Sunday 26 May 2013

Somalia - Wararkii maanta

feysal Cali Warabe "Ruxii Soomaali weyn kudhex fidiya Soomaliland waxuu la mid yahay Ruux Krishtan ku Dhexfidinaya Islaamka"
 Faysal Cali Waraabe oo ah gudoomiyha Xisbiga Mucaradka ah ee UCID kaa oo ka jira Deeganadda Maamulka Somaliland aya xili uu Waraysi siinayay Warbaahin lagu magacabo SBS oo kutala Wadanka Austrelia sacadana ku hadasha Afka Soomaaliga ayaa waxaa uu si kulul kaga hadlay Gooni isku taga Maamulka Soomaliland iyo Ddaka ku howlan sidii ay dib ay umideen lahayen Dowladda iyo mamulkaasi.
 Cali Warabe  ayaa waxa uu iskumid in ay yihiin ku tilmaamay Qofka Fidinaya Diinta Krishtanka ku Dhex fidinaya Islamka  iyo qofka doonayo in uu dib u soo celiyo miidnimadda Soomaliya,waxa kaloona uu sheegay qofka ka soo jeeda Deegaanaddaa oo lagu arko isna in uu ka shaqenayo miidnimadda Soomaliya in la xiro islamarkana dil Togasho xetaa logu daro.
 Gudoomiyha Xisbiga UCUD ayaa mar uu waydiiyay Wariyaha Waraysigani la yeshay oo u shaqwenayay Warbaahinta SBS ee ku tala Austarelia su aal ahayd Qatarta ka imaan karta Hadalkaasi uu ku hadlay ayaa waxa uu ku jawaabay.
 Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxa ay Dadaal ugu jirtaa sidii ay Dib ugu soo celin lahayd Maamulka Soomaliland In uu ka mid noqdo Dowladda Soomaaliya dhawana waxaa lagu wadaa in uu dhaco kulan daba socda kulan ay Horay uwada Yesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Shikh Maxamuud iyo M/weynaha Maamulka Somalilnd kaasoo ka dhacay Magalo Xarumeedka Dalka Turkiga ee Ankara.
Dawladda Somaliland Oo Sheegtay In Ay Sii Wadayso Wadahallada Somaliya
Wasiirka Wasaarada arimaha dibada Somaliland Dr Maxamd Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta war-bixin dheer siiyay Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland oo uu hor tagay.
Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida oo uu Guddoominayey Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aaden, ayaa waxa wasiirku kaga waramay siyaasada arimaha dibada iyo halka ay marayso dedaalka qadiyada Somaliland ictiraafka loogu raadinayo, waxaanu sheegay in safarkii Madaxwaynaha ee dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkigu ahaayeen kuwo ay guulo waaweyn uga soo hoydeen Somaliland.
Wasiir Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxa kale oo uu ka hadlay wada-hadallada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sheegay in Somaliland sii wadayso wadahadalka ay kula jirto Somaliya, inkasta oo madaxda dawladda Somaliya ay dhowr jeer jabiyeen qodobkii ahaa inaan labada dhinac la iman hadalo xanaf leh oo waxyeelaya heshiiskii Ankara.
Wasiirka Wasaarada arimaha dibada Somaliland, waxa kale oo uu sheegay inay xukuumad ahaan isku raaceen in hawada Somaliland ay ka xidhnaato diyaaradaha qaramada midoobay ilaa inta laga wadahadlayo, isaga oo sidoo kalena xusay in shir maanta Hargeysa uga furmi lahaa Somaliland iyo qaramada midoobay uu u baaqday sababo la xidhiidha dhanka socdaalka, waxaanu sheegay inay kala habsaameen saraakiil UN-ta ah oo New York ka iman lahaa.

Odayaasha ku dhaqan Kismaayo oo soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay shirkii urur goboleedka IGAD
Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa soo dhaweeyay war murtiyeedkii ka soo baxay shirkii wadamada IGAD ee xalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Addis Abab ee xarunta wadanka Ethiopia.
 Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in ay tageersan yihiin go’aanka wasiirrada arrimaha dibada urur goboleedka IGAD kaas oo ahaa in dowladda Soomaaliya ay u madaxbanaantahay maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka.
 Waxa ayna intaasi ku dareen in waxyaabaha ka socda Jubbooyinka ay yihiin mid aan waafaqsaneen daastuurka u yaala dalka.

