Monday 25 March 2013

R/W Saacid: Maamul ku meel gaar ah baan muddo lix bilood ah Kismaayo u samaynaynaa



Ra’iisal wasaaraha dowladda federalka Soomaaliya Cabdi Faarax SHir-doon Saacid oo maanta magaalada Muqdisho kulan la yeeshay xubno ka tirsan barrlamanka dowladda federalka Soomaaliya ayaa sheegay in booqashadiisa magaalada Kismaayo ujeeddadeeda tahay in halkaas ay ka soo sameeyaan maaul ku meel gaarka ah oo magaaladaas ay yeelato muddo lix bilood ah, ka dibna ay doonayaan inaa maamul rasmi ah u soo magacaabaan.
Kulankan oo saxaafadda loo diiday ayaa sida aan ka helnay ilo rasmi ah oo ku dhowdhowaa wuxuu ku soo dhammaaday natiijo la’aan iyo in laysku af garan waayo, waxaana warku intaas ku darayaa in xubno ka mid ah barlamanka ay ku eedeeyeen in ra’iisal wazaaraha iyo madax-weynaha ina waxa ay wadaan ay tahay wax garab marsan dastuurka isla markaasna rabitaanka dadka deegaana Jubooyinka ka soo hor jeeda.
Xil-dhibaannada deegaannadaas ka soo jeeday ee kulankaas fadhiyay ayaa dowladda ku eedeeyay inay ka shaqaynayso inay iska hor keento dadka deegaanadaas, waxayna ku tilmaameen taalabooyinka dowladda kuwo khatar ku ah nabad gelyada jubbooyinka horseediyan colaado iyo dagaalo hor leh in dib loogu noqdo iyadoo hadda ay dadka deegaanka aysan wax colaad ah ka dhexeyn ayna doonayaan inay dhistaan maamul iyaga ka wakiil ah
Ra’isal wazaaraha ayaa in muddo ah la hadal hayay inuu ku soo fool leeyahay magaalada Kismaayo hasa yeeshee tiro seddex jeer ah oo ay maanta oo isniin ah ugu dambaysay booqashadiisu dib u dhac ku yimid sababo aan la sheegin aawgood.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...