Saturday 13 April 2013

Warmurtiyeed ay si Wadajir ah Uga Soosaareen Magaalada Ankara Dawladda Federaalka Soomaalia iyo Somaliland

Warmurtiyeed ay si Wadajir ah Uga Soosaareen Magaalada Ankara Dawladda Federaalka Soomaalia iyo Somaliland

by khaliil
Ankara, Abril 13, 2013 (WDN)- Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa heshiis waxwadaqabsi ku kala saxiixday magaalada Ankara ee dalka Turkiga, ka dib wada hadallo, ay soo qaban qaabisay, kana odayanaysay dowladda Turkiga.
turki1Wararka WDN ka soo gaaraya Ankara, ayaa sheegaya in kulan muddo saacado ah socday, ay wada yeesheen madaxweynaha Jamhurriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ay ugu dambeyn labada dhinac ku heshiiyeen qodobbo u badan iskaashi dhex mara dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.
 
Warka, ayaa waxa uu intaa ku daryaa in ay jiraan qoddobo la isku mari waayay, kuwaas oo aan la shaacinin waxay yihiin, oo dhinacyadu ay ku ballameen in dib looga hadli doono.
 
Waxay dhinacyadu iskugu imaan doonaan mar kale Turkiga muddo seddex bil gudaheeda, si loo sii amba qaado wada hadallada.
 
Heshiiskan, oo ay wada saxiixeen wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya Md. C/kariin Xuseen Guuleed iyo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdullaahi Cumar, iyadoo sidoo kalena uu goob joog ka ahaa madashii saxiixa madaxweynaha Turkiga Md. Cabdalla Guul.

Qoddobada lagu heshiiyay ayaa waxay yihiin sida hoos ku qoran;
 
  1. In lasii wado wadahadallada u dhexeeya labada dhinac.
  2. In qoddobadii kasoo baxya shirarkii London iyo Dubai ee horay logu heshiiyay la dhowro
  3. In beesha calaamku ay ka taageerto dhinaca farsamada wadadallada sii soconaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland.
  4. In si wadajir ay dhinacyadu ay uga shaqeeyaan sugidda ammaanka iyo tababarrada.
  5. In labada dhinac ay wadaagaan deeqaha caalamka laga helo, gaar ahaan kuwa ay Soomaaliya hesho.
  6. In saddex bilood gudahood lagu qabto dalka Turkiga shir kale oo lagu dhameystirayo qoddobadii intii uu shirkan socday la isku af-garan waayay.
  7. In labada dhinac ay joojiyaan hadallada xanafta leh ee wax u dhimi kara qoddobadan lagu heshiiyay iyo sii socoshada wadahadallada.
 
Jamaal A. Cismaan
WardheerNews.com
Nayroobi, Keenya
 
khaliil | April 13, 2013 at 6:17 pm | Categories: NewsWarar | URL: http://wp.me/p2Y05p-Wx
Comment   See all comments
Unsubscribe or change your email settings at Manage Subscriptions.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...