Monday 6 May 2013

Jawaari iyo Xassan Sheekh Oo Damacsan in Ay Gataan Badda Soomaaliyeed,Dhageyso Dood Xiisa Badan.


Jawaari iyo Xassan Sheekh Oo Damacsan in Ay Gataan Badda Soomaaliyeed,Dhageyso Dood Xiisa Badan.

Written by Maamul on .
somalimemo.netWarar maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay ayaa sheegaya in xukuumadda uu Hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ay saxiixday heshiis dhigaya in badda Soomaaliya loo gacan geliyo wadamo shisheeye.


Dhul badeedka Soomaaliya ayay dowlado shisheeye doonayaan in ay gacanta ku dhigaan iyagoo usoo maraya calooshood u shaqeystayaal gacanta loo geliyay waxa loogu yeero sharciyadda dalka.


Dowladaha Kenya iyo Norway ayaa ku lug leh mashruucan ladoonayo in lagu boobo qeybo muhiim ah oo kamid ah badda Soomaaliya,Xasan Gurguurte iyo Jawaari guddoomiyaha baarlamanka DF-ka ayaa ku lug leh heshiisyo lasaxiixay oo mugdi badan dhaliyay.


Hadaba idaacadda islaamiga Alfurqaan ayaa dood xiisa badan u qabatay aqoonyahanno iyo xildhibaan DF-ka katirsan waxaana dooda ka qeyb qaadanaya Idiris Xasan Faarax oo Filland ku sugan,Max’med Cumar Dalx oo Muqdisho ku sugan iyo Qamar Haashim oo qurba joogta kamid ah.


Xildhibaan Max'med Cumar Dalxa wuxuu ku eedeeyay guddoonka baarlamanka in ay ka leex leexanayaan difaaca badda isagoo muujiyay shaki weyn oo ah in badda lagadan rabo.

Halkan ka dhagayso Doodda Badda Soomaaliya MP3

Halkan Guji si aad u aragto Heshiis uu Xasan Sheekh Saxiixay oo uu uga tanaasulayo badda soomaaliya
 

Isha Maqalka:Idaacadda Alfurqaan

1 comment:

Anonymous said...

Hello, Neat post. There's a problem with your website in web explorer, might test this? IE nonetheless is the market chief and a good section of other people will leave out your wonderful writing because of this problem.

Also visit my web blog; visit for english golden retriever breeders stuff

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...