Monday 20 May 2013

Somalia = Wararkii Maanta


Madaxweynaha Somaliya  oo markii ugu horeysay aadaya qaarada Aasiya iyo dalka uu tegayo oo la shaaciyay.

 Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa waxa ay  shaacisay in madaxweynaha Soomaaliya uu dhawaan tegi doono dalka Jabaan ee qaarada Aasiya kadib casuumaad uu ka helay xukuumada Tokiyo.

 Marwo Fooziyo Yuusuf Xaaji, Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya, oo ka timid maanta dalka dibadiisa ayaa waxa ay sheegtay in ay ku maqshquulsaneyd waayahaan qaabkii ay u salixi laheyd safarro ay dhawaan isu diyaarinayaan oo uu kamid yahay safarka Madaxweynuhu oo Jabaan ku aadayo.

 Ma sheegin wasiirku xilliga rasmiga ah ee Madaxweynhunu uu Jabaan tegayo iyo xilliga uu ku maqnaan doono hasa yeeshee waxa ay daaha ka rogtay in uu socdaalkaasi jiro.

 Waa markii ugu horeysay ee madaxwenaha Soomaaliya uu safar ugu anba baxayo qaarada Aasiya kadib markii uu ku guuleestaty kursiga quwada badan ee ah derejada ugu sareysa dalka.

 Dalka Jabaan ayaa waxa uu kamid yahay qolyahaa safka hore uga jira dhaqaalaha dunida waxaana socdalka madaxweynaha la filayaa in uu Soomaaliya u noqdo fursad cajiib ah.

 Dowladda federalka ah ee Soomaaliya oo sheegtay inay maamulka Somaliland kala hadlayso tallabadii ay ku mamnuucday duullimaadyadii Qaramada Midoobay ee garoomada Berbera iyo Hargaysa.

Wasiirka warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka ee xukuumadda federaal-ka, Cabdullaahi Ciil-mooge Xirsi ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka xuntahay xayiraada uu maamulka Somaliland ku soo rogay duullimaadyada Qaramada Midoobay, wuxuuna Qaramada Midoobay ka raalli-galiyay tallaabadaas.

Wuxuu sheegay in xayiraadda maamulka Somaliland ee duullimaadyada Qaramada Midoobay ay ka hor-imaaneyso xeerka duullimaadyada caalamka iyo howlaha samafalka.

Ciil-mooge waxa uu sheegay in dowladda ay iftiimineyso qiimaha iyo ahmiyadda howlaha bini’aadannimada ee Qaramada Midoobay, isagoo xusay in maamulka hawada Soomaaliya aanu siyaasad la xiriirin, dowladduna ay diyaar u tahay inay wada-hadal kala gasho Somaliland, iyadoo la ilaalinayo jiritaanka qarannimada Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka Carabta oo Muqdisho ka dhoofay

Guddoomiyaha baarlamaanka Jaamacadda Carabta Axmed Maxamed Jarwaan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii dhowaa booqasho ku joogay Muqdisho ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle.

Guddoomiyaha oo wariyeyaasha kula hadlay garoonka diyaaradaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulamada uu la yeeshay mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo hay’adaheeda kala duwan, waxaanu ku ammaanay dedaallada ay ku dooneyso inay dalka uga saarto dhibaatada daashatay dalka iyo dadka.

Wafdiga oo la sheegay inay u kuur-galayeen waxyaabaha ay ka caawin karaan baarlamaanka Soomaaliya iyo guddiyada uu ka kooban yahay ayaa waxaa sagootiyay mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Wafdigii IGAD oo Kismaayo kula kulmay guddigii ka socday DFS

Wafdigii ka socday urur-goboleedka IGAD ee maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa maanta huteel Cas-caseey ee magaalada Kismaayo kula kulmay guddigii xaqiiqo-raadinta ee dowladda Soomaaliya ay u dirtay magaalada.

Waxay kaloo la kulmeen Kornayl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo sheegtay inuu yahay madaxweynaha Jubbaland.

Wafdiga IGAD ayaa la sheegay inuu uga warbixiyay guddiga xaqiiqo raadinta ah ee dowladda ay u dirtay Kismaayo kulamada ay la qaateen maamulka cusub ee Jubbaland, qeybaha bulshada iyo saxiixayaasha hannaanka Jubbaland.

Afhayeenkii maamulkii ku-meel-gaarka ahaa ee magaalada Kismaayo Cabdinaasir Seeraar ayaa sheegay in maamulka cusub ee Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay ka codsadeen guddiga urur-goboleedka IGAD in la tixgeliyo hoggaanka cusub ee ay doorteen iyo rabitaanka shacabka.

Wafdiga IGAD ayaa sidoo kale la kulmay Kornayl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), balse lama oga waxyaabaha ay kulankooda uga wada hadleen.

Nin argagaxisannimo looga shakiyay iyo xaaskiisa oo lagu dilay Nairobi

Nin loo maleynayo in uu ka tirsanaa kooxaha argagaxisada ah iyo xaaskiisa ayaa aroortii saaka lagu dilay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, bambana waa laga helay gurigiisa.