Dhinaca kale waxaa magaalada Kismaayo ka dhacay kulan ay wada yesheen maamulka KMG ee Axmed Madoobe iyo xildhibaano ka tirsan Baaralamanka Soomaaliya.
 xildhibaan C/raxmaan Xooshi Jabriil wasiirka hore ee dastuurka dowladii KMG ahey oo ka mid ahaa xildhibaanadii ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid looga hadlayay sida loo hakinkaro qilaafka ka jiro gobollada Jubbooyinka.
 Xalay ayey aheyd markii magaalada Addis Ababa ee caasimada wadanka Ethiopia lagu soo gaba gabeeyay shir ay lahayeen wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD kaas oo laga soo saaray go’aano ay ka mid ahayeen in dowladda Soomaaliya ay soo dhisto maamulka gobollada Jubbooyinka iyo in dhawaan Muqdisho ay dowladda ku qabato shir maamul loogu sameynayo Jubbooyinka kaas oo ay u dhan yihiin dhamaan beelaha daga gobolladaasi.
Ciraaq oo mashaariic Soomaaliya ka fulinaysa
 Wasaarada dhismaha iyo deegaameenta xukuumada Iraq ayaa sheegtay in ay si toos ah u bilaabi doonto 3-mashruuc oo la xirira dhanka dhismaha oo ay ka sameeyneyso Somalia waxana ay ku kici doonta qiimo lacaged oo gaaraya 15-milion oo dolarka Maraykanka.
 Wasaradu waxa ay tilmaantay in shaqalihi howlahaasi ka fulin lahaa Somalia diyaar garowgii ugu danbeeeyay ay ku jiraan.
 Hadalka wasarada dhismaha iyo degaamenta wadanka Iraq ayaa lagu sheegay in ay timid kadib markii golaha wasiirada wadankaaasi ay bixiyen amarka ku aadan in lacagta qiimahedu gaarayo 15-ka million ee dolarka maraykanka mashruuc dhanka dhismaha loogu sameeyo Somalia.
 Iraq waxa ay kamid tahay dowladaha xiligaan doonaya in ay wax ka dhisaan dalka uu burburiyay dagaaladii sukeeye ee dalka ka dhacay.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shirkii urur goboleedka IGAD ee lagu soo gaba-gabeeyay Addis
Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya  mudane Xasan Shiiq Maxamuud ayaa ugu horeyn soo hadal qaaday arrimo fara badan ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay  sanad guurada 50-aad ee ka soo wareegtay xiligii la aas-aasay IGAD oo loogu dabaal degay magaaladda Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
 Madaxweyna Soomaaliya ayaa sheegay in shirkii todobadii bishan ka dhacay magaaladda London ee xarunta dalka Ingiriiska iyo qorsho weli soconayo oo dalka lagu hormarinayo, dadaalad midowga afrika ee ku wajahan magaaladda Muqdisho iyo arinta ka taagan magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose iyo shirkii wasiirrada urur goboledka IGAD ay ku yeesheen magaaladda Addis ababa ee xarunta dalka ithiopia oo intiisa badan diiradda lagu saray arimaha dalka Soomaaliya.
 Mudane Xasan Shiiq Maxamuud ayaa u mahad celiyay ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa howlaha xasilinta ah ay ka wadaan dalka, waxa uuna sidoo kale u mahad celiyay dowladda Ethiopia oo ciidamo ay ka jogaan qeybo ka mid ah gobollada dalka kuwaas oo si harag la’aan ah uga qeyb qaatay xasiloonida wadanka.
 “Anigoo ku hadlaya magaca dowladda Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan rabaa in aan halkaan idin ku cadeeyo amaanta shacbka Soomaaliyeed iyo dowladda ay u hayaan ururka midowga afrika maxaa yeelay wadamada midowga afrika wax ay gacan ka geysteen sidii nabad iyo xasilooni loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya iyo sida ay u taageereen shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay garabkooda u istaageen waxaann aad ugu rajo weynahay in aad imaan doontaan shirka gaarka ah ee looga hadalayo arimaha Soomaaliya ee ka dhici doona dalka Japan 31bshan May ee sanadkan ayuu yiri madaxweynaha dalka.

Dad shacab ah oo Khasaaro kasoo gaartay iskahorimaad ka dhacay Muqdisho
 Inta la ogyahy 2 ruux oo rayid ah ayaa geeriyootay tira intaa kabad dhaawac ayaa soogaray kadib israsaasayn ciidamo kawada tirsan kuwa dowlada soomaaliya ku dhex martey isgoyska Banaadir ee magaalada muqdisha .


 Ciidamadaan oo dhamantood ahaa military ayaa lasheegay in ay isku qabteen lacag laga qadadayay gawarida gaadiidka  ee kusugnaa isgoyska Banaadir  kadibna ay israsaaseyn dhexmaraty.
 Marka laga tago qasaaraha soo garay dadka rayidka ah ee dhimashada iyo dhawaca isugu jira lama xaqiijin karo  qasaraha soo kala gaaray ciidamadaas.
 Jawiga goobta ayaa isbadalay  waxana halkaas soo gaaray cidamada kale oo kamid ah kuwa dowlada oo kala dhexgalay ciidamadamadii dagalamay sida Warbaahinta KNN ay u xaqiijiyay mid kamid ah dadkii kusugnaa goobta israsaaseyntu ay kadhacday ee isgoyska Banaadir.
 Cidamada dowlada Somalia ayaa inta badan isku qabta waxyabo sidaa uu sii buurneyn inkastoo marka ay ciidamadu israsasayn ceynkan oo kala ah dhexmarto qasaraha ugu badan uu kaso gaaro dadka shacabka ah inkastoo dowlada looga fadhiyo in ay wax badan ka qabato is qab qabsiga ciidamada oo shacabku dhiibatda ugu wayn ka soo gaarto.

