Sunday 12 May 2013

Somalia - Wararkii Maanta


Guddiga warfaafinta ee baarlamanka oo booqday wasaaradda warfaafinta
Kormeerkan oo ay maanta guddiga warfaafinta Baarlamanka Soomaaliya  ay ku tageen qeybaha kala duwan ee wasaaradda warfaafinta ay waxaa ku wehliyay mas,uuliyiinta wasaaradda warfaahinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka ayna kamid ahayeen, Agaasimaha guud ee wasaaradda C/risaaq Yuusuf Cali ‘Bahlaawi” agaasimaha warbaahinta C/raxmaan Yuusuf Shiiq “Al Cadaala, agasimaha Radio Muqdisho  Shiiq C/rixiin Ciise Cadoow  iyo mas,uuliyiin kale.
 Agaasimaha Radio Muqdisho Shiiq C/rixiin Ciise  ayaa ugu horeyntii gudiga oo kormeeray Radio Muqdisho faah-faahin ka siyay howlaha uu u haayo dad weynaha waxa uuna sheegay in Radio Muqdisho laga dhageysto satarladka iyadoo sidoo kale ay ay mobilada ka dhageysan karaan dadka ku nool wadamada USA, Canada, Sweden Norway iyo kuwo kale.
 Intaasi kadib ayaa waxaa ay u dhaqaaqeen qeybta TV-ga halkaasi oo uu kula hadlay gudiga agaasimaha warbaahinta Qaranka C/raxmaan Yuusuf  Shiiq waxa uuna tilmaamay in shaqaalaha TV-ga  ay habeen iyo maalin u soo jedaan sidii ay shacabkooda ugu soo bandhigi lahayeen hormarka dalka.
 Ugu dambeyntii waxaa ay soo indha in dheyeen Keydka Radio Muqdisho ayagoona waxbadan ka ogaaday taariikhdii lala soo marey badbaadinta keydka oo ay u dhabar adegeen mas,uuliyiin is xilqaamay.
 Agaasimaha wasaaradda, warfaafinta, boostada, isgaasiinta iyo gaadiidka  C/risaaq Yuusuf Cali ayaa soo dhaweyay booqashada gudiga isagoo talaabo horumar leh ku tilmaamay booqashada ay maanta ku yimadeen.
 Guddoomiyaha gudiga warfaafinta Baarlamanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Xaashi Aadan ayaa ugu dambeyntii sharaxay ujeedka ka dambeeyay booqashada maanta ay ku yimaadeen xaruunta wasaaradda waxa uuna tilmaamay in booqashadoda ay tahay u guurgalida sida ay u shaqeyso wasaaradda warfaafinta iyo baahiyaha ka jiro.
 Booqashadan ay maanta ku yimadeen gudiga warfaafinta ee baarlamanka Soomaaliya ayaa waxa uu yahay sida ay gudiyada baarlamanka u doonayaan u guurgalida hay’adaha dowladda iyo sidii uu baarlamanka ula xisaabtami lahaa.
Guddiga difaaca Baarlamanka oo kulan la qaatay Taliyaha ciidanka XDS iyo abaanduulaha
Kulanka ay yeesheen Guddiga difaaca Baarlamanka Soomaaliya Taliyaha Ciidanka XDS iyo Abaanduulaha ciidama qalabka sida ayaa waxa uu ahaa mid looga hadlayay amaanka iyo waxqabadka ciidamada XDS.
 Guddoomiyaha gudiga difaaca Baarlamanka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kulanka ay la qateen Taliyaha ciidanka iyo abaanduulaha ciidamada XDS  uu ahaa mid is wareysi ah kaas oo looga hadlayay halka ay marayaan howlaha ciidamada millatariga Soomaaliya.
 Xuseen Carab Ciise ayaa intaasi raaciyay in taliyaha uu u soo gudbiyay qorshaha dib loogu dhisayo ciidamada XDS waxa uuna intaasi ku daray in haatan ay socdaan howlgalo lagu sugayo amaanka.