Lix boolis ah ayaa ku dhaawacmay howlgal qaatay siddeed saacadood oo boolisku ay doonayeen inay ku xiraan ninka.

Boolisku waxay sheegeen in ninku uu qorsheynayay in uu weerar argagaxiso ah ka geysto magaalada Nairobi.

Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu iska caabbiyay booliska, wuxuuna bambooyin ku tuuray booliska isagoo dhaawacay lix askari, kuwaas oo la dhigay isbitaalka, xaaladdooda caafimaadna ay wanaagsan tahay.

Tiro Madaafiic ah oo Xalay Laga Maqlay Gudaha Magaalada Muqdisho

Abaare 12 kii Habeenimo ee Xalay  ayaa Magaalada Muqdisho Lama maqlay tiro Madaafiic ah ku waasoo la doonaye in lagu bartilaameed sado Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

 Madaafiicdaan ayaa la sheegayaa in la doonaye in lagu garaaco Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya hasa ahaatee waxa ay intooda badan ku dhaceen halka loo yaqaan Beerta Nabada oo ah Meel banana oo cidna Daganeen.

Warka ayaa intaa ku daraya in Madaafiicdaan ay in toodabada ku dhaceen Nawaaxiga Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Dagmada Warta Nabada.

 Magaalada Muqdisho ayaa Mudooyinkii Dambe ka nasatay weerarada Madaafiicda ee lala beegsanayo Xarumaha Dowlada

C/raxmaan Xoosh Jabriil” Dhismaha Jubboland lama Marsiin Dastuurka uu Dalku leeyahay”

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil Wasiirkii hore ee Dastuurka Dowladii KMG aheyd oo kamid ah xubnaha Guddiga ayaa sheegay in dhismaha Jubbaland uusan sharciga dalka waafaqsaneyn.

 Xildhibaan Xoosh ayaa intaa raaciye in Dastuurka dalka u yaalo aan la marsiin dhismaha maamulkaasi sidaasi awgeedna Jubbaland uu yahay Maamul ku dhisan.

 “Dastuurka loo sameeyay Maamulka Jubbaland ayaa waxaa  loo baahan yahay  in ay ka dhex muuqadaan dhamaan beelaha  daga Gobalada Jubbooyinka” ayuu yiri C/raxmaan Xoosh Jabriil

Wasiirkii hore ee Dastuurka ay Carbka ku adkeye  in wali jirto khatarta kooxda Al-shabaab isla markaana ay ilaawen kooxda Sheegatay Maamulka Jubboland dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo qeybo badan oo kamid ah Jubbooyinka ay wali ku xooganyihiin.

 Dowlada Dhexe ee Soomaaliya ayaa dhoor jeer ooh ore ku cecelisay in aysan Aqoonsaneen Maamulka looga dhawaaqay Jubboland oo ay is ku heestaan in kabadan 4 madaxweyne oo mid walbaa kamida ku doodayo in uu yahay Madaxweynaha saxda ah ee Jubboland

 

 

Wasiirka Difaaca Xukumadda Soomaaliya oo  kadagay Magaalada Khartuum ee Dalka Sudan

Waxaa Goor dhaw  oo caawa fiidkii ah  Magaalada Khartuum ee Xarunta Dalka Suudan Gaaray Wasiirka Difaaca Xukumdda Soomaaliya  C/xakiin Xaaji Maxamuud  Fiqi iyo wafdi uu hogaaminayo.

 Wasiirka iyi wafdigiisa waxaa  Garoonka Diyaaradaha  ee Magaaladda Khartuum ku soo dhaweeyay Safiirka  Soomaalida ee Dalka Sudan Maxamed C/laahi Faarax Ugaas, waxaana loo loo galbiyay Halkii ay dagi lahaayeen oo ay udiyaarisay Safaarada.

Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi  Wasiirka Gaashaandhiga ayaa Dalka Suudan waxa uu utagay Casuumaad rasmi ah ka helay Dhigiisa wadanka sudan’waxaana  la filayaa inay ka wada hadlaan Xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya labada wadan gaar ahaan arriimaha Milatari.

 Dowlada Suudaan oo safka hore kaga jirta Dowladaha sida weyn ugarbgalay Dadka Soomaaliyeed ayaa haatan waxa ay dadaal Xoogan ugu jirtaa sidii dalka Soomaaliya uu dib mar kale cagihiisa isagu taagi lahaa’ waxaana lafilyaa in haatan dowladu ka caawin doonto dhanka Ciidamada hadii ay ahaan laheyd Tababarida iyo Qalabeenta.