Qarax Ciidamo Ethiopian ah lagula eegtay Magaalada Beydhabo
Qarax Khasaaro Geystay ayaa Ciidamo Ethiopian ahwaxaa lagula eegtay Magaalada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
 Wararka laga helayo Magaalada Beydhabo ayaa Xaqiijinaya Barqanimadii Maanta in Qarax miino lagula eegtay Ciidamo Ethiopian ah oo ka dukaameysanayay Suuq ku yaalla Magaalada Beydhabo.
 Qaraxa ayaa la sheegay in uu khasaaro ka soo gaaray dad rayid ah oo ku sugnaa Suuqa  Qaraxa uu ka dhacay halka qaraxaasi ay ku dhaawacmeen illaa iyo 15 qof  oo 3 ka mid ah ay ahaayeen Haween.
 Qaraxa kadib ayaa Ciidamadii Ethopianka  ahaa waxa aay fureen Rasaas xoogan taasi oo aan la shaacin qasaaro ka dhashay.
 Guddoomiyaha Gobolka Bay Cabdi Aadan Hoosow oo Shabelle lahadlay qaraxa kadib ayaa waxa uu Cambaareeyay qaraxaasi ay ku dhinteen dadka Rayidka ah isagoona tilmaamay in ay gacanta  ku soo dhigi doonaan Kooxaha weerarkaasi geystay.
Shaqaalaha wasaaradda arrimaha gudaha oo tababar loo furay
Tababar la xiriira kor u qaadista aqoonta shaqaalaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Tababarka oo ay ka qeyb-galeen soddon ka tirsan shaqaalahada wasaaradda ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Xarunta Cilmi-baarista iyo wada-hadalka ee CRD.
Nuur Axmed Diiriye oo ah agaasimaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dowladda Soomaaliya ayaa shaqaalaha tababarka loo furay kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan.
Tababarkan ayaa socon doona muddo 2 cisho ah.
Uhurru “DF waxaan ku taageereynaa dhismaha maamulka Jubbaland”
  Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo ka mid ahaa Madaxweynayaashii ka qeybgalay shir madaxeedkii IGAD ee Addis Aababa lagu qabtay ayaa khubad uu kulanka ka jeediyay ka sheegay in dowladdiisu ay dowladda Soomaaliya gacan ka siineyso sidii ay maamul iyada ugu magacaabi laheyd gobolada Jubbooyinka iyo gobolada kale ee dalka Soomaaliya ee ay dowladdu maamusho.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxaa kale oo uu sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo ay qeyb lixaad leh ka qaadan doonaan dib dejinta Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in ciidamada Kenya ay qeyb ka yihiin kuwa AMISOM isla markaasna aysan ka boodi Karin go’aan kasta oo Midowga Afrika ka soo baxa, isagoo sheegay inay dhiig u hureen sidii ay Soomaaliya dowlad u heli laheyd sida uu yiri.
Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay hadda ka jirto dowlad rasmi ah oo aan aheyn KMG, sidaas daraadeedna ay tahay in dalalka gobolka iyo kuwa IGAD ay dowladda Soomaaliya howlaha ay ka waddo gudaha dalka Soomaaliya ay ku taageeraan, isla markaasna dowladda Soomaaliya loo daayo maamul u sameynta gobolada dalka, wixii lagu taageeri karana loo fududeeyo, isagoo dalbaday in faragelinta laga joojiyo, wuxuuna sheegay in Kenya aysan faragelin ku heyn Soomaaliya.
“Waxaan la dhacsanahay howsha ay dowladda Soomaaliya ay ka waddo gudaha iyo dibadda dalka, kuwaas oo ay ugu adeegayso shacabka Soomaaliyeed, waxaana rajeynayaa in la arko Soomaaliya oo dib cagaheeda ugu istaagta” ayuu yiri Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo wax lagu farxo ku tilmaamay in Afrika sanadkan ay tahay sida hal dowlad oo kale, isagoo dhinaca kalena ku taliyey in la sii wada wada shaqeynta hadda Afrika ka dhexjirta iyo taageerada ay dhexdooda isku fidinayaan.
Madaxweynaha Kenya oo ka hadlay ciidamada Kenya ee ka mid ah AMISOM oo ku sugan Jubbada Hoose ayuu sheegay in howshoodu ay tahay sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen dib u soo celinta amniga Soomaaliya, wuxuuna yiri “Ciidamada Kenya waxay qeyb ka yihiin howgalka Midowga Afrika ee lagu xasilinayo Soomaaliya, doorkooduna waa inay ka caawiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay dib ugu soo ceshan lahaayeen nabadooda, ee dadka yeysan si kale u arkin ciidamada Kenya ee Kismaayo jooga”.
Hadalka Madaxweynaha Kenya ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo dowladda Kenya lagu eedaynayo inay dabada ka riixeyso maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe, isla markaasna ay la safantahay garab ka mid ah dhinacyada Soomaalida ee Kismaayo isku haya, dhegahana ay ka fureysatay codsiyo dhowr ah oo dowladda Soomaaliya u gudbisay, kuwaas oo la sheegay inay ku aadanaayeen arrinka magaalada Kismaayo.
Axmed Madoobe oo si carro iyo yaab leh u hadlay
Maalin kadib markii uu wareysi siiyey BBC-da, ayaa Axmed Madoobe waxa uu haddana wareysi kale siiyay Idaacadda VOA, isaga oo si carreysan u hadlay.
Axmed Maxamed Islaam {Axmed Madoobe} oo ka mid ah Madaxweynayaasha faraha badan ee maamulka Jubbaland ayaa jawaab kulul ka bixiyey go’aankii IGAD ka soo baxay ee lagu sheegay inaysan aqoonsaneyn maamulada looga dhawaaqay Kismaayo iyo Madaxweynayaasha faraha badan iyo hadalkii ahaa in dowladda Soomaliya ay xaq u leedahay inay maamul iyada u sameyso gobolada Jubbooyinka, cid kalena aysan xaq u laheyn.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in maamulka uu madaxda u yahay ee maamulka Jubaland uu ka xunyahay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay wax walba xoogga ku saarto khalkhal ku abuuridda maamulka cusub ee Jubaland, isla markaasna ay sii wado falal ka dhan ah sida uu yiri Jubaland iyo beelaha ku wada nool, wuxuuna ugu baaqay madaxda IGAD inay xurmeeyaan rabitaanka dadka shacabka ah ee reer Jubbaland.
Sidoo kale Axmed Madoobe waxa uu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan ka soo bixin 5-tii qodob ee horey u wada saxiixeen hogaamiyaasha dalalka IGAD ee ku aadanaa dib u xasilinta iyo la dagaalanka Al-shabaab, wuxuuna ugu markale IGAD dhinacooda inaysan abuurin wax walba oo khalkhal ku keeni kara howlaha maamul u sameynta Jubbooyinka oo ah go’aan ay beelaha Soomaaliyeed si wadajir ah ugu gaareen sida uu yiri.