 Sidoo kale Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in gudiga ay u gudbiyeen sidax arrimood oo ay ku howlan yihiin kuwaas oo kala ah Tayeenta ciidanka, tirakoobka iyo tababarka si awoodooda sare loogu qaado.
 Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Taliyaha ciidanka ayaa guddiga ka codsaday in laga gacan siiyo xuquuqda ciidanka naafada ee u dhaawacmay difaaca dalkooda.
 Guddiga difaaca Baarlamanka Soomaaliya ayaa ah guddi ay baarlamanka Soomaaliya u xilsareen u kuurgalida xaaladaha ciidamada XDS iyo halka ay marayaan howlgalada lagula wareegayo deeganada ay ku harsan yihiin Al-qaacidada Soomaaliya ee shabaab.
 Taliyaha booliska oo xilka la wareegay
Taliyaha cusub ee ciidamada booliska ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Jeneraal Cabdixakiim Daahir Saciid (Saacid) ayaa maanta si rasmi ah hoggaanka ciidamada ugala wareegay taliyihii hore Shariif Sheekunaa Maye.
Taliyaha cusub ayaa sheegay in isbeddel weyn lagu sameyn doono qaabka uu u shaqeeyo boolisku, lana hormarin doono tayada aqooneed ee ciidanka dalka.
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay in ciidanka boolisku uu laf-dhabar u yahay amniga dalka, isagoo ku ammaanay hawlsha adage ee ay hayaan.
Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdkariin Xuseen Guuleed oo ka hadlay xafladda xil-wareejinta ayaa uga mahadceliyay taliyihii hore ee ciidanka booliska Shariif Sheekhunaa Maye howshii uu qabtay muddadii uu xilka hayay.
Toddobaadkii hore ayaa Jeneraal Saacid loo magacaabay taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya.
83 qof oo Somali ah oo khatartii ugu xumeyd laga samata bixiyey (Aqri)
 Caasimadda Online (Malta) - Waxaan weli fari ka qodneyn firxadka dhallinteena Soomaaliyeed ay kagasoo hayaamayaan gayigeena Somalia ee dhibaatada dhex ceegaaga tan iyo Sagaashameeyadii, waxaana aalaaba dhacda in dhallinyaro badan oo Soomaali ah ay qaab khatar ah uga baqoolaan dalka oo ay isku biimeeyaan moolka iyo mowjadaha qaraar ee badda iyo silaca saxaraha yaalla.
Iyadoo ay taasi jirto ayaa maanta oo Sabti ah waxaa lasoo weriyey in 83 qof oo Soomaali ah lagu soo bad-baadiyey xeebta Jaziiradda Malta, sida ay saxaafadda u sheegey Booliska dalka Malta oo iyagu weli ku hawlan baadi goobka Soomaali kale oo ku maqan badweynta.
Dadkan tahriibta ku galay dalka Malta ayaa kala 82 nin iyo haweeney dhamaantood ka soo jeeda dalka Somalia, waxaana lagu soo bad-baadiyey laashahka la buufiyo, kadib markii gadiidkii ay wateen uu ka xumaadey.
Booliska ayaa sheegaya in badbadintooda ay aad u adkeyd maadaama baddu ahyayd mid aad u kacsan. Soomaali aad u badan ayaa lagu waayey badda u dhexaysa Waqooyiga Afrika iyo Koonfurta Yurub, kuwaas oo aan gaarin ujeedadii safarkooda.
Dalka Malta oo ah dal aad u yar kana mid ah Midowga Yurub ayaa muddo dheer la daalaadhacleynayey qaxootiga tahriibtaku soo gala dalkaas. Waxaa ku nool Malta Soomaali badan oo ku xeraysan xeryo qaxooti oo aysan ka bixi karin.
Dhallinyaro badan oo hadda ku sugan dalalka reer-galbeedka ayaa u tafaxaydanaya inay dib ugu laabtaan dalka, xilli qaar kale oo ku sugan dalka ay iyaguna kasoo boorso xiranayaan hadda.
