Thursday 14 March 2013

Xukuumada oo gudi u Saartay arinta ku Saabsan Meydadka Maxaabiis u Xirnaa Dowlada oo lasoo Dhigay Xaafadaha Muqdisho




Muqdisho(RBC Radio) Shirkii caadiga ahaa ee golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya oo uu shir gudoominayey R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya  ayaa waxaa lagu falanqeeyey qodobo dhowr ah oo la xiriira arimaha dalka ka taagan,shirka maanta ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saaray arinta ku saabsan dadka la dilay ee lasoo dhigo xaafadaha magaalada Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay kusoo badatay degmooyinka gobolka Banaadir.
Markii uu shirku soo idlaaday ayaa waxaa saxaafada la hadlay R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid wuxuuna goobta kaga dhawaaqay gudi loo xilsaaray iney soo aruuriyaan isla markaane ay soo ogaadaan xogta ku saabsan halka ay salka ku hayso arinta dilalka dadka rayidka ah ee lasoo dhigayo xaafadaha Muqdisho,waxaana la xaqiijiyey in dadka meydadkooda la helay ay ka mid yihiin maxaabiis ay gacanta ku hayeen laamaha amaanka dowlada Soomaaliya.
R/wasaare Saacid ayaa magacaabay gudi  wasaaradood ka kooban waxaana madax looga dhigay gudiga wasiirka wasaarada garsoorka xukuumada Soomaaliya C/laahi Abyan Nuur waxaana xubno ka ah gudigaas wasiirada wasaaradaha arimaha gudaha iyo amniga qaranka iyo wasaarada warfaafinta.
Wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax ayaa sheegay iney arintani xanuun badan ku hayso madaxda ugu saraysa dowlada Soomaaliya wuxuuna hoosta ka xariiqay in arintaasi ay baaritaan dhab ah ku samaynayaan,R/wasaaraha ayaa tilmaamay in 3 maalmood gudahood ay gudiga ku amreen iney soo gudbiyaan macluumaadka ku saabsan sida ay u dhacday arinta la xiriirta in maxaabiis dowlada u xirnaa meydkooda lagu arko wadooyinka magaalada Muqdisho.
R/wasaaraha ayaa ku tilmaamay arintaas mid aysan dhaqan u lahayn isagoona tibaaxay in maalinta Talaadada soo socota ay golaha wasiiradu iskugu imaan doonaan kulan aan caadi ahayn  maalintaas oo ay gudigu golaha wasiirada horkeenayaan xogtii ay soo aruuriyeen,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in dowladu ay qaadi doonto tallaabo cad oo ay kaga jawaabeyso falkaas foosha xun ee lagu dilay dad Soomaaliyeed oo ku jiray xabsiyada dowlada Soomaaliya.



RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...