Magacyada Shaqsiyaadka lagu Sheegay Qas-wadayaasha ee waday Mooshinkii Dhicisoobay ee Xukuumada ka dhanka aha oo La Soo Saaray

Xili Maalmihii ugu dambeysay ay tiro Xildhibaano ah wadeen mooshin ay doonayaan ay khal khalgeliyaan horumarka ay ku talaabsatay Xukuumada Raysal Wasaare Saacid ka gaartay dhanka siyaasada, arrimaha dibadda, cadaalada iyo garsoorka, fidinta siyaasada dawladda ee gobolada dalka iyo xoojinta midnimada Soomaaliyeed, ayaa waxaa la ogaaday in shaqsiyaadka ka dambeeyo fowdadaasi.

 Marka la eego shaqsiyaadka hor boodaya mooshinkan dhicisoobay ayaa dhamaantood waxa ay yihiin xildhibaano lagu xusay dhamaan warbixinadii Q/midoobay, gaar ahaana UN Somalia Monitoring Group iyo urururo kale oo caalami ah sida International Crisis Group ICG taasoo ku tilmaantay inay yihiin Qas-wadayaal (Spoilers). Lana xanibi doono dhaq dhaqaaqooda iyo weliba hantidooda.

 

Kooxahan ayaa waxaa hor boodaya xubno horay uga tirsanaan jiray dawladdihii KMG ahaa, kuwaasi oo ku caanbaxay Musuq maamusuqa dhaqaale iyo mid siyaasadeed, hurinta colaadaha sokeeye iyo khal khalgelinta Nidaam kasta oo ka hirgala Soomaaliya.

 Kooxahan ayaa dabagal la sameeyey waxaa lagu ogaaday inuu horboodayo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo kal kaalisadiisa Fawsiya Maxamed Sheekh, kuwaas oo boorka isku qarinaya isla markaana ku beer laxawsanaya xildhibaanada beesha Dilgil iyo Mirifle xaqiina ayaa maqan, waana inaad kacdoon sameysaan.

 Shariif Xasan oo dadka badankiis u yaqaanaan (Shariif Sakiin) ayaa ku caanbaxay Musuq maasuqa hantida shacabka, waxaana Q/midoobay ay ku eedeysay inuu lunsaday Malaayiin Dollarka Mareykanka ah oo gargaar ahaan loo siiyay dawladda Soomaaliyeed, intii uu hayay xilka Wasiirka Maaliyadda ee dawladdii Cumar C/rashiid, iyo intii uu ahaa Guddoomiyaha Baarlaamanka waana ruuxa kali ah ee magaciisu safka hore kaga yaalo warbixin kasta oo laga qoro musuqmaasuqa sidoo kalana waxaa lugu tilmaamaa inuu yahay Siyaasi aan waligiis laga maqal lagana dareemin dhibaatada amni xumo ee soo ragaadisay dalkeena.

 Kalkaaliso Xildhibaanad Fawsiya, waxay caan ku tahay daba orodka Shariif Sakiin, waana gacan yaraha Shariif Sakiin, waxayna warbixintii Q/midoobay ku eedeysay inay ka shaqeyso falalka is xambaarka ah iyo tahriibinta (Human Trafficking) dumar iyo dhalin yaro badan oo Soomaaliyeed, kuwaasoo ay ka iibsato Viisooyin ay ku soo qaado qaab safaro siyaasadeed, caafimaad iyo waxbarasho, waana Qaswadayaasha magacyadooda sida weyn loogu xusay warbixintii UN Somalia Monitoring Group iminkana ku howlan mooshinka dhicisoobay ee lagu doonayo in lagu damiyo iftiinka iyo rajada shacabka ee Xukuumada Raysal wasaare Saacid.

 Dadka kale, ee la ogaaday inay ku lugleeyihiin mooshinka dhicisoobay ee ka dhanka ah Xukuumada Raysal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdirasaaq Xasan Cusmaan (Jurille), kaasoo aan u baahneyn falanqeyn dheeraad ah, maadaama ay Soomaalidu wada garaneyso uuna caan ku yahay wax isdabo marinta siyaasada labo wajiilenimada iyo hurinta colaadaha, horayna u boobay hanti fara badan oo dalku lahaa, gaar ahaana lacagtii mashruucii caanka ahaa ee FAO, kaasoo loogu talagalay horumarinta adeega bulshada Soomaaliya iyo ku shubistii suntan ee lugu aasay badda Soomaaliya.

 

Jurille ayaa sidoo kale, ku caanbaxay duminta dawladdaha iyo laaluush qaatenimada, waxaana lagu xasuustaa kaalintii uu ku lahaa maja xaabintii dawladdii marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed, wuxuuna aad ugu dadaalaa in dalka aysan dawlad ka dhalan, maadaama uu ka cabsanayo in maxkamad lagu soo taago boobkii hantida Qaranka.

Ninka ugu dambeeya, waa Xasan Abshir Faarax oo mar Raysal wasaare ka soo noqday dawladdii Carte ee uu madaxweynaha ka ahaa Dr. C/qaasim Salaad Xassan , ninkani wuxuu caan ku yahay siyaasada nooca munaafaqeynta iyo labo wajiilanimada ku dhisan iska hor keenka qabaa’ilada Soomaaliyeed iyo hurinta colaadaha sokeeye, waxaana lagu xasuustaa kaalintii uu ku lahaa hurinta dagaalkii weynaa ee magaalada Muqdisho ka qarxay 1992-dii, kaasoo loogu magac daray dagaalkii Afar biloodlaha, waxaana dagaaladaasi ku naf waayay kumanaan dad rayid ah.