Madaxweyne Xasan Sheekh, Wasiirad Fowziyo iyo Faysal Cali Waraabe oo kulan gaar ah yeeshay(Daawo Sawirada)
 Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maalmahan booqasho ku joogay dalka Ingiriiska ayaa ayaa xalay la hadlay Soomaalida ku nool magaalada Birmingham oo isugu yimid in ay dhegeystaan khudbadda madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo markii ugu horeysay ay tahay Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji inay indhaha saarto ama ay la kulanto Siyaasiyiinta Somaliland
 Munaasabadda oo ay soo qabanqaabisay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham ayaa waxaa ka soo qeybgalay dad aad u badan oo ka kala yimid magaalooyinka kala duwan ee UK, waxayna dadku muujiyeen sida ay ula dhacsan yihiin Dowladda hadda u dhisan Soomaaliya, taasi oo aan ahayn KMG, isla markaana dalalka caalamka ay billaabeen in ay ula macaamilaan si ka duwan siyaabihii loola macaamili jiray dowladihii KMG ahaa ee Soomaaliya soo maray.
 Waxaa munaasabadda kaddib xaflad casho sharaf ah isku arkay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo xubno ka tirsan wafdigiisa oo ay ka mid ahaayeen Ra’iisal wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirka gaashaandhigga C/xakiin Fiqi iyo Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland ee UCID Feysal Cali Waraabe.
 Klankooda oo ahaa mid cashada dhexdeeda ka dhashay oo aan horay loo sii qorsheynin ayaan si rasmi ah loo sheegi karin waxyaabihii ay iskula soo qaadeen.
 Inkastoo aan si dhab ah loo ogen waxyaabihii ay kawada hadleen hadana tani waxay muujinee isku soo dhawaanshaha madaxda Somaliland iyo doowlada Soomaaliya.
 Tan iyo markii ay Somaliland ku dhawaaqday 1991-kii ineey ka go’day Soomaaliya inteeda kale, ayaa hadana sanadihii
Ugu danbeeyay waxaa jiray dhowr shir oo ay isugu imaadeen madaxda doowlada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana xusid mudan in kulankii ugu danbeeyay ee kadhacay Stanbul ay kasoo baxeen qodobo ilaa dhowr ah oo kala saxiixdeen labada dhinac.
 Gaadiidlayda Muqdisho iyo Afgooye oo shaqa-joojin sameeyay
Darawallada kaxeeyo gaadiidka dadweynaha ee isaga kala goosha Muqdisho iyo Afgooye ayaa maanta sameeyay shaqa-joojin ay kaga cabanayaan isbaarooyin looga qaado lacago sharci darro ah.
Qaar ka tirsan wadayaasha gaadiidka dadweynaha ayaa sheegay inay dhibaato ku qabaan rag ku labbisan dareeyska ciidamada dowladda oo handadaad lacago baad ah uga qaata.
Isu-socodka gaadiidka ayaa hakad galay, waxaana maanta la dareemayay dhaq-dhaqaaq yarida gaadiidka dadweynaha ee Muqdisho iyo Afgooye isaga kala gooshi jirtay.
Dadaallo dhowr ah ayaa la sameeyay si loo qaado jid-gooyooyinka, in kastoo qaarkood ay markii dambe soo noqdeen, sida gaadiidleyda dadweynaha ay sheegayaan.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo Sheegay in ay Nidaam iyo Tiro koob u Sameyn doonaan Askarta Dowlada.
Hugaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay In ay Niaad iyo Sharci udajin doonaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya kuwooda Milatariga.
 Daahir Aadan Cilmi Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya oo u waramaye Idaacad FM ah oo kutaala Magaalada Muqdisho  ayaa sheegay in ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed la tayeyn doono tirakoobna lagu sameynayo si loola socdo dhaq dhaqaaqa Askarta Dowlada.
 Taliska Ciidanka Xooga dalka ayaa shaaciye in isbedel wanaagsan oo dhanka ciidanka ah dhawaan la qorsheynayo sidoo kalena ciidanka xooga dalka lagu soo celinayo sidii  ay ahaan jireen Biri samaadkii.
Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa intaa ku daray in dhibaatooyinka hada jira ay kamid yihiin in ciidan lagu ogyahay goob shaqo ay  Gudaha usoo galaan Magaaloyinka isla markaana danahooda gaarka ah qabsadaan.
 Arintaan ayaa hadii ay dhaqan gasho waxa ay ka hortageeysaa Askarta Dowlada ee goobaha shacabka dhexyaacaya ku waasoo Marka qaar dhibaato ugeesta Dadka Rayidka ah.
Taageerayaasha Al-islaax & Dam-jadiid oo Dagaal dhanka Warbaahinta ah ka dhax bilaawday(War wadaadada maxaa isku kiciyay)
 Maalmihii ugu danbeeyay waxaa hawada maqaalo kul kulul isku marsiinayay warbahinta ay kala adeegsadaan Xarakada Al-islaax iyo xisbiga haya talada wadanka Soomaaliya ee Dam-jadiid.
 Shabakada Somaliatoday oo iyada ku hadasha afka Xarakada Al-islaax ayaa iyada maqaal ay ku weerareyso Xisbiga Dam-jadiid waxay ciwaan uga dhigtay (Ma dhiig cusub mise dhiig wasaqeysan).
 Maqaalka lagu soo qoray Somaliatoday, ayaa waxaa lagu qeexayaa waxa ay yihiin (Dam-daiid) iyo ahdaafta ay leeyihiin.
 Wuxuu leeyahay, Dam-jadiid waa garab ka go’ay Al-islaax, kuwaasoo hadafkooda yahay ineey maamulaan wadanka Soomaaliya iyagoo umaraya wado walbo oo ay ku gaari karaan.
 Somaliatoday waxa uu leeyahay Dam-jadiid waa koox abaabushay dilal qorsheysan oo wadanka ka dhacay, gaar ahaan xiligii maxaakiimta Islaamiga, sidoo kale waxa uu leeyahay waa koox handada qof walboo ka horyimaada siyaasadooda ama afkaartooda.
 Sidookale shabakada Somaliatoday waxay leedahay Xisbiga Dam-jadiid ee uu qaybta kayahay madaxweyne Xasan Shiikh, waxay halkaan kusoo gaareen laaluush, gaar ahaan xiligii doorashada, laakiin waxaa xusid mudan in doorashadii madaxweynaha dhamaan musharaxiintii isa soo sharaxday mid walbo uu dhiibay laaluush lasiinayay xilibaanada si codka loogu shubo, waxaana musharaxiinta kamid ahaa rag katirsan Xarakada Al-islaax.
 Maqaalka lagu qoray shabakada Somaliatoday, sidoo kale waxaa lagu xusay in sanadkii 2005-ta doorasho ay qabatay xarakada Al-islaax oo lagu dooranayay hogaanka ururka, ay qaar kamid ah Dam-jadiid markii ay doorashada ku fashilmeen bilaabeen Mu’aamarad ka dhan ah madaxda Ururka, iyagoo adeegsanaya qaab qabiil iyo iska horkeenid.
Sidoo kale waxa uu warbixintaan lagu xusay in qaar kamid ah Dam-jadiid ay iyagoo adaagesanaya awoodii maxaakiimta Islaamiga isku dayeen ineey Xoog kula wareegaan xafiisyada ururka Al-islaax, laakiin markii danbo ay qaar kamid ah madaxdii maxkamadaha arinka fahmeen.
 Dhanka kale shabakada Al-shahid oo iyadana taageerta Xisbiga Dam-jadiid, ayaa iyana qortay maqaal ka dhan ah xarakada Al-islaax kaasoo ciwaan looga dhigay (Farqiga u dhaxeeya Xarakada Al-islaax iyo Al-shabab) sidookale maqaalkaan waxaa laysla bar bar dhigay Hogaamiyaha Al-islaax Dr Cali Shiikh Axmed iy hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.
 Hadaba Xarakaatka Islaamiga ah ee Soomaaliya kajira nuuceey doonaanba haku nasab sheegtaane, ayaa ah kuwa Soomaaliya kusii shubay Basiinka islamarkaasna dhibaatada sii laba laabay tan iyo wixii ka danbeeyay bur burkii Soomaaliya ku yimid.