“Waxaan ka soo horjeednaa go’aankii IGAD ay ku sheegeen inaysan aqoonsaneyn dowladda Jubbaland ee aan Madaxweynaha ka haya, waxaana IGAD ku taageeraynaa go’aankii ahaa in dowladda ay shirk u saabsan Jubbooyinka ay qabato, waan ka qeybgaleynaa shirkaasi xittaa Muqdisho haddii lagu qabanayo” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Dhinaca kale Axmed Maxamed Islaam ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay ku howlantahay colaad ka dhex dhalata bulshada Soomaaliyeed ee ku wada dhaqan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, wuxuuna intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay mas’uul ka tahay waxa ka socda magaalada Kismaayo, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo abaabushay ragga faraha badan ee magaalada Kismaayo kaga dhawaaqay inay yihiin Madaxweynayaasha maamulka Jubaland, wuxuuna yiri isagoo arrimahaasi ka hadlaya “Waxaan u heynaa cadeyn ah in dowladdu ay soo abaabushay dadka sheegtay Madaxweynayaasha Jubaland oo ay lacago ku bixisay iyada”.
Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa sheegay inay ka warhayaan dhibaato uu sheegay inay magaalada Kismaayo ka wadaan waftiyo isdaba joog ah oo gaaray magaalada Kismaayo kuwaas oo ka socda dowladda Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in dowladdu ay amar ku bixisay in ciidankeeda ku sugan Kismaayo ay magaalada dagaal ka ridaan sida uu sheegay, wuxuuna intaasi ku daray markale inay ogyihiin in madaxda dowladda Soomaaliya ay Jubbooyinka ka wadaan qas aan qarsooneyn, wuxuuna kula taliyey mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya inay ixtiraamaan dastuurka dalka u yaala ee iyaga lagu soo doortay kaas oo sida uu sheegay shacabka Jubbooyinka u ogolaanaya inay dhistaan maamukooda”.
 M/weyne Xasan oo shaaca ka qaaday qataar kusoo wajahan Kismaayo
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay shir madaxeedkii Madaxweynayaasha urur goboleedka IGAD ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa sheegay in Kismaayo ay qatar kuso wajahan tahay.
Madaxweynaha waxa uu yiri in haddii ay sii socdaan xiisadaha ka taagan magaalada Kismaayo ay horseedi doonto in Al-shabaab ay markale magaaladu gacanta u gasho.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in haddii uu sii socdo khilaafka ka taagan arrimaha Jubbooyinka ay suurtagal tahay in Al-shabaab ay ka faa’iideystaan, isla markaasna ay dib ula wareegaan magaalada, wuxuuna intaasi ku daray in dhammaan Madaxweynayaasha Kismaayo kaga dhawaaqay inay madax u yihiin gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ay yihiin kuwo aysan waxba kala socon dowladda Soomaaliya.
“Waxa Kismaayo ka dhacay waa wax aysan dowladdu waxba kala socon oo aan dastuurka waafaqsaneyn, ismagacowga Madaxweynayaasha faraha badan waa mid ka mid ah waxyaabihii aan ka dhaxalnay 22-kii sano ee burburka, waxayna sahli kartaa in Al-shabaab ay magaalada dib ula wareegaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey kulan madaxeedkii wadamada urur goboleedka IGAD.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale soo dhaweeyay go’aankii IGAD ee 23-dii bishan May, warbixintii ay soo diyaariyeen Guddigii xaqiiqo raadinta IGAD ee booqashada ku tagay magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ay diyaar u tahay inay xal waara u hesho mushkiladaha gobolada Jubbooyinka, wuxuuna xusay in haddii mar hore loo dhega nuglaan lahaa baaqyada dowladda Soomaaliya aysan xaaladdu gaarteen halka ay maanta taagan tahay oo uu sheegay inay tahay meel qatar ah oo aan waxba laga qabankarin.
 Faroole oo loo diray warqad cajiib ah oo runta loogu sheega “Aqri”
waxaanu kugu salaamaynaa salaanta Islaamka ACWRWB, bacda salaan waxaanu nahay xubno ka tirsan Baarlamaanka Dawladda Puntland ee aad Madaxweynaha u tahay, waxaanu istusnay in aan kuu soo dirno qoraalkan, annagoo ka eegnay dhinacyo badan, una aragnay in ay lagama maarmaan tahay in aan kuu soo gudbino fikirkayaga ku aadan xaaladda maanta taagan ee Puntland.
1. Arrimaha Siyaasadda;
 Puntland maanta waxay maraysaa xaalad siyaasadeed oo murugsan marka laga eego dhinaca arrimaha Guddaha, taas oo aan isleenahay haddaan si deg deg ah wax looga qaban, waxay ku dambaynaysaa meel laga sheekayn doono sanado badan, Mudane Madaxweyne, waxaan wareysanay xubno badan oo xildhibaano ah kana soo laabtay shaqo ay ku tageen gobollada Puntland, waxayna noo sheegeen in dhammaan gobollada Puntland dadka ku nooli ay boqolkiiba 90 ka soo horjeedaan nidaamka Xisbiyada badan ee Xukuumaddu balanqaaday in ay sanadkan gudihiisa ka hirgalinayso dhammaan deegaanada Puntland, iyadoo cabashada dadweynuhu ay la xiriirto watiga kooban iyo suurtogalnimada arrintaaasi ku dhici kaarto, balse ay soo jeedinayaan in ay arrintani u baahan tahay waqti dheer, si loo gaaro doorasho xaqa oo xalaala.
Waxaa ka socda gobollada kala ah Bari, Karkaar iyo Mudug shirar dadweynaha looga dhaadhicinayo in ay ka hortagaan cid kasta oo isku dayda in ay dalkaan ka qabsoomaan Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ee Puntland, loona diyaargaroobo nidaamkii hore ee wax lagu dooran jirey, taas waxaa barbar socda Kormeero jilicsan oo ay Wasiirada Xukuumaddu ku tagayaan gobollada iyagoo aad moodo in ay wadaan wax aan munaasib ku ahayn bulshada, lana dhuumanaya ee aan meelo fagaare ah ummadda kala hadlayn, taas oo keentay in shacabku rumaystaan waxa ay dadka kale wataan, kana maagaan soo jeedinta Wasiirada Xukuumadda Puntland.
Siyaasadda Puntland iyo Dawladda Dhexe ee Soomaaliya, ma aha mid fadhida, waxayna u baahan tahay wadahadal dheeraad ah in laga galo, waayo Puntland waa qayb ka mid ah Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed, waxayna ku bixisay in Qaran Soomaaliyeed la helo MAAL iyo MASKAX baadan, mrna raali kama noon karno in xiriirka Puntland iyo Dawladda Dhexe uu si fudud ku burburo.
2. Arrimaha Dhaqaalaha;
Puntland, waqtigan waxay maraysaa in dadkeedii uu u qaybsamo wax u doolay deegaamo kale, wax beerka dhulka ku haya iyo wax hadal-daayey, waxaan la inkiri karin in Hay’addaha Dawladda, Shaqaalaha Rayidka ah iyo Ciidamada Qalabka sidaaba aysan muddo helin xuquuqdoodii mushahar ee ay lahaayeen, taasina ay keentay gadood ciidan oo foolxun iyo wado-xirasho ka timaada ciidamadii Amniga sugi lahaa, waxaan la dhayalsan karin dhawaaqa shacabka ka baxaya iyo caga-juglaynta iyo hanjabaada lagu hayo Golaha Wakiilada iyo Golaha Xukuumadda ee la xiriirta dhaqaale la-aanta, taas oo keentay in dad muxtarim ah, masuuliyiinna ah loo qabsado kiradii guryaha ay degan yihiin.

