Monday 25 March 2013

Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo arimo badan ka hadlay muddo ka dib



Madaxweynihii dowladii KMG aheyd ee dalka Soomaaliya laguna xasuusto waxyaabo badan ayaa ka hadlay fariimo badan oo uu usoo diray madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo doorasho kaga guuleystay.
Sheikh Shariif Sheikh Axmed,ayaa isaga oo la hadlayay wakaalada wararka ee AFP wuxuu sheegay in dowlada iminka ka dhisan dalka Soomaliya ay heysato ajandooyin badan oo muhiim iyadoo uu sheegay in loo baahan yahay ka faa’ideysiga fursadaha la heysto.
Sheikh Shariif, ayaa guul ku tilmaamay kala bar cunuqabateyntii laga qaaday dalka Soomaaliya,isagoo dardaaran u jeediyay madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.
Madaxweynihii hore ayaa dhanka kale dardaaran usoo jeediyay shacabka Soomaaliyeed meel kastaa oo ay joogaan ,isagoo sheegay in loo baahan yahay inay taageeraan dowladooda,si looga faa’ideysto fursada ay heysto dowaladaiminka dalka ka jirta.

Bishii Agoosto ee sanadkii lasoo dhaafay madaxweyne Sheikh Shariif ayaa looga guuleystay doorasho ka dhacday dalka Soomaaliya waxaana talada dalka hogaanka u qabtay Xasan Sheikh Maxamuud.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...