 Nin waalan oo wadada maraya ayaa hada kahor waxa uu kusoo dhex dhacay laba Masaajid oo daris ah,islamarkaasna ay Makaroofanka isku weerarayeen laba wadaad oo mabda’a Salafiga u nasab sheegto.
 Ninkii waalnaa ayaa markuu mudo dhageeysanayay hadalada ay is dhaafsanayaan wadaada yiri “Waar wadaadada maxaa isku kiciyay”.

Kismaayo: 9875 arday oo imtixaan u fariisatay
Arday ku dhow toban kun ayaa maanta u fariistay imtixaanka sanad-dugsiyeedka 2012- 2013 ee dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Guddoomiyaha dallada waxbarashada ee gobollada Jubbooyinka (JEN) Axmed Faarax Cali ( Aways Jen) ayaa Bar-kulan u sheegay in imtixaanka ay u fariisteen 6500 oo wiilal ah iyo 3375 gabdho
Guddoomiyaha ayaa sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyay ay dallada waxbarashada gobollada Jubbooyinku ku tallaabsatay horumarro waaweyn oo habka imtixaan qaadista ah.
Qaar ka tirsan ardayda uu maanta u billowday imtixaanku ayaa Bar-kulan u sheegay inay si weyn ugu diyaar garoobeen, rajo weyna ka muujiyay inay ku guuleysan doonaan.
Imtixaanka dugsiyada ee maanta ka billowday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa socon doono illaa iyo 15 bishan.
Qarax ka Dhacay Masjid kuyaal Magaalada Muuqdisho.
Waxaa xalay Fiidkii Qarax uu ka dhax dhacay mid kamid ah masaajiida kuyaala Magaalada Muqdisho.
 Qaraxa ayaa ka dhacay Masjidka Sheekh Aweys oo kuyaala Isgooska Ceel Gaabta ee Degmada Xamar Jajab iyadoona lagu soo waramayo  in Qaraxu uu ahaa Bambaanada nuuca Gacanta laga tuuro oo uu watay Nin waxana lasheegayaa in  gudaha Masaajiidka galay.
 Goobjooge ku Sugan Goobta Mashaqada ka dhacay ayaa Warbaahinta Allsomalia u sheegay in ninka uu doonaye in Masjidka gudihiisa ka dhaxtuuro Bamka hasa ahaatee ay u suura gali weyday, Goobjoogaha ayaa intaa raaciye  in Ninkan watay bambada uu galay qeybta weesada ee Masaajidka halkaasan ay uga dhacday bambadii uu watay.
 Inta la’ogyahay Sadax Ruux uu ku jiray ninkii bambada watay ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi , waxaana durba Masjidka ka kala caray dadkii ka ag dhawaa iyadoona Ciidamada Dowlada ee Rasaas kor u rideen gudahana durba usoo galeen Masaajidka uu qaraxu ka dhacay.
 Warkaka Qaar ayaa sheegaya in Goobta uu Qaraxa ka dhacay ay ka ag dhawaayen Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya oo halkaasi baaritaano ka waday.
la’ogyahay Sadax Ruux uu ku jiray ninkii bambada watay ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi , waxaana durba Masjidka ka kala caray dadkii ka ag dhawaa iyadoona Ciidamada Dowlada ee Rasaas kor u rideen gudahana durba usoo galeen Masaajidka uu qaraxu ka dhacay.
 Warka ayaa intaa ku daraya in qraxa uu qasaare dhawac ah ugeestay Sadax ruux oo uu ku jiray Ninkii Bambaanada Siatay’ Saraakiisha Daowlda Wax war ah kama soo saarin ee ku aadan qaraxii Caawa fiidkii ka dhacay Masjid kuyaala Degmada X/jajab.
Khilaaf xoogan oo ka jira qaybsiga Ergayda ka qeyb galeysa Shirka Kismaayo ka socdo iyo Bur bur laga cabsi qabo in uu ku yimaado Shirkaasi
 Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose waxaa wali ka socda kulamo lagu xalinaayo muran ka tagan qaybsiga Ergada beelaha wax ka daga Gobolada Jubbada hoose, Jubbada dhexe iyo Gedo.
