Wednesday 27 March 2013

Taariikhda Aggaasimihii Hay’adda Nabadsugida Qaranka ee Xilka Iska casilay.




Ahmed Moallim Fiqi wuxuu ku dhashay sanadka marka uu ahaan 1971, magaalada Mogadishu , intaa kadib Ahmed wuxuu u guda galay waxbarashadiisa dugsiga hoose iyo dhexe, heerkiisa dugsiga sare wuxuu ku soo qaatay gugsiga sare ee kaasabalbalaare sanadka marka uu ahaan 1988kii.
 Ahmed Moallim Fiqi intaa kadib wuxuu usii guda galay waxbarasho heer jaamacadeed wuxuuna Arday ka noqday Jaamacadda Umadda gaar ahaan “Kuliyadda Qaanuunka”sanadka marka uu ahaa 1990kii.
 Ahmed Fiqi xiligaasi uma aynan suura gelin in uu sii wato waxbarashadiisa Jaamacadda Umadda, balse sanadka marka uu ahaa 1991kii wuxuu deeq waxbarasho ka helay Dalka sudan Jaamacadda Khartoum gaar ahaan “Kuliyadda Beeraha” wuxuu ka qalin jabiyay sanadka marka uu ahaa 1998kii .
 Marka uu ka qalin jabiyay jaamacadda Khartoum wuxuu u ruqaan-saday Aaday wadanka soomaaliya isagoo qeyb ka noqday mid kamid ah iskuulada ku yaalla xamar iyo Ururada Bulshada, muddo gaaban kadib wuxuu xubin ka noqday Maxkamadihii islaamiga, isbaheysiga dib u xureynta.
 Dhowr sanno kadib Ahmed Moalim Fiqi wuxuu aaday wadanka Malaysia isaga oo durbadiiba biloway in uu u guda galo waxbarashada Majesteerka ah , Takhasus master Of Management.
 Ahmed Fiqi marka uu Qaatay darajada majesterka wuxuu biloway in uu waqtigiisa ka faa’iideysto wuxuuna u guda galay in uu dhigto daraaso kala duwan sida “Business administration,warfaafinta,diplomaasiyadda iyo intaasi in kabadan”.
 Ahmed Moalim Fiqi wuxuu noqday mid kamid ah la taliyayaasha iyo Ergeyga gaarka ah ee Madaxweyne Shariif, dabayaaqadii 2010 Ahmed Fiqi waxaa loo magacaabay Danjiraha dowladda midnimada qaran ee soomaaliya u fadhiyo wadanka Sudan.
 Taariikhda marka ay ku beegneyd 24/05/2011-kii Maalinimo talaado ah tahay waxaa loo magacaabay
 Aggaasimaha Hay’adda Nabadsugida qaranka, Maalinimadii (Axadii) Taariikhduna ku asteysaneyd 24-03-2013, waxa uu Istiqaaladiisa u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xassan Sheikh Maxamuud.
 Ugu dambeyntii, Taariikhdu marka ay aheyd 25-03-2013 waxa uu Shir Jaraa’id ku qabtay Magaaladda Muqdisho isaga oona iska Casilay Xilka Aggaasinimo uu u haayay Xukuumadda Somalia.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...