Saturday 20 April 2013

Nalalka ku shaqeeya Cad-ceedda Qorraxda oo la gaarsiinayo wadada Sodonka ee Muqdisho



Muqdisho(RBC Radio) Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday inuu soo gabagaboobay qorshe ay nalalka Cad-ceedda Qorraxda ku shaqeeya uga hirgalinayaan wadad weyn ee Sodonka ee magaalada Muqdisho kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen maamulka gobolka Banaadir,masuuliyiinta hay’ada CRD iyo gudoomiyayaasha degmooyinka ay marto wadada Sodonka ayaa looga dhawaaqay in lasoo gabagabeeyey qorshihii layrarka Soolarka ku shaqeeya looga hirgalin lahaa Jidka Sodonka.
Gudoomiyaha maamulka gobolka ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmednuur Tarsan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu kasoo baxay kaalintii uga aadaneed hirgalinta Layrarka ku shaqeeya Cad-ceedda Qorraxda ee la gaarsiinayo wadada Sodonka ee magaalada Muqdisho.
Tarsan ayaa ka dalbaday masuuliyiinta degmooyinka ay ku dherersan tahay wadada Sodonka iyo shacabka ku dhaqan degmooyinkaas iney kasoo baxaan kaalinta uga aaddan Nalalka la galinayo wadadaas wuxuuna ku booriyey iney ilaashadaan Nalalkaas oo uu tilmaamay iney yihiin hanti ay shacabku leeyihiin,wuxuuna intaa ku daray gudoomiye Tarsan in idtiinka Lalalku ay ka hortagi doonaan dhibaatooyinka alshabaab ay magaalada ka geystaan isla markaane ay ganacsiga  iyo bilicda magaalada Muqdisho kor u qaadayaan.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa hore Layrarka ku shaqeeya Cad-ceeda uga hirgaliyey wadooyinka Wadnaha iyo Makka al-mukarama oo ka mid ah halbowlayaasha magaalada caasimada ee Muqdisho,dowlada UK ayaa ku deeqday mashruuca lagu soo celinayo iftiinkii magaalada Muqdisho oo 22 sano marti u ahayd dagaalo waji badan lahaa.


RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

2 comments:

Anonymous said...

Its like you read my mind! You seem to understand so much approximately this, such as you wrote
the book in it or something. I think that you simply can do with some % to pressure the message home a little bit, but other than that, that is great blog. A great read. I'll certainly be back.

Visit my site :: awesome mini golden retriever puppies material

Anonymous said...

Nevertheless eBay does permit you to narrow your quest to
your distinct vary of miles all around your house in order that you are able to decide up some thing.


Also visit my homepage; please click the up coming article

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...