 Beesha sade oo wax ka dagta labadaas Gobol ayaa waxaa ku soo aday 20 xubnood waxaana ay ka biyo diideen in ay qataan 20 Ergo ayago ku andaconaya in ay xaq u leyihiin tiro intaas ka badan.
 Col Farxan Xusein Xasan oo ka mid ah Gudiga Dhismaha Jubaland oo maanta warbaahinta la hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in si weyn la iskugu hayo qaybsiga Ergoyinka waxaana uu edeyn u soo jeediyay Saraakil ka socotay Urur Goboleedka IGAD oo ayagu qaybinayay Ergoyinka waxana uu ku shegay in aysan IGAAD ka socon ee ay ka socdan Sirdoonka Wadanka Kenya.
 Col Farxaan Xusein Xasan xubin ka mid ah Gudiga dhismaha Jubbaland.
 Shirka Dhismaha Jubbaland ayaa waxaa lagu wada in uu bilowdo ka dib marka u dhamado khilaafka ka tagan qaybsiga ergada Jubbada hoose iyo Jubbada dhexe oo hada lo fadhiyo .
 Beelaha ka biyo diidan Qaybsiga Ergoyinka Jubbada hoose ,Jubbada dhexe iyo Gedo ma ahan beesha Sade oo kaliyah waxaa jira beelo kala oo ay ka mid tahay beesha Direed iyo belo kale waxaana laga cabsi qaba hadi arinkaasi xal loo waayo in dhismaha Jubbaland uu bur bur soo wajaho madaama beelo misaan weyn ku leh labadan Gobol ay ka biyo diideen qabka wax u socdan.
Warar Sheegaya in Abuu Mansuur Al-Imrki wali Nool yahay iyo Qeylo dhaan Deg Deg Ah loo diray Hogaamiya Al-Qaacida
 Xili Maalmihii lasoo dhaafay ay warbaahinta Soomaalida iyo kuwa caalamiga ah qaarkood hadal hayeen warar sheegaya in in garabka Aslahabaab ee raacsan hogaamiyaha Alshabaab Abuu Zubeyr ee lo yiqaana Axmed Cabdi Godone ay dileen Abuu Mansuur Al-Amriki oo kasoo jeeda dalka Mareykanka, ayaa haatan warqad uu soo qoray sarkaal sare oo ka mid ah Al-shabaab oo aan horay magaciisa loo aqoonin lagu xaqiijiyay in weli uu noolyahay Omar hamaami oo ku magac dheer Abuu Mansuur Al-amriki, balse ay weli baacsanayaan taageerayaasha hogaamiyaha Al shabaab ee Abuu Zubeyr.
 Abuu Yuusuf Alqariib oo ah Sarkaalkan ka tirsan Al-shabaab ayaa ku xaqiijiyay warqadda uu soo qoray oo la dhigay baraha taageera dagaallada Alqaacidda waxaa cinwaan looga dhigay: (Qeylo-dhaan degdeg ah oo ku aadan badbaadinta Abuu Mansuur Al-amriki iyo saaxibadiisa).
 Abuu Yuusuf Alqariib waxa uu xusay in Abuu Mansuur Al-amriki oo ay la socdaan 2 Muhaajiriin ah (ajaanib ah) iyo 2 Soomaali ah ay ku dhuumaleysanyaan keymaha degmada Diinsoor ee gobolka Bay hasa ahaatee ciidamada Alshabaab oo ka amarqaata Abuu Zubeyr oo ah hogaamiyaha Alshabaab kadib markii uu fashilmay dil gaadmo ah oo lagu khaariji rabay.