Waxaa xawli ku socda xoolaha nool ee ka dhoofaya Dekedda Boosaaso iyo Badeecadaha halkaa ka soo degaya ee aan kala-go’a lahayn, waxaan marna baaqan canshuurta shacabka laga qaado, ee aan haddana waxba loogu qaban, iyagoo la daalaa-dhacaya waxbarashada, caafimaadka iyo sugidda amnigoodaba.
3. Arrimaha Amniga

Puntland, waxay ku caanbaxday muddo 14 sano ah in ay ka jirtey Amni la isku halayn karo, kaas oo ay dad badan oo kasoo hayaamay gobollada kale ee Soomaaliya ay u soo raadsadaan nolol iyo deegaanba, maanta waxay Puntland maraysaa in Ciidamaddii Amniga sugayey ay iyagii horseed ka noqdaan Amni-darrada Puntland ka jirta markii ay waayeen mushaharkoodii, sababna u noqdaan in isbaarooyin badan ay soo noqdaan Min Gaalkacyo ilaa Boosaaso, marka laga reebo gobolka Nugaaal oo kaliya.
Waxaa bilaabatay in askartii lagu laayo suuqyada waaweyn ee magalooyinka, dabdeedna laga furto hubka ay sitaan, iyadoo tii u dambaysay ay ka dhacday Boosaaso 23/05/2013, aan kana cabsi qabno in ay ku fiddo gobollada dalka oo dhan, taas oo ku tusaysa halka ay marayso baahidu.
Mudane Madaxweyne arrimahaas oo dhan waxay nagu riixeen in aan qoraalkan kuu soo qorno, kadib markii ay nagu adkaatay in aan kuu nimaano, maaamul-xumo kaa jirta dadka xiriirka kuu qaabilsan awgeed, waxanan ku soo gabagabaynaynaa talo-bixintayda aan dhaafi weynay.
Talo-bixin;
 Mudane Madaxweyne, waxaanu kugula talinaynaa in Puntland aysan maanta burburin adigoo ah Masuulkii ugu sareeyey ee Dawladda Puntland ee hadda jirta, waxaanu samaynay baarlamaan ahaan in aan fududayno qodobo badan oo Dastuuri ah, anagoo tixgalinaynay xaaladda iyo codsiyada aad noo soo gudbisay, haddana waxaad mooddaa in shacabku ka aamintinimo baxay Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Guddiga Doorashooyinkaba, sababo dhawra oo is-biirsday awgeed, taas oo y ugu weyntahay muddo kordhinta joogtowday ee maraysa saddexda goor, taaas oo aad ku dhaawaaday adigu in Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee Puntland in ay dhacayso; 15/05/2013 iyadoo haddana dib loo dhigay ilaa 30/06/2013, waxaase haddana lama filaan noqotay in mar kale dib loogu riixo 15/07/2013, Waxaaynu kaa codsanaynaa in la qabto Shirweyne guud oo ay ka soo qaybgalaan’
- Isimada Dawladda Puntland.
- Golayaasha Dawladda Puntland.
- Ururada Mucaaradka ah ee Puntland
- Aqoonyahanka reer Puntland.
- Ganacsatada iyo Shirkaddaha reer Puntland

