Tuesday 30 April 2013

Mukhtaar Roobow, Xasan Daahir Aweys Iyo Rag Kale oo Si Ba’an u Weeraray Axmed Godane Kana Hadlay Weerarkii Al Amriki (FATWO)



Baraawe (RBC) Bayaan ay soo saareen hogaamiyaal sar sare oo ka tirsan kooxda Al Shabaab ee hadda khilaafku weyn uu ka dhex taagan yahay ayaa si kulul u weeraray hogaamiyaha kooxda Axmed Cabdi Aw-Maxamuud (Axmed Godane) oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay isku daygii fashilmay ee la doonayey in lagu khaarajiyo ninka Mareykanka u dhashay ee kooxda ka tirsan Cumar Xamaami (Abuu Mansuur Al Amriki).
Cumar Xamaami ayaa shaaca ka qaaday in 26-kii bisha April uu ka badbaaday weerar ay ku soo qaadeen koox taabacsan Axmed Godane xilli uu shaah ka cabayey meel ku taalla tuulada Raamo Caddeey ee gobolka Baay. HALKAN KA AKHRI WEERARKII AL AMRIKI
Bayaankan oo loo bixiyey “Fatwo muhim ah oo ku saabsan iskudaygii dilka ahaa ee lagu qaaday Abuu Mansur Al Amriki iyo saaxibadiis Khadaab Marsi iyo Usama Baritaaniya” ayaa lagu faafiyey bog ay adeegsadaan ururada Al Qaacida iyo Daalibaan oo lagu magacaabo Al Jahad.com.
Fatwadan oo ka kooban toddoba (7) bog ayaa waxaa ku saxiixan shan nin oo xubno sare ka ah kooxda Al Shabaab, waxayna kala yihiin;-
1) Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.
2) Sheekh Xasan Daahir Aweys.
3) Sheekh Abuu Bakar A Seylici (Magaciisa runta ah waa: Ibraahim Xaaji Meecaad Afghaan, waa ku xigeenka Axmed Godane).
4) Sheekh Subeyr Al Muhaajir.
5) Macalim Burhaan Sheekh Xaashi.
Sababta loo soo saaray Fatwadan
Shanta nin ee ku saxiixan bayaankan ayaa ku tilmaamay inay fatwadan soo saaraan inay ku kalliftay kadib markii ay sii kordheen weeradada qarsoodiga ah ee ay sheegeen in lala beegsanayo rag ka tirsan wax ay ugu yeereen “Muhaajiriinta” [Ajnabiga ku dhex jira Al Shabaab ayay u yaqaanaan muhaajiriin] ku sugan Soomaaliya.
Kadib dhacdooyinkii u dambeeyay iyo weerarkii lala beegsaday saddex ka mid ah Muhaajiriinta ku sugan deegaanka Raamo Cadeey ee gobolka Baay iyo Bakool ee Islaamiga ah halkaasoo uu ku dhaawacmay walaalkeen Sheekh Abuu Mansuur Al Amriki iyo ceyrinta joogtada ah ee lagu hayo walaalaha isaga la jira, waxaa waajib nagu ah inaan cadeyno xukunka sharciga ah ee arrintan.” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen xubnahan.
Waxay sheegeen in rag badan oo u badan ajaaniibta Al Shabaab la jooga horey loo beegsaday la iskuna dayey in laga takhaluso naftooda, welina ay socdaan hawlahaasi isku dayga dilka ah, iyagoo ku eedeeyay inuu ka dambeeyo “Amiirka” oo ay ula jeedaan hogaamiyaha kooxda Axmed Godane.
Waa kuwee dadka la beegsanayo?
Al Amriki (Cumar Xamaami) oo dhiig uu ka da’ayo – Sawiro uu soo dhigay Twitterkiisa 26-04-2013.
Sida bayaanka lagu qoray waxaa Axmed Godane weerar ku hayaa xubnaha ay u yaqaanaan Muhaajiriinta, qaarna uu horey iskugu dayey inuu dilo qaarna uu hadda ku raadjoogo, arrintaasoo ragga qoray bayaank ay ku tilmaameen mid hareermarsan Shareecada.
Dadka weerarku saaran yahay oo ay magacyadooda ku cadeeyeen bayaanka ayaa waxay kala yihiin;-
1- Abuu Mansuur Al Amriki (Cumar Xamaami);  Waa nin u soo hijrooday Soomaaliya beryihii Maxkamadaha Islaamiga, wuxuuna ka qeybqaatay dagaalkii lagu qabsaday magaalada Baydhabo (sanadkii 2008).