 Sarkaalkan Abuu Yuusuf Alqariib ayaa sheegay in sababta uu qeylo-dhaantaan usoo saaray tahay arimo badan oo culeeys xambaarsan loona baahanyahay in laga hortaga in dhiiga raga mujaahidiinta ah laga hortago,Iyo In Mujaahidiinta caalamka uu ugu baaqo iney badbaadiyaan ragaan lagu baacsanayo keymaha gobolka Bay,
 1- In Alshabaab ka dhex bilaabatay isi sifeyn kadib markii la baneystay dhiiga Abuu Mansuur iyo asxaabtiisa la socota,
 2- Sido kale qaar ka mid ah dagaalyahanadii Al-shabaab ee dibada ka yimid gabi ahaanba dalka soomaaliya laga ceyriyey oo ay ku jiraan qaarkood xabsiyo gaalo iyo xabsiyo Alshabaab ku leedahay dhulka ay ka taliso ee ku yaala koofurta iyo bartamaha soomaaliya
 3- In dagaalyahanada Mujaahidiinta ah ee Soomaalida ah iyo kuwa ajaanibta ah ee isugu jira carabta iyo afrikaanka ay ka sheeganayaan dulmi lagu hayo, xaaladooduna sii xumaaneyso maalinba maalinta kasii danbeeysa,
 4- Hogaamiyaha Alshabaab oo diiday inuu aqbalo go’aamda maxkamadda Xarakada ee kala saaridda doodaha gudaha ee labada sarkaal isku hayaan iyo khilaafka gaamuray ee labada dhinac u dhexeeya,
 Abuu Yuusuf Alqariib ayaa ku adkeystay iney marna hogaamiyaha Al-shabaab u banaaneyn inuu dilo Abuu Mansuur Al-amriki iyo saaxibadiisa Soomaalida ah iyo kuwa debadda ka yimid.
 “Sidee caqligu ku rumeysan karaa in ragii shalay diinta ku walaaloobay maanta cadow isu noqdaan?, taasi kuma imaan karto in labada dhinac midkood diinta ka leexdo maahee, eega waa kuma kan diinta ka leexday? Ma Abuu Mansuur Al-amriki, mise Abuu Zubeyr?” ayuu sarkaalkaan lagu magacaabo Abuu Yuusuf Alqariib ku warqadda uu soo diray.
 Sarkaalkan ayaa u cawdahaya hogaamiyaasha Alqaacidda, wuxuuna sheegay in horay hogaamiyaasha Alaqaacidda u xalliyeen khilaaf soo kala dhexgalay Alqaaciddada Aljeeriya, wuxuuna is weydiiyey sababta arrinta Soomaaliya ay uga aamuseen.
 Abuu Yuusuf Alqariib Ayaa So Jeediyay Afar Qodob Oo Lagu Baad Badin Karo Dhiig Ka Dhax Daato Al Shabaab Dhaxdooda,
 1- Inaan Amiirka Alshabaab ku dhiiran daadinta dhiiga dagaalyahanada Alshabaab ee Soomaalida iyo ajaanibta ah.
 2- Inaan Amiirku ku aargoosan xirxirtaan aan loo meeldayin ku dhaqaaqin ee kuwa dulmiga ku xiran la sii daayo, sida uu yiri.
 3- In la eego go’aamadii maxkamadda sharciga ah kasoo saartay doodaha amiirka kala dhaxeeya qaar ka mid ah saraakiisha.
 4- In madaxda Alqaacidda dhegeystaan waxyaabaha labada dhinac kala tabanayaan, codadka muhaajiriinta, Soomaalida, culumda iyo indheergaradka dalka.
 Mar sii horeeysay waxa si mugdi ku jirto loo khaarijiya sarkaal sare oo kamid ahaa raga ajaanibta magacne ku dhax laha waa Fasuul Abdalla balse haatan waxey xaalada mareysa in si cad loo dilayo Abuu Mansuur Al-amriki, Usama Albaridani iyo Khadaab Almisiri, bari iyo wixii ka danbeeyne labadaan qaab mid ka mid ah ayaa la marsiin doonaa Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur), Sheekh Abuu Bakar Alzeylici iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys” ayuu sarkaalkani ku yiri qoraalka uu soo diray.
 Abuu Yuusuf Alqariib ayaa sheegay in ragaan ay hesytaan hub ay isaga celiyaan ciidamada hogaamiyaha Alshabaab ee Abuu Zubeyr, hase ahaatee ay diidan yihiin in Alshabaab gudaheeda ka dagaallanto.
