Monday 17 June 2013

Sarkaal Galmudug ka tirsan oo iskuday dil ka bad baaday


MAALIK_SOM JUNE 17, 2013 COMMENTS OFF
Hobyo-(Sh.M.Network)-Wararka ka imaanaya Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa ku soo warramaya in kooxo hubeysan ay weerar Gaadmo ah ku qaadeen Saraakiil iyo Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.
Wararka ayaa sheegaya in Max’ud Max’ed Cali Guddoomiyaha Degmada Hobyo isaga iyo Saraakiil iyo Ciidamo la socday waddo ay ku socdaalayeen ay u galeen Maleeshiyaad aan haybtooda La’aqoon.
Guddoomiyaha la weeraray ee Degmada Hobyo oo Wareysi siiyay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weerarkaasi uu si gaadmo ah u dhacay hase ahaatee waxa uu meesha ka saaray in dhankiisa wax khasaarao ah uu ka soo gaaray Weerarkaasi isagoo intaasi kudaray in iska cabin ay kaga hortageen Kooxihii weerarka ku soo qaaday.
Wararkii ugu dambeeyay ee Laga helayo Degmada Hobyo ee uu ka dhacay Weerarkaan ay ku soo warramaya in xaaladda haatan ay degentahay halkaasina ay ku suganyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Galmudug iyadoona Kooxihii weerarka ku qaaday Masuuliyiinta iyo Saraakiishaasi ay Meesha isaga baxsadeen.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...