Tuesday 23 April 2013

Shirkii lugu dhisayey maamulka Jubba-land oo maraya heer gabagabo ah



Kismaayo[RBC Radio]Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose waxaa si dar der leh uga socda dhisida maamulka Jubba-land oo ay ku mideysan yihiin gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Wararka anuu ka heleno ayaa sheegaya xiligaan in heer gabagabaa ay ku dhawyihiin qorshayaashii lagu unki lahaa maamulkaasi.
Masuuliyiinta shirka  ayaa waxa ay sheegeen in uu heer gaba gabo ah marayo shirkaasi mar dhawna uu soo xirmi doono ayna dhici doonto doorashooyinka madaxtinimo iyo tan baarlamaanka ee maamulka Jubba-land.
Odoyaasha iyo ergooyinka ayaa la sheegayaa inay leeyihiin kulamo iyadoo la qaybiyay qorshayaashii iyo qaababkii lagu soo xulan lahaa musharaxiinta u tartamaysa doorashada madaxtinimo.
Waxaa magaaladda si weyn loga daremayaa xayed xeydashadda ay wadaan musharaxinta damacsan inay qabtaan hogaanka maamulkaasi,halka sidoo kalana magaaladda loga daremayo qurba joog iyo dad ka kala imaanaya gudaha iyo dibadda kuwaasoo danaynaya yagleelidda maamulka Jubba land.
Amniga magaaladda ayaa siweyn loo ad keyey iyadoona ay magaaladda sacad sacad loga sameyo howlgalo lugu  xaqijinayo amniga guud ee magaaladda madama xiligaan ay marti uyahay shirka lugu dhisayo jubba-land.
Si kastaba waxaa ay xiligaan umuuqata in gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ay yeeshen maamul ugar ah ka si oo ka mid noqon doona maamuladda ladamac sanyahay inay ka hir galaan dalka.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...