 Ninkani, isagu wuxuu aad u jecelyahay inuu ka hor yimaado xukuumad kasta oo dalka ka dhalata, waana nin uu madax maray hanka Kursi doonimada ah, isaga oo ku doonaya si kasta oo uu ku heli karo kursiga Raysal wasaaraha, waana sababta uu ku diidan yahay Xukuumada Raysal wasaare Saacid.

 Xasan Abshir waayihii ugu dambeeyey wuxuu aad ugu howlanaa siyaasada qariban ee Jubbooyinka, wuxuuna qeyb ka ahaa kala fogeynta dawladda iyo horjoogayaasha Jubbooyinka, iyadoo aaqirkii dhashay maamulo is barbar yaac ah oo sii fogeeyey rajada ummadda Soomaaliyeed

Dibad Bax Balaaran oo looga Soo Horjeeda Axmed Madoobe oo ka Dhacay Magaalada Kismaayo

Warar aanu ka helnay Magaalada Kismaayo ayaa Sheegaya in haatan uu halkaasi ka socdo Dibad bax balaaran oo looga soo horjeedo Doorashada Axmed Madoobe ee Madaxweynanimada J/land.

 Wararka ayaa intaa ku daray in Dadka Magaalada Kismaayo  oo si aad ah uaga soo horjeeda Shwwgashada Axmed Madoobe uu ku sheegaty Madxweynanimada Jubbolan ay isagu soo baxeen Magaalada Hudaheda iyagoo ku qeylinaya Erayo ka dhan ah Axmed Madoobe.

 

Mid kamid ah Dibad baxayaasha oo warbaahinta u hadlaye  ayaa sheegay in banaanbaxa uu yahay mid shacabka ay ku muujinayaan dareenkooda ku aadan doorashada Axmed Madoobe iyo sida ay uga soo horjeedaan.

Wuxuu sheegay in Ardayda iyo Dhamaan haweenka Magaalada intooda badan ay isugu soo baxeen Magaalada Kismaayo ayna dhigayeen banaanbaxa ka dhanka ah Axmed Madoobe doorashadiisa.

 Dadka Reer Kismaayo ayaa haatan waxa ay ku wareersanyihiin Cida Maamuli laheed Gobalada Jubbooyinka’ iyadoona la’ogayahay in halkasi ka jiraan ilaa 4 madaxweyne oo mid walbaa ku doodayo in uu yahay Madaxweynaha Saxda ah ee Jubboland.

Al Shabaab oo 2 garab noqon doonta iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys & Axmed Godane oo weli isku dhegan (Xog-Dheeraat ah) !!

 Waxaa durbadiiba soo shaac baxay oo qabiirada siyaasada Soomaaliya ku taqsuusay Qalinka u qaateen in maalmaha ama bilaha soo socda xarakada Al Shabaab ay yeelan doonto 2 hogaamiye iyo labo garab oo kala taageersan Sheekh Xasan Daahir Aweys & Axmed Godane oo gudaha Al Shabaab looga yaqaan Sheekh Mukhtar Abu Zubeyr.

 Arinta ugu yaabka badan ayaa noqotay ragii ugu sareeyay xarakada Al Shabaab ee sida weeyn ugu dhawaa Amiirka Al Shabaab oo la saftay Sheekh Xasan Daahir Aweys kuwaas oo aanu ka xusi karno Ibraahim Afgaan, Fu'aad Shongole iyo Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur.

 Labada garab ee Xarakada Al Shabaab oo qilaafkooda qarsan waayay ayaa maalmahaan dambe waxa ay hawada isku marinayeen hadalo lidi isku ah kuwaas oo isku eedeenaya in midba midka kale uu ka leexday awaamiirtii iyo sharciyadii u degsanaa ururkaas.

 Saxaafada sida weeyn u taageerta Xarakada Al Sbabaab ee inta badan ku hadasha ama soo bandhigta Qaraxyada ay geestaan Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa waxa ay gebi ahaanba la safteen garabka Amiirka guud ee Xarakada Al-shabaab Shiikh Mukhtaar C/raxmaan abuu Zubeyr kuwaas oo garabka Sheekh Xasan Daahir Aweys ku tilmaamay rag fitno la soo doontay Mujaahidiinta weliba doonaya burburka ururkaas.

 Ibraahim Afgaan, Fu'aad Shongole , Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur iyo Xasan Daahir Aweys hadii ay ka dhabeeyaan mucaaradnimada ay kaga soo hor jeedaan Axmed Godane waxaa xaqiiqo noqon doonta in ururka Al shabaab uu sidaas ku bur buri doono waliba uu noqon doono labo garab oo aanan shuqul isku leheen balse dawlada mucaarad ku ah.

