Saturday 22 June 2013

Axmed Macalin Fiqi:Hay’adaha amnigu wey ku fashilmeen sugidda nabadgalyada Caasimadda Muqdisho


Rome(RBC Radio) Agaasimihii hore ee hay’adda nabad sugida qaranka Soomaaliyeed Axmed Macalin Fiqi oo xilkaa dhawaan iska casilay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya gaar ahaan hay’adaha amnigu ay ka gaabiyeen wax ka qabashada falalka amni xumada ee kusoo kordhaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Axmed Macalin Fiqi oo ku sugan Magaalada Rome ee caasimadda dalka Talyaaniga ayaa sheegay in hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya ay ku fashilmeen xaqiijinta nabadgalyada caasimadda Muqdisho,wuxuuna tilmaamay in dowladda oo hore u sheegtay in 6da tiir ee siyaasadeeda uu kow ka yahay amnigu ay ku fashilintay arintaasi.
Agaasimihii hore ee nabad sugidda ayaa ku faanay in markii uu madaxda ka ahaa hay’adda Nabad sugidda uu si weyn xil iskaga saaray ka hortagidda weerarada abaabulan ee alshabaab ay ka geystaan magaalada Muqdisho,wuxuuna tilmaamay in xiligii uu shaqada hayey ay weerarada halista ah dhici jireen 6dii biloodba mar,wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in 2bilood gudahood ay Muqdisho ka dhacaan 2 weeraro naxdin leh.
Wuxuuna tibaaxay in xiligii uu hayey shaqada hay’adda nabadsugidda uu dhacay hal mar weerar hoobiyaal ah balse,waxa uu sheegay in habacsanaanta hay’adaha amniga xiligan ay muujinayso in maalmo gudahooda 2 jeer hoobiyaal lagu tuuro madaxtooyada.
Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ay ku kala aragti duwan yihiin dagaalka lagula jiro alshabaab, wuxuuna  xusay iney ayaan darro tahay in marka gacanta lagu soo dhigo alshabaabka dhibaatada bulshada ku haya uu noqdo ina hebel iyo Qabiil isla markaane ay u doodaan xildhibaano iyo masuuliyiin kale,wuxuuna dhaliilay in baarlamanka Soomaaliya aysan wali meelmarin sharciga la la dagaalanka argagixisada oo wax badan ka tari lahaa la dagaalanka alshabaab sida uu aaminsan yahay Axmed Macalin Fiqi.
Hadalka Axmed Macalin ayaa kusoo beegmaya xili ay sii kordhayaan eedaha loo jeedinayo dowladda Soomaaliya gaar ahaan laamaha qaabilsan amniga kuwaas oo lagu dhaliilayo iney ka seexdeen sugida amniga magaalada Muqdisho.




RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...