Al Amriki wuxuu noqday taliyaha Al Shabaab ee gobolka Banaadir iyo taliyaha guud ee dagaalyahanada Al Shabaab. Sida lagu sheegay bayaanka Al Amriki hadda wuxuu xubin ka yahay Golaha Shuurada [Wadatashiga] Al Shabaab ay leeyihiin. Wuxuu madax u noqday guddiyo dhowr ah oo uu ugu dambeeyay guddiga joogtada ee golaha wadatashiga.
2- Khadaab Marsi (Sida magaciisa ka muuqata waa nin Masar ka yimid): Waa Muhaajir caan ka ah dagaalyahanada gobolka Banaadir, gaar ahaan Xeebta Liido.
3- Usaama Al Baritaani (sida magaciisa ka muuqata wuxuu ka yimid Ingiriiska):  Sida bayaanka ku qoran waa Askari aamusan oo ka mid ah askarta Alle ee qarsoon.
Bayaanka ay soo wada saareen shanta nin ayaa lagu soo qoray aayado Quraanka Kariimka ah iyo Axaadiista Nabiga SCW kuwaasoo ay u cuskanayaan sida aanu u banaaneyn dilka ruux Muslim ah sabab la’aan.  Waxay kaloo soo qaateen digniino ku jira Quraanka oo sheegaya in Cadaab daran lagu abaalmarinayo qofkii dila qof Muslim ah sabab la’aan.
Amiirka laguma raacayo ku caasigarowga Alle
Fatwadan oo ka mid ah farriimaha ugu adag ee beryahan looga soo horjeedo Axmed Godane ayaa lagu sheegay inaan Amiirka [hogaamiyaha Al Shabaab] lagu raacceynin ku caasigarowga Alle, waxayna fatawadan u digtay dhalinyarada Axmed Godane u adeegsanayo dilka ragga ka midka ah kooxda ee isaga ka hor yimid.
U hogaansanka Amiirka [hogaamiyaha] ma ahan wax iska furan ee waa wax ku xadidan Sharciga.  Waxaa lagu raaci karaa kaliya wixii wanaag ah ee qofna [bani'aadam] laguma raaco wxii keenaya in Illaahay lagu caasigaroobo. Ayay ku yiraahdeen fatwadan ay soo saareen shanta nin.
Waxay ugu dambeyntii sheegeen inaysan u arkin dhaqamada Axmed Godane kuwo salka ku haya Sharciga iyo Diinta, baklse ay tahay ku ciyaarid uu ku ciyaarayo shareecada iyo Diinta oo uu dano siyaasadeed iyo arrimo isaga u gaar ah u adeegsanayo, wax xiriir ahna aanu kala dhexeyn Sharci.
Farriintii hore ee Ibraahim Afghaan
Bayaankan ayaa yimid saddex usbuuc kadib markii farriin loo diray hogaamiyaha Al Qaacida Dr. Ayman Dawaahiri taasoo uu qoray Ibraahim Xaaji Meecaad Afghaan (oo isugu yeera Abuu Bakar A-Seylici) uu ku sheegay in Axmed Godane uu ku xadgudbay raggii kooxda ka tirsanaa isla markaana uu qaar badan dilay qaarna xabsiyo sir ah ku guray, qaar kalena uu naagahooda kaxaystay.
Farriintaasi Ibraahim Afghaan oo isla bogga Al Jahad.com ee Al Qaacida lagu faafiyey kana koobneyn 15 bog ayaa dalbatay in deg deg loo soo farageliyo arrinta ka dhex taagan Al Shabaabka Soomaaliya, Axmed Godane laga badbaadiyo ugaarsiga uu ku hayo ragga isaga dhaliilsan.  Lama oga in Dawaahiri ka soo jawaabay farriinta Ibraahim Afghaan oo ah ninka labaad ee ugu sareey kooxda.
Bayaanada ay soo dirayaan qaar ka tirsan horjoogayaasha kooxda Al Shabaab ee looga soo horjeedo Axmed Godane laguna faafinayo internet-ka ayaa tilmaan u ah sida uu faraha uga baxay khilaafka ka dhex taagan horjoogayaasha waaweyn ee kooxda, oo hadda u muuqda inay isugu jawaabayaan mareegaha internet-ka ee iyaga kala raacsan iyo weeraro dilal qorsheysan ah oo ay isku fulinayaan.

_________________________________________
*Isha Qoraalka bogga Al Jahad.com
*Waxaa tarjumay Raxanreeb.com (RBC Radio)

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...