 Shaqsiga kaliyah ee sida weeyn ula saftay garabka Amiirka guud ee Xarakada Al-shabaab Shiikh Mukhtaar C/raxmaan abuu Zubeyr ayaa waxaa lagu sheegay Sheekh Xasan Maxamuud Takar oo ka soo jeeda deegaanada maamul-goboleedka Puntland

Wasiirada Arimaha Dibada Soomaaliya oo Maanta Dalaka Dib ugu soo laabatay Kana warbixisay Safarkeeda

R/kuxigeenka kowaad ahna Wasiirka arrimaha dibadda Dowlada Soomaaliya Fowziyo Yuusu Xaaji iyo wafdi ay hugaamineyso ayaa maanta dalka Dib ugu soo laabatay iaydoona ka warbixisay saradii ay ku soo martay qaar ka mid ah wadamada caalamka.

 Wasiiradda ayaa  Saxaafada kula hadashay Gudaha Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho kadib markii ay Barqanimadii Maanta ay dib ugu soo laabatay dalka ayaa sheegtay in shirkii 7 may ka dhacay Magaalada

 London ee Carriga Ingiriiska in uu ahaa mid Guul iyo Is Afgarad ku soo idlaaday.

Wasiirka arrimaha dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa tilmaamtay in ay soo martay dalka Kenya oo dhowr Casho howlo shaqo u soo Joogtay halkaasi sidoo kalana ay Guul ugu soo dhamaadeen howlahaasi shaqo.

 Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan Wasiirka arrimaha dibadda ayaa Rajo ka muujisay in sidoo kale Guul ay ku idlaan doonto qorshaha Wasaaradeeda ee lixda bilood ee soo socota.

 Maalmihii ugu dambeeye Wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal Xoogan ugu Jirto soo celinta Xiriirka Caalamka iyo dar dar Gelinta Howlaha Wasaaradda Hor yaalla.

Shaqaale Samafal oo Ajaanib ah oo lagu Afduubay Gobalka Waqooyi Bari ee Kenya

 

Warka aynu ka heleyno Gobalka W/bari ee Kenya ayaa Sheegay in Halkaasi dhawaan lagu Afduubay Shaqaalo u shaqeeya Hey’adaha Samafalka ee halkaasi ka hool gala.

 Sida laga soo xigtay goobjoogayaal ku sugan halka uu afduubku ka dhacay ayaa sheegay in shaqaale  ajanabi ah ayaa lagu afduubay gobolka W/bari ee Kenya.

 Shaqaalaha la afduubay oo tiradooda ay gaarayso afar ayaa u kala dhashay dalalka Canadda, filibiin, iyo bakistan.

Wararka waxa ay sheegayaan in xiliga la afduubayay ay ka baxeen magaalada gaarisa islamarkaana ay kusii jeedeen Xarada Qaxootiga Dhadhaab.

 Macadda cida afduubtay iyo halka lala aaday shaqaalahaani samafalka, iyadoo uusan jirin wax war ah oo kasoo baxay Kenya.

 Gobalka Waqooyi bari oo ay ku yaalaan Xeryaha Qaxootiga ugu weyn caalamka ayaa dhoor jeer oo hore laga soo Afduubay shaqaale Ajaanib ah oo shaqeynaye Hey’adaha gar gaarka.

Faah Faahin Dheeraad ah oo ku Saabsan Dagaalkii Gacan ka Hadal ahaa ee Xafladii 18ka May Somiland (Daawo Muuqaal+Warbixin)

 Xafladii xuska 18ka May ee Somaliland ee ka Dhacday dalka Holland ayaa waxay ku soo dhamaatay dagaal iyo gacan ka hadal la isku mindiyeey iyadoona ay booliisku xabsiga dhigeen ilaa iyo 4 qofood oo Soomaali.

 Xafladaan oo lagu qabtey magaalada Den Haag (The Hague) ayaa waxaa la sheegay inay mindi isla dhaceen laba ka mid ah dadkii ka soo qeybgalay xafladaas, Booliiska iyo aambalasta oo ay gaartey in goobtaas la isku dhaawacay ayaa waxay dibada hoolkii xaflada kula kulmeen nin Soomaali lagu sheegay 22 sano jir oo uu ka muuqada dhaawac oo dhiig baxaaya, iyadoona sidoo kale ay kijinka ama jikada goobtaas xaflada lagu dhigaayey ay ugu tageen nin kale oo Soomaali ah 17 sano jir ah oo asagan dhaawac ah iyadona Soomaaligii 17 sano jirka ahaa goobtaas ay ku daaweeyeen shaqaalihii ambalasta halka kii 22 sano jirka ahaana dhaawiciisii loo qaaday isbitaalka magaalada, Intaas ka dib oo ay Soomaali badan soo buux dhaafiyeen banaanka goobtii xaflada lagu qabanaanyey ayay booliiska oo tiro badan ku yimid goobtaas waxay ka codsadeen inay goobta faarujiyaan oo ay guryahooda aadaan, Laakiin arintaas ayey Soomaalidii ka dhega adeygeen, iyadoona mid ka mid ah Soomaalidaas oo da'adiisa lagu sheegay 38 sano jir uu gitaar la dhacay nin ka mid ah booliiska taas oo ay islamarkiiba ay booliisku isku jabiyeen oo ayna qabteen ninkaas, Laakiin Soomaalidii ayaa waxay bilaabeen inay dhagaxyeeyaan booliiskii iyadoona uu mid ka mid Booliisku uu halkaas ka soo gaaray dhaawac fudud arintaasna ay booliisku u qabteen nin Soomaali oo 26 sano jir ah oo ka mid ahaa ragii dhagaxda la dhacay booliiska.

