Wednesday 8 May 2013

Faahfaahin: Ciidamada Daraawiishta ee Gadoodka Sameeyey Oo Lagu Qanciyey in la Siinayo Lacagaha Kamaqan !




Ciidamada Puntland
Boosaaso[RBC Radio] Ciidamada Daraawiishta Puntland ee difaaca kaga jiray deegaanka Sugure ee Duleedka Boosaaso ee maanta qabsaday Kantaroolka,Bangiga iyo Dekeda weyn ee magaalada ayaa lagu qanciyey caawa in lacagaha ka maqan ay Dawladu bixinayso sida ugu dhakhsiyaha badan.
Ciidamada oo Saacado kooban joojiyey Isu socodka Gaadiidka ka baxaya Magaalada iyo kuwa soo galaya ayaa ka Cabanaayey muddo shan bilood ah oo aysan qaadan wax Mushaar,waxayna Carada ugu weyn ka dhalatay ka dib markii 30% laga jaray Mushaaraadka ay qaataan.
Madax ka tirsan Puntland ayaa Ciidamada Daraawiishta ee gadoodka sameeyey kula hadlay Afaafka dekeda iyo Bangiga weyn ee magaalada ayaa ku qanciyey in Ciidamadu ku noqdaan goobihii ay ka yimaadeen isla markaana sida ugu dhakhsiyaha badan u helayaan lacaga ka maqan.
Ciidamada ayaa daqiiqado ka hor dib ugu laabtay deegaanka Sugure ee Duleedka Boosaaso,waxayna Ciidamadu ku goodiyeen in dib ay u soo laaban doonaan haddii Cabashadooda aysan dawladu si dhab ah wax uga qaban.
Xaalada Magaalada Boosaaso ayaa degan,waxaana dadku hadal hayaan Ciidamada gadoodsan ee magaalada soo galay,lamana sheegin dhibaato ay geysteen Ciidamadu balse waxay hakad geliyeen Isu socodka Gaadiidka iyo shaqada Dekedda Boosaaso.
Maalinta berito ah ayaa lagu wadaa in magaalada Boosaaso uu soo gaaro Wasiirka Maaliyadda Puntland Faarax Cali Jaamac,isagoona lagu wado in uu ka hadli doono arrimaha lacagaha la diiday ee Shanta boqol ee Shilin Soomaaliga ah iyo Cabashada Ciidamada Gadoodsan.
_____________________
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...