Waayo, dalkaan waynu wada leenahay, taladiisuna wa inaga dhaxaysaa, taas oo lagu gaari karo is-aaminid iyo wax wada qabsi jihaysan oo leh meel loogu soo hagaago, waxaanu u aragnaa arrintaas in ay tahay fursad qaaliya, haddii la dayacana aan dib inoogu soo noqonayn.
Waxaanu rajaynaynaa in aad naga aqbali doonto talo-soo-jeedintayadaas, waxaanuna kuu rajaynaynaa cimri dheer iyo caafimaad.
Baarlamaanka Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed
Qarax fashilmay oo xiriirka Iran iyo Kenya ka dhigay mid sii liidanaya
Tan iyo markii ay maxkamad Keenyaan ah ay ku xukuntay labo Iiraaniyiin ah xabsi daa’in arrimo la xiriira argaggixisanimo awgood bilowgii bishan, ayaa mustaqbalka xiriirka diblumaasiyadeed ee Nairobi ay la leedahay Tehran calaamad su’aal la saaray, iyadoo la filayo in uu dib u dhigo rajada ay Iran ka qabto inay ganacsigeeda iyo joogitaankeeda siyaasadeed ku sii fidiso Kenya sanadaha soo socda.
Dhibaatada diblumaasiyadeed ayaa ka dhalatay weerarro fashilmay oo argaggixisanimo oo sida maxkamaddu ay xukuntay ay soo qorsheeyeenAhmed Mohammed, oo 50 jir ah, iyo Sayed Mansour, oo 51 jir ah, oo labadaba ah muwaaddiniin Iiraaniyiin ah. Labada nin ayaa Juunyadii hore lagu xiray dibadda Laico Regency, oo ah hotel heer sare ah oo ku yaala Nairobi, oo ay Liibiya leedahay, ka dib siddeed maalmood oo daba gal dheer ay ku sameeyeen Unugta Bilayska ee Kahortagga Argaggixisada ee Kenya.
2-badii Maajo, ayaa lagu helay in ay haysteen 15 kiilo oo walxaha sida weyn u qarxa ah ee RDX, taas oo ay bilaysku ka heleen meel lagu cayaaro goolafka. Maxkamadda Nairobi ayaa sheegtay in Mohammed iyo Mansour looga shakiyay xiriir in ay la leeyihiin shabakad argaggixiso oo qaraxyo ka qorshaynaysay Mombasa iyo Nairobi. Labada ninba si joogto ah ayay u dafireen dacwadaha.
Haseyeeshee bilayska Kenya ayaa ku adkaystay go’aankooda ah in ay xiraan ayna soo dacwad joojiyaan labada Iiraaniyiinta ah.
Afhayeenka bilayska Charles Owino ayaa sheegay in bilayska aanay masabidan nimanka, amaba aysan ku xirin tix raac ay ka heleen dowlado ajaanib ah markii xabsiga la gaynayay.
“Bilayska Kenya ayaa baaritaan dheer ku sameeyay labada nin, iyagoo kahor tagay jarriimo argaggixisanimo oo weyn oo ka dhici laheyd dalka,” ayuu yiri Owino. “Waxaan ku faraxsanahay in aan feejigneyn, iyo in aan si guul leh ku maxkamadaynay dacwadan.”