 Wuxuu sheegay in maanta waxa kala badbaadin kara dhiiga Alshabaab uu yahay codka hogaamiyaahasha Alqaacidda oo soo gaaara, islamarkaana arrinta go’aan kasoo saara.
 Inkasto hadalka sarkaalkan marba dhinac uu ku cabirayay ayaa sido kale waxa hadaladiisa ka muuqatay kuwa dhiiri galin ah oo ajaanibta ku guubaabinayo inay iska dhiciyaan hadii lagu so xad gudba ayna mar waliba isha ku hayaan kooxaha cirib tirka ku haya saraakiishoda ugu sar sareysa.
Si kastaba ha ahaatee maalimihii tagay ayaa qaar ka mid ah hogaamiyaasha Alshabaab baraha taageera Alqaacidda soo dhigayeen qoraallo ay iga cabanayaan hogaamiyahooda oo dhawaan cajal cod ah oo uu soo diray aan marna arrimahaas kusoo hadal qaadin iyado haatan su,aasha la is weydiinaya ay tahay halkee ayu ku danbeeyn doono mustaqbalka al shabaab madaama ay dhaxdooda ka tafantahay,
Xafiisyadii Merlin ee Galgaduud oo la xiray
Maleeshiyada al-Shabaab ee degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud ayaa maanta albaabada u laabtay xafiisyadii hay’adda Merlin ay ku lahayd degmooyinka Ceel-buur, Ceel-dheere iyo deegaannada hoos yimaada.
Maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab ayaa la sheegay inay tageen xafiisyada hay’adda, lana wareegeen agabkii yaallay, waxayna ku eedeeyeen inay wax ka ogtahay diyaarad nooca duuliye la’aanta ah oo maalmihii ugu dambeeyay dul heehaabaysan degmada Ceel-buur iyo deegaannada hoos taga.
Madaxa Ahlu Sunna u qaabilsan degmada Ceel-buur Cabdi Xasan Maxamed (Biyo-Quute) ayaa Bar-kulan u xaqiijiyay xirtaanka xafiisyada hay’adda Merlin, isagoo intaasi raaciyay in maleeshiyada al-Shabaab ay kala wareegtay moobilladii gacanta ee ay wateen shaqaalaha hay’adaasi ee xafiisyada la xiray oo tiradoodu gaarayso 586.
Hay’adda Merlin oo ah hay’ad laga leeyahay dalka Britain ayaa bixisa adeeg caafimaad, waana hay’adda kaliya ee ka shaqeynaysay degmooyinka iyo deegaannada ay maleeshiyada al-Shabaab kaga sugan tahay gobolka Galgaduud.
Arin Layaab Leh Nin Xaaskiisii Ku Dilay Magaalada Burco
Magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa waxaa ka dhacday arin ay ka argagaxeen dadka degan magaalada Burco.
 Sida ay sheegayaan wararka kusoo dhacaya warqabadka allsomalia.com ayaa sheegaya in Maxamed Axmed Xirsi uu xaafada Tawali oo ka tirsan magaalada Burco uu ku dilay xaaskiisii.
 Ciidamada Booliiska Soomaaliland ayaa goobta falka dilka ah uu ka dhacay gaaray kuwaasi oo xabsiga u taxaabay gacan ku dhiiglaha geestay falka dilka ah.
 Caafimaad ahaan waxaa la sheegay in uu fiicnaa ninkaani oo uusan aheyn nin madaxa looga jiro balse booliska ayaa wada baaritaan dheeri ah oo ku saabsan sababta keentay in ninkaani uu falkaani ku dhaqaaqo.
 Qaar ka mid ah Eheladiisa ayaa la sheegay in lala xiray kuwaasi oo iyana su’aalo la weydiinayo.
 Si kastaba ma ahan markii u horeysay oo dhacdooyinkaani laga maqlo deegaanada Somaliland balse horay ayaa waxaa u dhacday dad Eheladooda iyo qoyskooda dilay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...