Ugu danbeyntiina iyadoo ay booliisku xabsiga dhigeen ilaa 4 qofood oo Soomaali ah ayaa Soomaalida ku nool dalka Holland ay ku caan baxeen waligood kuwo qarbuudaad iyo fowdo u imaada xafladaha iyo bandhig faneedyada lagu soo bandhigo dalka Holland iyadoona ay arintaan ka mid tahay waxyaabo badan oo ka mid ah fowdo iyo rabshado caadi ahaan uga dhaco goobaha ay Soomaalidu isugu timaado ee lagu qabto xafladaha iyo bandhig faneedka, Booliiska labada nin ah ee ay soo gaareen dhaawacyada ayaa waxay ashtako ku saabsan in loo geystay jirdil waxay ka gudbiyeen Soomaalidii loo qabtey arintaas, Soomaali badan oo u timid inay soo qaataan habeen farxad iyo caweysin wanaagsan leh ayaa guryahooda ku noqday ayaga oo niyad jabsan taas oo ah wax inta badan caadi ka ah xafladaha iyo bandhig faneedyada ka dhaca dalka Holland iyadoona ay tahay wax lala yaabo inay qabanqaabiyayaasha xafladaha aysan xil iska saarin ka hor tagideeda dhibaatadaas soo noqnoqata mar kasta ee ka jirto xafladaha lagu qabto dalkaas Holland.

 Tuulo ku taalla Jowhar oo dab la qabadsiiyay

Jowhar (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xaley dab la qabad siiyay tuulo ku taalla duleedka magaalada Jowhar.

Dadka deeganka ayaa sheegaya in tuulada inta badan ay gubtay, waxaana lagu magacaabaa tuuladan Mayuungale waxaana ay ku taalla duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabellaha Dhexe.

Wararkii u dambeeyay ee saaka naga soo gaaray tuuladan waxa ay sheegayaan in sidoo kale hal qof  uu ku dhaawacmay deegankan oo ay ku dagaalameen kooxo beeraleey iyo xoolo dhaqato isugu jirta.

 

Waxaa lagu sheegay sababta loogubay tuuladan in la xiriirto aanooyin qabiil sida ay lee yihiin dadka degan, waxaa kaloo la sheegayaa in dadkii ku dhaqnaa tuulada dabka la qabadsiiyay in ay halkaas ka gureen.

Xaaladda tuulada Mayuungale ayaa saaka oo Isniin ah deggan, waxaana la sheegayaa in halkaas ay gareen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda kuwaasoo ka amababaxay magaalada Jowhar.

Dhacdooyinka noocan oo kale ma ahan kuwa ku cusub gayiga Soomaalida, oo waayo waxaa inta badan la arkaa kooxo xoolo dhaqato ama beeraleey ah oo isku heesta dhul daaqsiin taasoo marka dambe isku badasha  in ay dad ay kala dilaan.

 

Warbixin: 3-da qeyb oo ay ka kooban yihiin xildhibaanada wada mooshinka Saacid iyo gacanta ka dambeysa

Xildhibaano isku Aragti ka ah Xukuumada ayaa diyaariyay Mooshin ka dhan ah xukuumada Raysal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ka dibna waxay u gudbiyeen gudoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Sadax qaybood oo ka tirsan baarlamaanka oo qayb kasta ay leedahay dan gaar ah ayaa ku mideysan mooshinkaan, waxaana sadaxdaasi qaybood ay kala yihiin.

Xildhibaano Aragti ahaan Xukuumada ay isku fahmi waayeen maamul u Samaynta gobalada Jubooyinka oo uu ugu horeeyo xildhibaan C/rashiid Xidig sidoo kalana ay qayb ka yihiin xildhibaano kale oo ka soo jeeda gobalada Jubooyinka.

Xildhibaano ka soo horjeeda kaalinta dowlada ay siisay wadahadalada Maamulka Soomaaliland oo ku abtirsada Maamulka Khaatumo oo uu horkacayo xildhibaan Cali Khaliif Galay.

Iyo Xildhibaano kale oo ka soo horjeestay isbadal dowlada ay ku samaysay Jagooyinka qaar, isla markaana sheegay in la hareer maray dhidaamka 4.5 oo Soomaalidu ay wax ku qaybsato.