Markii Mohammed iyo Mansour lagu xukumay xabsi daa’in 6-dii Maajo, ayay warbaahinta maxalliga ah iyo tan caalamiga ahba wariyeen in labada Iiraaniyiinta ah ay ka mid ahaayeen Ciidamada sare ee Quds, oo ah unug ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran oo dibadda ka howlgala.
Boorama: Laba waddo oo cusub oo la furay
Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa maanta  xarrigga ka jaray laba waddo oo laami ah oo laga dhisay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, isagoo sidoo kalena dhagax dhigay waddo kale.
Waddooyinka uu wasiirku xarrigga ka jaray waxaa dhismahooda iska kaashaday hay’adda DIA ee Maraykanka iyo dowladda hoose ee magaalada Boorama, halka waddada la dhagax-dhigayna ay dowladda hoose la kaashan doonto shacabka xaafadda Sheekh Cali ee magaalada Borama.
Wasiirka arrimaha guduha oo maalintii saddexaad socdaal ku jooga caasimadda gobolka Awdal ee Boorama ayaa sidoo kale kormeeray dhismayaal cusub oo gacanta lagu hayo, kuwaas oo ay ku jiraan garoonka kubbadda cagta iyo saldhig ciidanka booliska loo dhisayo.
Wasiirka wuxuu warbixino ka dhegeystay ku-xigeenka guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal iyo guddoomiyaha golaha -deegaanka ee degmada Boorama Saleebaan Xassan Xaddi.
Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland Maxamed Nuur Carraale wuxuu kulan la yeeshay madax dhaqameedka gobolka qaarkood, isagoo kala hadlay xoojinta arrimaha nabadgelyada ee gobolka Awdal.
 Ciidamada DF & kuwa Raaskamboni oo ku dagaalamay Kismaayo
Wararka naga soo gaaraya magaaladda Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in maanta ay ka taagantahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa oo u dhaxeysa ciidamada Raaskambooni iyo kuwo taabacsan dowladda Soomaaliya, waxaana la sheegay in mararka qaar magaalada gudaheeda laga maqlayo rasaas teelteel ah oo dhaceysa.
Sida warku sheegayo ciidamada Maamulka Jubbaland ee Raaskambooniyiinta iyo kuwa taabacsan dowladda Soomaaliya ayaa waxaa maanta dhexmaray isku dhac, waxaana la sheegay inay dhufeyso waa weyn ka sameysteen gudaha magaalada taas oo dadka deegaanka cabsi xoogan ku abuurtay, isla markaasna ku dhalisay inay barakac bilaabaan.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in xiisadda ka taagan Kismaayo ay timid ka dib markii Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Gen. C/risaaq Khaliif Cilmi {Indha qarshe} loo diiday inuu galo magaalada, halka wafdigii Xildhibaanada ahaa ee magaalada ku sugnaaba iyana loo diiday inay ka tagaan magaalada, isla markaasna loo sheegay inaan ammaankooda la sugi-karin, sidoo kalena aysan ka bixi Karin gudaha Kismayo.
wararka qaar ee ka imaanaya Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in ammaanka Xildhibaanada ee ku sugan Hotel ku yaala Kismaayo ay la wareegeen ciidamada dowladda, iyadoo ciidamadan la sheegay inay ka careysanyihiin sababta Abaanduulaha ciidamada loogu diiday in magaalada uu galo, waxayna dhufeysyo ka sameysteen ciidamada taabacsan dowladda Soomaaliya meelo ku dhow xarimaha ciidamada ururka Raaskambooni ay ku leeyihiin gudaha magaalada Kismaayo, taas oo keentay inay dhexmartay israsaaseyn aan muddo badan socon.
Si kasta oo ay ahaataba magaalada Kismaayo oo uu ka jiro muran ku saabsan dhanka maamulka oo ay isku heystaan hadda Madaxweynayaal dhowr ah ayaa haddana waxaa soo shaacbaxday gacan ka hadalkan aan buurneyn ee dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ururka Raaskambooni, wuxuuna dagaalkan uu ku soo aadayaa iyadoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay inaysan wax ciidan ah ka joogin gudaha magaalada Kismaayo, ciidamada joogaana ay yihiin kuwo qaab qabiil u abaabulan.

