Friday 19 April 2013

Dr. Baaddiyow: Ninba Dahab Lumay S i Doon-doon!


Dr. Baaddiyow: Ninba Dahab Lumay S i Doon-doon!

by khaliil

W.Q. Ibraahim G. Sharmaarke
Inta aanan qalinka kor u qaadin, dhawr goor baan Eebbe hortii ka maagay in aan maqaalkan qoro. Dhawr arrimood, ayaa ugu waaweynaa sababihii aan uga caga-jiiday in aan dareenkan gaarka ah qalinleyda Soomaaliyeed la wadaago. Tan ugu horraysa waa arrin si ugu lug leh siyaasadda Soomaalida  oo aanan jeclayn in aan xan iyo xaadirba ka faalloodo. Midda labaadna waa qormada aan ka fal-celinayo oo af qalaad ku qoran. Tan saddexaadna waa anigoo - galladi waa tii Eebbee - ku jira da'dii jeclayd in ay hadalka danta uun ka abbaarto.
Haddii aan dulucda maqaalkaygan beegsado, waxaan degelkan WardheerNews oo aan ka mid ahay dadka Soomaaliyeed ee ku gob-daalleeya, marmarna wax ku xarriiqa ka aqriyey waraysi  Ingiriisi ku qornaa oo laga qaaday mid ka mid ah aqoonyahaniinta Soomaaliyeed oo uu 16-kii Abriil, 2013-ka wargeysku daabacay. Dr. Cabdiraxmaan M. Baaddiyow, sifooyin waaweyn oo badan ka sakow, sanadkii ina dhaafay qaybtiisii dambe, ayuu ahaa murashax u taagan madaxweynannimada Soomaaliya, halkaa oo loo tirinayey in uu ugu yaraan guusha sigi doono.
Anigoo taxaddaraya, lana il-daran godob-nacayb ilaa berigaan korayga ahaa laygu ibtileeyey, ayaan markii ugu horreysay gu'gan isu fasaxayaa in aan aqoonyahanka siyaasiga ah ee waraysigan bixiyey, oo aannu wada og nahay in uu qarka u fuulay in uu noqdo madaxweynaha Soomaaliya, aan u bareero oo waraysigiisa dhawr meelood ka dul-istaago, sidaan u fahmayna muujiyo, dabadeedna su'aalo koob-kooban ka weydiiyo. Sida aan isku aqaan, horayna marar badan u dhacday, waan khaldanaan karaa, aqristayaasha WardheerNews ayaanan marti muslim uga ahay in ay i saxaan, haddii aan hadalka calaliyo ama su'aalaha barkood ku simbiriirixdo.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...