereejey  xabsiga dhexe oo uu dhex ku iibsadey kadibna siidayey Jeneraalku.
2. Xuseen Macalin (Damuumaaye) ku xigeenka hay’adda , wuxuu Xuseen horey u joogey Qeybta  arrimaha dibadda . Ninkani Wuxuu taxi ku wedi jiray magaalada London, kadibna waxaa ugu yeeray in uu dowlada meel ka galo walaalkiis Xasan Macalin, oo markaas Wasiirka madaxtooyada ka ahaa dowladii Sharif Shiikh Ahmed, waxaana lagu magacaabay xariiriyaha Amisom, iyo madaxtooyada Madaama uu afka ingiriiska ku hadlayey. Walalkiis Xasan Macalin ayaa ka dhaadhiciyey in Xuseen wax barasho loogu diro dalka UK, qarashkana madaxtooyadaa bixisay. 6 bilood kadib ayuu soo noqday asaga oo dhahaya waxaan soo dhameyey wax barasho u dhiganta Hal sano oo intelligence (sir-doon) ah, Kadibna Wuxuu noqday madaxa arrimaha dibada ee Hay’adda nabad sugida. Kadib Markii uu iska casiley booskaas nin lagu magacaabi jirey Cabdi Salaam Guuleed.
Xuseen Macalin Wuxuu si aan qarsi lahayn u sheegi jiray in uu lasheqeeyo hay’adda (MI6) oo ah dhigga (CIA) ee UK. Wuxuu mushahar gaaraya $3000 bishii ka qaataa hay’addaas, waxaana uu aad ugu dhow ula shaqaynayey nabad sugida UK oo dayactir ku sameysay xaruntii hore ee nabad sugida oo Markii hore uu dhisay Ruushka 1976.
Baaritaano hor u dhac ah, oo kasoo baxaya dhalliiyaradii meydadkooda laga helay meelo kala duwan oo magaalado Muqdisho ah, kuwaas oo ku eedeysnaa danbiyo dhinaca ammaanka ah, ayaa tilmaamaya in Xuseen iyo saraakiil kale oo kale oo ka tirsan hay’adda ay ku lug yeesheen, arirntaas oo la rumaysan yahay in ay qaab kale oo aargoosi beeleed ah ku timid.
3. Sheekh Labaatanka, taliyaha hogaanka arrimaha gudaha ee Hay’adda NSS-ta,  waa wadaad ka tirsanaa midoowgii maxkamadaha mana laha wax aqoon ah oo la xiriira arrimaha nabad sugidda. Lamana oga wax aqoon kale ah oo uu sidoo kale leeyahay.
4. C/raxmaan Tuuryare, taliyaha arrimaha dibadda, waxa ay ilma adeer yihiin madaxweyne Xasan Sheekh. Waxa ka baxay Jaamacadd ku taal Xamar, ka dibna waxbarasho kale ayuu waqti kooban kusoo qaatay Masar. Tuuryare wuxuu xubin ka ahaa xisbigii PDP ee madaxweynuhu hogaamin jirey, ma laha wax khibrad iyo aqoon midna oo la xiriira arrimaha Ammaanka iyo nabad sugidda (Sir-doonka).

Guud ahaan arrimahaan waxa ay kusoo beegmayaan xilli uu walwal cusub soo food saarey ammaanka Caasimadda dalka iyo guud ahaan gobollada ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya.
Waxaa haddaba la is weydiinayaa sida xilligan Ammaanka dalka loogu haleyn karo hay’adda nabad sugidda, iyadoo hogaankeeda ugu sareeya loo dhiibay  dadkan qaarna aan aqoonta u lahayn, qaarna ay ku lug yeesheen eedeymo xagga xuquuqda  bini aadamka ah iyo dil , iyadoo qaarka kalena ay ku caan bexeen musuq maasuqa iyo laaluush qaadasho oo ay iibsadeen eedeysanayaal badan oo khatar ku ahaa bulshada.
Waxaa kale oo is weyndiin mudan qaabka uu madaxweynaha iyo la taliyayaashiisu ay u qaateen go’aan ceynkaan oo kale ah iyagoo muddo lix bilood ah laga sugayey in wax ka qabtaan halisaha ammaanka ee dalka ka jira.
Isha warka Caasimada.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...