Masuuliyiinta Ururka Ahlusuna ee Gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay heshiiskii Dowladda Soomaaliya dhawaan ay kuwada gaareen Gobalka Gedo.
Afhayeenka Ururka Ahlusuna ee Gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq “Al Qaadi” ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay dhaqangelinta heshiiskii Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusuna ee Gobalada Koonfureed ay kuwada saxiixdeen Degmada Garbahaareey ee Gobalka Gedo.
Wuxuu sheegay inaysan garaneyn sababta ka dambeysa dhaqangelin la’aanta arinta la xiriirta heshiiskii Dowladda ay wada gaareen balse wuxuu dusha uga tuuray Dowladda Soomaaliya inay ka gaabisay arintaasi.
Afhayeenka ayaa sheegay inuu xiriir la sameeyay madaxda Dowladda Soomaaliya balse ay ugu jawaabeen in la dhaqangelinayo heshiiskaasi balse ilaa iyo iminka wax dhaqangalay uusan arkin.
Heshiiskii ay wada gaareen Dowladda iyo Ahlusuna ayaa dhanka Dowladda waxaa usaxiixay Wasiirka difaaca dalka Soomaaliya halka Ahlusuna dhankeedana uu saxiixay Afhayeenka Ururkaasi.
Waxgarad iyo Siyaasiyiin taageeray War murtiyeedkii IGAD
Siyaasiyiin odayaal dhaqameedyo iyo waxgarad ka soo Jeeda Gobollada Jubbooyinka ayaa Maanta ku kulmay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose waxaana si buuxda ay u taageereen War murtiyeedkii ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD kaasi oo dhigayay in dowladda Soomaaliya ay shir weyne Muqdisho ugu qabato Beelaha dega Gobollada Jubbooyinka.
 Nabadoon Max’ed Ismaaciil oo ka mid ah waxgaradka ka soo Jeeda Gobollada Jubbooyinka ayaa Shabelle u sheegay in ay taageerayaan War Murtiyeedkii ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD ee ku aadan arrinta Jubbooyinka.
 Nabadoonka ayaa sheegay in beelaha dega Jubbooyinka ay u baahanyihiin in loo fidiyo gogol Nabadeed markaasi kadibna loo sameeyo Maamul ay u dhanyihiin.
 Sikastaba Kulan Madaxeedkii IGAD ayaa waxaa go’aanadii ka soo baxay ka mid ahaa in dowladda shir Maamul loogu dhisayo Jubbooyinka qabato.


Ciidanka AMISOM oo howlgal ka sameeyay degmada Madiina
Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika (AMISOM) oo kaashanaya ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa xalay waxay howlgal dhinaca ammaanka ah ka sameeyeen degmada Madiina ee ka tirsan gobolka Banaadir.
Muddadii uu howlgalka socday, ciidanka ayaa isku gadaamay xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Madiina.
Howlgalka waxaa lagu qabqabtay dhallinyaro badan oo ku nool degmada, kuwaas oo lagu sameeyay baaritaan lagu ogaanayo inay xiriir la leeyihiin kooxda al-Shabaab.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa in dhowaaleba labo jibbaaray howlgallada lagu adkeynayo ammaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kaddib markii ay kordheen falalka ka dhanka ah ammaan darrada ee inta badan ay gaysato kooxda al-Shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidanka AMISOM.



3 comments:

Anonymous said...

Augment your creativity with the straightforward guides that confidential details comes with.


My webpage: prywatny detektyw

Anonymous said...

Could be also quite feasible to find them mainly because free online audio
tracks. Streaming from in head of the microphone stand to behind the producer's desk would be a smooth transition.

Stop by my webpage :: pobierowo

Anonymous said...

In my opinion, they are both well-built and productive when utilized adequately.


my homepage: pobierowo

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...