Friday 19 April 2013

Shan Cashar oon aan Dr. Raabi Ka bartay!


Shan Cashar oon aan Dr. Raabi Ka bartay!
Sh. Xasan Jaamici
xasanjaamici@gmail.com
Abriil 19 2013
Innaa Lillaahii waa innaa Ilaahi raajicuun. Ilaahey ha u naxriisto Dr. Raabi, samir iyo Iimaan Ilaahey hanaga siiyo dhammaanteena waa uu naga dhintay. Jannaatul Fardowsa Ilaahey ha ka waraabiyo. Soomaalida shaqsiga halyayga ah oo watarka badan waxay yiraahdaan: ” Ma dhimmanee waa dhuuntay”. Waxaa loola jeedaa muuqaalkiisa ayaa la waayey laakiin wuxuu qabtay ayaa la harsan doonaa (sadaqa jaariyah Ilaahay ha uga dhigo. Aamiin).
Dr. Raabi waxaan ka hayaa video aan ka duubnay ee ku saabsan shir dhalinyaro oo qiyaastii dhacay sanadkii 1993 oo ay qabatay ururka (Somali Youth Association of Toronto, SOYAT) oo ilaa iyo hadda ka dhisan waddanka Canada. Waxaa uu halkaa ka jeediyey khudbad dheer oo naga oysiisay.
Dr. Raabi, waxaan ku xusuustaa inuu diiday hotel inuu seexdo oo uu door biday gurigeyga inuu seexdo oo uu marti ii noqdo. Waxaan u arkay habeenkaasii fursad dahab ah oo ay lama huraan tahay inaan maalo ama casharo badan ka qaato intuu ila joogay.
Waxaan ka bartay waxaan ku soo ururiyay 5 waxyaalood:
1- Saqda dhexe ka dib wuu soo toosay, ka dib wuxuu u taagnaa salaatul layl isagoo oynayo oo ummaddana u dacaynayo. Ka dibna wuxuu bilaabay dikri ilaa fajarka laga gaaro. Waan la tukaday. Dikri oo uu ku cel celinayey tawxiidkana waan la akhriyey. (wuxuu aaminsannaa xoojinta xiriirka Ilaahey iyo halgan daacad ah oon kala go’ lahayn inay tahay waddada guusha).
2- Wuxuu ii sheegay in loo baahan in la dhiso jiil cusub oo leh caqli cusub oo waddiniyadeed oo qabiil xor ka ah.
3- Wuxuu ii sheegay inaan fuleyyaal ahayn inteena badan ee dibadda soo aaday waayo gurigeenii oo gubanayo ayaan ku soo cararnay annagoo aqoon u leh nooc biyaha lagu damin kara dabka gurigeynii qabsaday iyo sida dib loogu dhisa kara guri ka fiican kii hore (waxaan aaminsanahay guriga uu ka hadlayey oo ahaa gurigii Somali weyn ay lahayd inuu weli dun san yahay dadkii dhisa lahaa ay is heystaan oo ayan ku heshiin qaabkii loo dhisi lahaa!)
4- Wuxuu labaatan sanno ka hor saadaaliyey inay Somali si xun u kala qeybsami doonto haddaan midnimo laga shaqeyn oo ay dad badan oo muuqaalka Somali ka ah u shaqeyn doonaan cadawga Soomaali weyn (great Somalia) iyadoo aad loo adeegsan doono nidaaamka qabaliga oo ay Somali badan caabudaan (alla run badanaa, Ilaahow u naxriiso).
5- Wuxuu yiray: halganka soo celinta Somali weyn waa halgan dheer oo aad u dhib badan oo waqti dheer qaadan doono laakiin halgankaasi waa waajib muqadas oo saaran muwaadin kastoo dhiig Soomaali oo saafi ku haray?
Ilaahay innaga dhig kuwa halgankiisa sii wada ee ka mira dhaliya. Aamiin.
Sh. Xasan Jaamici, USA.   Comments (0) | Write Comment

3 comments:

Anonymous said...

Thanks for sharing your thoughts about border collie.
Regards

my web page :: Check My Reference

Anonymous said...

You really make it seem really easy together with your presentation
however I find this matter to be actually something which I
think I would by no means understand. It seems too complicated and extremely
vast for me. I am taking a look ahead to your subsequent post, I'll attempt to get the hold of it!

Visit my page ... golden retriever

Anonymous said...

Hey There. I found your weblog the usage of msn. That is a
really neatly written article. I'll make sure to bookmark it and come back to read more of your useful info. Thanks for the post. I will definitely return.

Feel free to visit my web blog :: cool information golden retriever information

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...