Tuesday 16 April 2013

Warkii maanta oo dhan


Safaarada Soomaaliya ee dalka Yemen oo ka hadashay ganacsato lacago ku sheeganaysa Maraakiibta Soomaaliya
Safaarada Soomaaliya ee dalka Yeman ayaa sheegtay inay soo ifbaxeen kooxo lacago been abuur ah ku sheeganaya Maraakiibta ay leedahay Soomaliya ee ku xiran Dekedaa magalada Cadan xilli madaxweynaha wadanka Yeman uu amar ku xiray in la fasaxo Maraakiibatasi islamarkaana laga cafiyay lacagihii lagu lahaa.
Qunsulka guud ee Safaarada Soomaalida ee dalka Yemen Axmed Cabdi Xasan Axmed Suudaani oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay soo ifbaxeen Ganacsato Yamaniyiin ah oo lacago farabadan ku sheeganaya Maraakiibta Soomaaliyeed ee uu dhawaan fasaxay madaxweynaha dalka Yemen.
Sidoo kale Qonsulka ayaa tilmaamay in ganacsatadaasi ku andacooneysa iney lacag ku leeyihiin Maraakiibta Soomaalida ee ku xiran dekeda Cadan ay  sheeganayaan iney heystaan dikumentiyo ay ku cadyihiin lacagtaasi oo gaareysa ilaa Afar Milyan oo Doolar.
Qunsulka ayaa hoosta ka xariiqay in sheegashada ganacsatada reer Yemen ay tahay mid ka badbadis ah,  isagoo xusay iney wadaan baaritaano la xiriira arintaasi, wuxuuna intaa ku daray in ganacsatadaasi ay ku doodayaan in ay warqado ogolaansho ah ka heystaan dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray halka qaar kalena ay ku andacoonayaan in Maxkamadi u xukuntay.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli madaxweynaha dowlada Yemen uu fasaxay Maraakiibta Soomaaliya ee ku xiran Dekeda Caden isagoo ka cafiyay wixii lacag ahaa ee lagu lahaa Maraakiibtaasi.
Roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada oo ka da’ay degmada Luuq iyo deegaano hoosyimaada
Maamulka degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa faahfahin kabixiyay roobab xoogan oo saameyn ku yeeshay qoysas ku sugan degmadaasi.
Roobab mahiigaan ah oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada saacado badana ka da’ayay degmada Luuq iyo nawaaxigeeda ayaa burburiyay guryo qadiimi ah oo ku yaalay xaafado ka mid ah degmadaasi
Muumin Xuseen Cali gudoomiye ku xigeenka degmadaasi ayaa Radio Muqdisho u sheegay in roobabka ay hakad geliyeen isu socodkii gaadiidkii soo gelayay degmadaasi, wuxuuna sidoo kale sheegay in gaadiid badan uu ku xayiranyahay wadooyinka soo gala magaalada Luuq.
Sidoo kale roobabkan oo xareedda waray deegaano aad u balaaran oo hoosyimaada degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa waxa ay ka mid yihiin Nimcooyinka Alle ugu deeqay noolaha.
Maxkamad ku taala Mareykanka oo xukun ku ridday 2 Nin oo qorsheyneysay iney ku biiraan argagixisada Shabaab