Sikastaba sadaxdaan qaybood oo ka tirsan Baarlamaanka oo qaybkasta ay leedahay hadaf gaar ah ayaa mar qura waxay isku aragti ka noqdeen in ay mucaaradaan xukuumada Raysal wasaare Shirdoon.

Inkastoo ay jiraan arimahaan oo dhan ayaa hadana qaar ka mid ah dadka siyaasada falanqeeya waxay aaminsanyihiin inay jirto gacan kale oo howshaan wax kawada oo ah Puntland iyo rag leh damac siyaasadeed iyo waliba dad doonaya in la cuuryaamiyo qada socota.

Wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya oo sheegtay in lasoo xareyn doono safiirada dalkeena u fadhiya caalamka.

Kuxigeenka ra’isulwasaaraha ahna wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Fowsio Yuusuf Xaaji Aadan oo lahadashay warbaahinta qaranka ayaa sheegtay in Dhawaan loo yeeri doona safaardaha ay Soomaaliya ku leedahay aduunka kadib Markii dhawaan dib u habeyn lagu sameeyay shaqaalihii hoose ee wasaarada uga Howlgalijiray safaaradaha dibada kuwaasoo gudaha wadanka lagu soo xareeyay Waxaana ay tilmaamtay in taasi ay qeyb ka tahay horumarinta diblomaasiyada iyo Sidii safaaradaha loo geyn lahaa mas’uuliyiin matelikarta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

 Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in lasii kordhin doono calaaqaadka ay Soomaaliya laleedahay aduunka iyadoo xustay inay ku guuleysteen inuusan Banaanan kursi aan caalamka ku leenahay taasi oo sababi karta inay dib u Bilowdaan ka faa’iideysiga qeyraadka uu wadankeenu leeyahay maadama lagu Guuleystay in dib loofuro irid walba oo horay u xirantay intii lagu guda jiray xiliga Kmgka.

 Sidoo kale wasiir Fowsiyo ayaa sheegtay in wasaaradu ay dadaal ugu jirto sidii Xabsiyada looga sii deynlahaa maxaabiista Soomaalida ah ee ku xirxiran xabsiyada Dalalka aduunka qaarkood iyadoo xustay in dalal badan ay kala hadleen arintaasi Islamarkaana la filayo inay sida ugu dhaqsiyaha badan u helaan xoriyadooda.

 Wasiirka ayaa dhinaca kale u sheegay dadka Soomaalida ah inay ka joogaan Tahriibka iyo safarada dhaadheer ee ay kubixiyaan lacagaha badan maadamaa uu Wadankoodu hagaagay islamarkaana amnigiisu yahay xiligan mid la isku Haleynkaro ayna ka faa’iideystaan mashaariicda kala duwan ee wadanka laga Hirgeliyay.

Dokumentiyo aan helnay ayaa sheegaya in Mooshin ka dhan ah xukuumadda ra’iisul Wasaare saacid laga soo abaabulay Kenya.

Diblomaasi ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay jiraan kulamo ka dhacay magaaladaasi oo ay yeesheen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo lagu soo diyaariyay mooshinkaan ka soo horjeeda xukuumada.

Wafdi ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka qeybgalaya Isku-imaatinka 13-aad ee Doha .

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ka kooban 6 xubnood ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Muqdisho , iyaga oo ka qeybgalaya kulanka Doha ( 13th Doha Forum) oo loogaga doodi doono kacdoonada isbadalka dhaliyay ee wadamada carbeed ,dowladaha xiliga KMG ah ku jira,dhibaatooyinka dhaqaalaha dunida ee saameeyay helidda cunno,deegaan iyo daryeel caafimaad si loogu guuleysto ujeeddooyinka sideeda ah ee kobcinta leh ee Qaramada Midoobey ay go’aamisay sanadkii 2010-kii si loo helo duni horumarsan kahor sanadka 2015-ka .

 Kulanka Doha , oo furmi doona beri oo Isniin ah , ayaa waxaa loogu tala-galay inuu socdo 20-22 May , iyadoo Wafdiga dowladda uga qeybgalaya isku-imaatinkaasi ay ka mid yihiin Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorsheynta,Lataliyeyaal ka kala tirsan Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, laba xubnood oo kala matalaya Ururada bulshada rayidka iyo ganacsatada iyo howlwadeen ka tirsan Xafiiska Wasiiru dowlaha Wasaaradda.

 Isku-imaatinkani oo si sanadle ah loo qabto, laguna casuumay ka qeybgalkiisa Madaxweynayaal, Wasiiro,khubaro,hogaamiyeyaal siyaasi ah,aqoonyahano iyo indheer-garad , ayaa waxaa lagu wadaa in dowladda Soomaaliya ay ka jeediso baahida ay u qabto dhanka barnaamijyada horumarinta leh si loo taaba-geliyo geedi socodka kobcinta bulshada iyo dib u dhiska wadanka .

