Sunday 10 March 2013

Madax-weyne Xasan“Hubeey…Federaal noocee ah?!” laakiin dadka qaar baa labo raba..seddex raba!. W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan


Madax-weyne Xasan“Hubeey…Federaal noocee ah?!” laakiin dadka qaar baa labo raba..seddex raba!
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Maarso 08 2013
SHaki la’aan Xasan SHiikh Max’ud iyo kooxda la socota waxay u haystaaan ama talaabadaan cuna qabataynta hubka looga qaaday ay ku tilmaamayaan guul ay dowladda gaartay, sidii aan horayba libta ugu sheegteen aqoonsigii dowladda Maraykanka , hasa ahaatee arrintu ka baaxad weyn kana xanuun badan wax laysugu hambalyeeyo sida ay madax-weyne Xasan SHiikh iyo kooxdiisa la tahay, waxaana bilowday walaac iyo kala shakin aan la garanayn meel uu ku dhammaan doono.
Mid iyadu way iska muuqaataa oo waxaa loo daneeyay waa suuqyada hubka iyo dalalka ka ganacsada oo shaki la’aan magaca ummadda Soomaaliyeed deyn badan looga soo qaadan doono hub gaboobay oo waqtigiisii dhammaaday, waxaa kaloo iyadana uusan shaki ku jirin in wadamo badan oo uu u horeeyo dalka Turkiga ay hub badan oo aan xisaab lahayn oo ku raagay makhaasiinadooda ay u soo rari doonaan Soomaaliya, haddii ay doontaba ha uga jeedaan inay dhisayaan cudud Soomaaliyeed.
Waxaana dhaqso kor ugu kacaya saaxiibo badan iyo dulaaliin suuqyada madow ah oo ku soo yaaca Soomaaliya, dalalka deriska ah oo ay ugu horeeyaan Djibouti, Itoobiya, iyo Kenya ayaa iyagana shaki weyn uu ka geliyaa sugnaanta ammaanka xuddudahooda, waxaana si baahsan faraha uga baxaya faafitaanka hubka iyo kala iibsashadiisa, waxaana taas gacan ka geysanaya labo arrimood oo muhiim ah; shakigii iyo kalsoono darradii dadka dhex gashay muddadii burburka oo aan wali laga dawoobin, gacanta hubka uu gelayo oo aan ahayn mid mas’uuliyaddaas u taba baran, markaas waxaa suura gal noqon kara khatar kasta inay ka dhalato.
Waxaan iyadana muran ku jirin in deegaano badan oo dalka ka mid ah xasiloonida ka jirta ay qayb weyn ka ahayd hubka oo meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah gabaabsi gaaray, laakiin waxaa hadda soo noqonaya tartankii hubka iyo ka ganacsigiisii shacabka, ma aha waxyaabaha aan sheegayo in cududaha golaha ammaanka maamula aysan ka war qabin waliba way inoo xog ogaalsanyihiin wayna u sawirantahay xaaladda iyo saamaynta uu hubka Soomaaliya ku yeelanayo, hasa yeeshee waxaa jira dano innaga qarsoon oo ay dalkeena ka leeyihiin oo taas ku qasbaya, wax dan ahna kama laha xuquuqul-insaan iyo cidddi ay wax ka soo gaarayaan marba haddii ay iyagu danahooda ku gaarayaan sidaas.
DHinaca kale, kooxda Al-shabaab ee ku caan baxday kharbudaadda iyo duminta ummadda Soomaaliyeed waxay talaabadan ah in la qaaday cuna qabataynta hubka siinaysaa fursad u sahasha inay hub hesho, sidee?…waan wada garan karaan in dhalin yaro badan oo ka mid ah bulsho-weynta dhalin-yada Soomaaliyeed ay hadda xubno ka yihiin Al-shabaab, iyadoo qaarkood ay cabsi ku qasabtay inay xubno ka noqdaan si ay naftooda u badbaadiyaan kuwana ay yihiin kuwo la caqli dooriyay oo dadka aan iyaga ka tirsanayn u haysta dad cadow ah, dhalin yaradaas ayaa si baahsan ugu kala jira qaybaha kala duwan ee shaqaalaha dowladda iyo ciidammada,sidaasoo kale mehradaha dalka iyo dibaddiisaba Soomaalidu ku leedahay, taasina waxay sahlaysaa in hubku si fudud uu gacantooda ku galo.
Mas’uuliyadda hubkan la rabo in Soomaaliyo lagu fataho waa mid run ahaantii aan la xaqiijin, marka aan sidaas leenahay ulama jeedno in dowladdu aysan mas’uul ahayn laakiin mar haddii kalsoonida shacabka dhexdooda ah ayan gaarsiisanayan inay salka ku hayso kalsooni ay ku qabaan dowladda ay taas macnaheedu tahay in khatarta hubkaas ka imaan karaysa ay mid weyn tahay isla markaasna aan la hubin gacanta uu gelayo.
Dowladaha waaweyn u ololeyniyay qaadist cuna qabataynta hubka ee Soomaaliya ayaa iyagu agenda-yaasha ay wataan uu yahay mid iska kooban oo waxa ugu muhiimsan ay noqon karaan in kooxda Al-shabaab la dagaalankeeda ay u adeegsadaan dad aan dadkooda ahayn, laakiin uusan marna ahayn in haybadddii qaranimo ee Soomaaliya (Somali Sovereign) ay soo noqoto, ama haddii kale heshiisyada macaadinta ee dowladda federalka Soomaaliya la galay ee sharci darrada ah intaas dhaafsaday, marka u dambaysana dayn innagu soo sheegan doona.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...