Dowlada Mareeykanka ayaa xirtay 2 nin oo u dhashay wadankeeda kuwaas oo lagu helay dambi ah inay qorsheynayeen sidii ay ugu biiri lahaayeen Maleeshiayada Al-Shabaab
Maxakamad ku taal dalka Mareykanka ayaa xukun gaaraya 20 sano  ku riday Labo nin oo u dhashey gobolka Newjersi ee wadanka Mareykanka kadib Markii ay qirteen In ay ku biiri  rabeen Alqaaidada Soomaaliya.
Afhayeenka guud ee ciidamada midowga afrika ee AMISOM ilwa yaw ayaa waxaa uu ka hadlay weeraadii
Afhayeenka guud ee ciidamada midowga afrika ee AMISOM  ilwa yaw ayaa waxaa uu ka hadlay weeraadii iyo qaraxyadii haalin ka hor ka dhacay dhismaha maxkamada gobolka Banaadir halkaasi oo dad badani ay waxyeelo ka soo gaartay.
Afhayeenka ayaa ku tilmaamay qaraxyada iyo weerarada halkaasi Al-shabab ka gaysteen arin aad looga xumaado isagoona sheegauy in ciidana AMISOM ay diyaar garoobayaan sidii ay Al-shabab ugu sifayn lahaayeen magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo  gobolada Koonfureed  ee dalka soomaaliya,waxaana uu tilmaamay  inay diyaar u yihiin AMISOM sidii ay arintaasi wax uga qaban lahaayeen.
“Sida aad ogtahayba ciidamada amnigu had iyo goor waa  heegan waxaana marka ay qorshe samaynayaan waa mid ku timaada xaalada Jirta  waxaase hubaal ah in ay taxadarayaan ayna garanayaan  hagar - daamada iyo xeeladaha codawgu  adeegsanayo”  sidaas waxaa yiri afhayeenka guud ee Amisom ilwa yaw.
Dhinaca kale afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada federalaak soomaaliya ay si wada jir ah u samayn doonaan baaritaano ku aadan weeraradii iyo qaraxyadii maalin ka hor ka dhacay dhismaha maxkamada gobolka Banaadir.
Maalinimadii axadii ayay ahayd markii niman hubaysani oo ka tirsanaa Al-shabab weeraro iyo qaraxyo ku ekeeyeen xarunta maxkamadaha gobolka Banaadir halkaasu oo ay la galeen qaraxyo iyo rasaas si toos ah ula dhacayeen dadka waxaana weeraradaas ku  geeriyooday inta la ogyhaya 36-qof  halka 58 ruux oo kalen ay ku dhawacmeen oo qaarkood si aad ah  u liitaan.
Labada ruux ayaa kala ah Maxamed Alessa iyo Carlos Amonte,  kuwaasi oo Maxakamad horteeda ka qirtay in ay qorsheynayeen weeraro argagixsanimo  iyo in ay ku biiraan kooxda Alshabaab.
HAY’ADAHA GARGAARKA IYO QM OO KA DEYRINAYA NOLOSHA DADKA KU DHAQAN GOBOLADA BAAY IYO BAKOOL
Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale caalamiga ee dhanka Bini-aadanimada ayaa ka deyrinaya xaalada ay ku sugan yihiin shacabka ku dhaqan gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Baay iyo Bakool oo xaalad Bini-aadanimo oo aad u daran laga soo sheegayo.
Warbixintii ugu danbeysay ee Qaramada Midoobay ka soo saarto shacabka ku dhaqan Gobolada Baay iyo Bakool,ayaa lagu sheegay in Bishii March ee aan kasoo gudubnay dad lagu qiyaasay 2,500,ay ka barakaceen Degmada Xudur markii Itoobiyaanka ay ka baxeen kuwaasi oo dhibaatooyin ay soo food saartay.
Kassim Mooge Abdullah oo ah madaxa xafiiska Bini-aadanimada Qaramada Midoobay ayaa sheegay in warbixin ay ku hayaan in Qoysaska gaaraya 2,700 ay bara baxeen,isagoona hadalkiisa intaasi raaciyay in arintaasi ay sababtay in xaalada sii xumaato.
Waxaana dadkaan Barakacooda loo sababeeyay markii ciidamada Ethiopayanka ay isaga baxeen iyagana daba carareen,kuwaasi oo ka baqay in waxyeelo ka ay ka soo gaarto Al-shabaab oo gudaha u galay Magaalada,markii ciidamada Ethiopiyanka ay dhabarka jeediyeen.
Hay’adaha gargaarka ayaa tilmaamay inay awoodaan inay dad xadidan ay gargaar gaarsiiyaan oo intooda badan ay ku gaarsiinayaan dhanka cirka,sidoo kale Qaramada Midoobay hada waxay shaaca ka qaatay inaysan awood u lahayn gaaritaanka goobaha Al-shabaab ay gacanta ku hayaan si loo caawiyo Qoysaska dhibaateysan sababo La xariir shabaab iyo hay’adaha gargaarka oo aan isku fiicneyn sida warbixinta lagu sheegay.
“Xaalada Bini-adanimo ee ka jirta Gobolada Bay iyo Bakol,weysii xumaaneysaa,Mana awoodno inaan gaarno deegaanada qaar oo Al-shabaab ayaa joogo”,ayuu yiri Kassim Mooge Abdullah.
Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale caalamiga ee dhanka gargaarka qaabilsan ayaa u sababeeyay sii xumaashaha xaalada Bini-adanimo ee Gobolada Bay iyo Bakool,xaalada amaan ee deegaanadaasi oo faraha ka sii baxay ,iyagoona tusaale u soo qaatay Bixitaankii Ciidamada Itoobiya.
Bannaanbax looga soo horjeedo Al-Shabaab oo ka dhacay Muqdisho
Banaanbax looga soo horjeedo maleeshiyada Al-Shabaab iyo ficilladeeda ayaa maanta lagu qabtay degmada Heliwa ee gobolka Banaadir, kaas oo uu soo qaban qaabiya ymaamulka degmada Heliwaa, waxaana ka soo qeyb galay qeybaha bulshada ee degmadaasi.
Guddoomiyaha degmada Heliwaa ee maamulka gobolka Banaadir, Cumar Jacfaan ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ummadda dhibaato ku hayso, wuxuuna xusay in shacabka degmada ay ka go’an tahay sidii la isaga kaashan lahaa ka hortagidda falalka cadowtooyada ku saleysan ee maleeshiyada.
Dadkii dibadbaxa maanta ka qeyb qaadanayay ayaa sidoo kale watay boorar ay ku qoran yihiin hal-ku-dhigyo ka dhan ah Al-Shabaab iyo weerarkii shalay ay ka geysteen xarunta maxkamadda gobolka Banaadir ee Muqdisho.
Dhinaca kale, guddoomiye Jacfaan markii uu bannaanbaxa ka soo noqday ayaa gaarigiisa lala eegtay miino, taas oo la sheegay inaanay qofna wax gaarsiin, marka laga reebo burbur ay u geysatay gaariga.
Miinada waxaa lagu aasay waddada dhinaceeda.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo Shaki geliyay halka Shabaab ay salka ku hayaan iyo kooxaha ay u adeegaan.   
Afhayeenka Majmaca Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, ayaa waxa uu dul istaagay oo uu ku dheeraaday in saraakiisha ugu sareysa Shabaabka ay yihiin rag gaalo soo tabartay oo loo soo diray dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed ee boqolkiiba boqol Muslimka ah.
“Shaki kuma jiro in Kooxda hogaamisa Khawaarita Soomaaliya ay Gaalo soo tababartay oo lagu soo amray in ay shacabka Soomaaliyeed laayaan iyaga oo diin sheeganaaya si diinta looga cararo oo cid waliba uu isu yiraahdo hadiiba diintu sidaan tahay oo leesku qalaayo waan ka laabtay”, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa shakigaasi geliyay hadafka kooxda Shabaab.
Sheekhu si cad uma sheegin Gaalada uu fialyo in ay ku adeeganayaan Shabaabka halka ay asal ahaan ay kasoo jeedaan.
Shabaab ayaa waxa ay sheegaan in ay Allaah ugu dhawaanayaan dadka ay leynayaan oo ay ku jiraan culimadii diinta dadka bari jirtay, waxa uuna Gurxan Sheegay in ay lamid yihiin Khawaarijtii leyn jirtay Asaxaabadii iyaga oo nool loogu bishaareeyay in ay Janada gelayaan.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa waxa uu ku nuux nuux-saday in Fahamka qaloocan uu ka daranyahay banba si xun u qaraxday oo kii dhigayay haleeshay maadaama Fikirku hadii uu qaldamo wax badan oo qaldan lagu fulinayo, waxa uuna si cad ugu dhawaaqay in Shabaab fikir qaldan uu maanka uga buuxo.