Ma ahan wax cusub in laga hor yimaado Raysal wasaare oo Mooshin laga keeno ilaa marka danbe kursiga laga tuuro, laakiin waa caado soo jirtay laga soo bilaabo Raysal wasaarihii hore ee dowladii TNG-da Cali Khaliif Galayr.

Markii loo eego Shirdoon Raysal wasaarayaashii hore ee laga hor yimid ayaga oo shaqaynaya sida Cali Maxamed Geedi, Cumar C/rashiid iyo Maxamed Farmaajo madabno rajada laga qabo in lagu guuleesto mooshinkaan oo lagu eryo Raysal wasaare Saacid, sababtoo ah dhamaan wasiiradii koowaad ee xafiika ka tagay waxay baxeen ka dib markii ay isku dhaceen madaxda sare sida gudoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Dhowaan ayaa Raysal wasaaraha iyo labadiisa wasiir ee Gaashaandhiga iyo Arimaha Gudaha waxay si kala gooni ah ay u hortageen Baarlamaanka, waxaana Raysal wasaaraha uu ka jawaabay 10-su’aal oo ay waydiiyeen xildhibaanada.

Xukuumada Soomaaliya ayaa meel cad ka istaagtay arimaha ka socda gobalada Jubooyinka waxaana xukuumada ay sheegtay inaysan Aqoonsanayn Axmed Madoobe iyo Bare Hiiraale oo labadooda ay wada sheeganayaan in yihiin madaxweynaha maamulka Jubbaland, waxaana jira Xildhibaano oo siyaasad ahaan taageersan doorashada Axmed Madoobe sidoo kalana ka qaybgalay Shirar lagu qabtay magaalada Kismaayo.

Xildhibaan ka tirsan baarlamanka ayaa yiri “Waxaa jira Lacag farabadan oo loo qeybinaayo Xildhibaanadaas, 90% lacagtaasnah waxey ka timid Garoowe” Asigoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Nimanka Arintaan gadaal ka riixaya waxaa kamid ah Ina Sharmaarke, Faroole iyo rag kale”

Qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ayaa ka soo horjeeda mooshinkaan waxayna ku doodayaan in xiligaan xukuumada aysan u baahnayn in la dhibaateeyo, maadaama ay ku guuleesatay in ay wax ka qabato arimo oo ay horay u balanqaaday, inkastoo aamaanka wali sidii loo baahnaa uusan ahayn.

Qilaafka iyo is qab qabsiga nuucaan oo kale ah ayaa horay u soo ragaadiyay dowladii KMG-ka ahaa ee soo maray wadanka, waxaana haatan layswydiinayaa halka uu gaari doono mooshinkaan ka dhan ah Xukuumada.

Maxkamada Gobolka Bari oo Xukunno ku riday dad iskugu jira Soomaali iyo ajaanib

Maxkamada darajada kowaad ee Gobolka Bari ayaa xukuno kala duwan ku ridey 92 qof oo 81 ka mid ah ay u dhasheen Wadanka Iiraan kuwaas oo si sharcidaro ah uga kalumeysanayay xeebaha Soomaaliya.

 Dadka ka la xukumay oo 81 ay ahayeen ajaanib u dhalatay dalka Iiraan halka 11 kalane ay ahayeen Soomaali la socotay doomaha ay wataan dadka u dhashay dalka Iiraan ee sida sharcidarada ah uga kalumeysanayaay xeebaha dalka.

 Doonyaha oo Gaaraya shan Doonyood Waxaa lagu Xukumay Doontiba 1000 oo Dollar oo Ganaax ah Halka Nakhuudahasha ama Kaxeeyaha Doonyahaas Lagu Xukumay 5000 kun oo Dollar oo Ganax ah.

Gudiga Difaca Barlamanka oo Shabaab baaq u direy

 Xussen Carab Ciise Wasiirkii hore ee Gashandhiga Xukuumaddii KMG ahaa hadana ah Gudoomiyaha Gudiga Difaaca ee Baarlamanka Soomaaliya oo la Hadley Warbaahinta Kulmiye ayaa waxaa uu baq u direy madaxda iyo dhalinyarada xarakada Al-shabaab asagoona ugu baaqey in ay nabada qaataan.

Xuseen Carab Ciise ayaa shegay in Dalka lawada leeyahay sidaa darted uu ugu baqayo in hogaanka Al-Shabaab ay wadda hadalada ka dhabeeyaan.

GUdoomiyaha Gudiga Difaaca Baarlamanka Soomaaliya ayaa sidoo ka Hadley jidgoyoyinka yala intooda badan Gobolka Sh/Hoose asagoona sheegey in ay cabasho kaga timid Shacabka.

Waxaa uu xusey in hadii aysan wasaradda ay quseyso Cidamadda Jidgooyoyinka ay u yaalan  aysan wax ka qaban ay markale uga yeeri doonaan xarunta Baarlamanka balse ay ka war sugayan hadii ay arintan wa ka qabtaan.

 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...