Isku shaandeyn lagu sameenayo qaar kamid ah Saraakiisha Booliiska iyo qaar Xilalkooda weyn doona(Xog Hoose)   
Shabakada Allbanaadir.com ayaa heshay xog hoose oo ku aadan in Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Taliska Booliiska Qorsheenayaan in isku shaandheyn lagu sameeyo qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Gobolka Banaadir.
Isku shaandheyntan ayaa la tilmaamay in ee saameyn doonto qeybo badan uu ugu horeeyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir Col.Maalin oo xilka laga qaadayo loona dhiibayo xil kale oon wali la cayimin .
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in la qorsheenayo in Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir loo magacaabo Sargaal magaciisa aan ku helnay Madaale ,waxaa kale jira in iyana xilkii laga qaadayo Cabdulaahi Xasan Bariise oo hada ah Afhayeenka Booliiska iyo Taliyaha Hay’ada Dambi baarista CID-da , Bariise ayaa isna la qorsheeyay in Booliiska uu kasii dhax shaqeeyo jago kalana loo dhiibi doono oo ka duwan tan uu hada ku magacaaban yahay.
Taliyaha Booliiska Qeybta Waliyow Cadde ayaa isna xilkiisa weyn doono waxaana lagu badali doono sargaal kale oo katirsan Booliiska Soomaaliya sida aan ku heleyno Xogaha Hoose ee soo baxaya.
Waxaa sidoo kale iyana isbadal lagu sameyn doonaa Taliyaasha Booliiska Saldhigyada Degmooyinka Gobolka Banaadir oo qaarkood xilalkooda weyn doona halka kuwa kalana isku shaan dheyn lagu sameyn doono.
Isku shaandheynta lagu sameenayo Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa la filayaa in ee soo baxdo dhawaan , Xogaha aan helnay ayaa sheegaya in Durbo la diyaariyay Qorshihii isbadalkaasi dhawaana la filayo in la shaaciyo.
Arimahan ayaa imaanaya xili Amaanka Magaalada Muqdisho wax xoogaa maalmahan uu ka jiro dabacsanaan ayna ka dhaceen Magaalada Qarxayo Xoogan oo sababay dhimashada Dad badan oo Shacab ah iyo Masuuliyiin Dowlada katirsan.

1 comment:

Anonymous said...

I'm gone to convey my little brother, that he should also pay a quick visit this blog on regular basis to take updated from most up-to-date information.

Also visit my blog post: トリーバーチ

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...