Saturday 22 June 2013

Smalia - Wararkii Maanta

Prof Jawaari oo ka hadlay Geerida ku timid Xildhibaan katirsaanaa Baarlamaanka Soomaaliya oo Caawa Muqdisho ku geeriyooday 
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan jawaari ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada Allaha u naxariistee Prof Maxamed Faarax Jimcaale oo ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
 Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka ayaa yiri “INAA LILAALIHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN waxaan rabaa inaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diro Allaha u naxariistee Walaalkeen Prof Maxamed Faarax Jimcaale oo ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka kaasi oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho,runtii waa geeri naxdin leh”
 “waxa uu ahaa Xildhibaanka geeriyooday xildhibaannada ugu fir fircoon ee Baarlamaanka waxaanna Alle uga baryayaa inuu siiyo naxariistiisa jano, si gaar ah anigoo ku hadla magaca Golaha Shacabka waxaan tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey marxuum Maxamed Faarax Jimcaale” ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
 Allaha u naxariistee Prof Maxamed Faarax Jimcaale oo ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday fiidnimadii hore ee caawa Isbitalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayadoo xildhibaankana uu u geeriyooday xanuun si deg deg ah ulasoo dersay.
Hooyo Soomaaliyeed oo  lagu Dilay Xaafada kamid ah Magaalada Muqdisho iyo Dilkan oo aad looga naxay 
Kooxo Hubeesan ayaa goordhaw dil naxariis dara ah waxa ay Xaafada Raadeelka ee Degmada Dayniile ugu geesteen Hooyo Soomaaliyeed oo kamid aheed dadka Xaafadaasi.
 Kooxo Bistoolado ku hubeesan ayaa Hooyadan Dilay kuna dhuftay ilaa 4-xabadood xili ay kusii jeeday gurigeeda iyada oo ka timid Suuqa Weyn ee Bakaaraha oo ka shaqeysan jirtay waxa ayna kamid aheed ganacsatada dharka xaraashka ku iibiya Suuqaasi.
 Hooyadan la dilay ayaa lagu Magacaabaa Farxiyo Shuceyb Sheekh Xuseen Bacadow waxa ayna ifka uga tagtay ilaa 7-caruur ah oo u badnaa kuwa aad u yar yar ,waxaana Dilkeeda aad uga naxay dhamaan dadka ku dhaqan Xaafada Raadeelka ee Degmada Dayniile kuwaa oo caawa aad ugu murugeesan dilkan naxariis darada ah.
 Ma jirin wax siyaasad ah ee ku lug laheed hooyadan Soomaaliyeed ee caawa ay dileen Kooxahan Naxriista ay ka guurtay ee caadeestay leynta dadka Masaakiinta sida Hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho.
 YAAB: Xildhibaanada Somalia oo la barayo sida loo diso maamullada
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka DF ayaa Siminaar looga furay xarunta AMISOM ee Muqdisho, kuwaasoo la barayo habka dhismaha Maamulada dalka iyo sugida Amaanka, sida lagu sheegay warbixin ay AMISOM soo saartay Maanta [June 20, 2013].
Siminaarkan ayaa waxaa ka qaybgalaya Gudiga Arimaha Gudaha iyo Amniga DF, shaqaalaha Baarlamaanka qaarkood iyo xildhibaano kale, isagoo socon doona afar maalmood oo xiriir.
Madaxa Xafiiska Siyaasada AMISOM oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu Siminaarkan yahay mid lagu bixin doono macluumaadyo kala duwan si looga dhiso Gudiga Arimaha Gudaha iyo Amniga sidii ay qayb libaax uga qaadan lahaayeen dhismaha Maamulada dalka.
Dowlada Somalia ayaa doonaysa inay dhisto Maamulada Gobolada si ay ugu baahiso Somalia oo dhan habka Federaalka ah ee lagu soo doortay sida ay horay u sheegeen Madaxda Sare ee DF.
“Siminaarkan waa mid faa’iido badan u leh Xildhibaanada Baarlamanka, gaar ahaan kuwa ku shuqulka leh Arimaha Gudaha iyo Amniga, waana mid ay ka heli doonaan Faa’iidooyin badan” ayuu yiri Ergayga AU-da ee Somalia Amb. Maxamed Salax Anaddif oo Siminaarka Furay.
Ergaygu wuxuu sheegay in Maadaama ay Xildhibaanadu yihiin kuwo matala Shacabk Soomaaliyeed oo dhan ay u baahan yihiin in sare loo qaado aqoonta ku saabsan howlahooda gaarka ah.
Mudada uu socdo Siminaarkan ayaa waxaa casharo ka bixin doona Barayaal laga soo xulay gudaha dalka iyo kuwo dalka dibadiisa laga keenay, iyadoo ay AMISOM ku sheegtay in Siminaarada noocan oo kale ay socon doonaan.
Waa markii ugu horeysay oo Xildhibaano ka tirsan DF Simaan noocan oo kale ah u furto AMISOM, iyadoo intii ay socotay Xaflada Furitaanka siminaarka qadar daqiiqado ah loo aamusay dadkii ku dhintay weeraradii shalay ka dhacay Xarunta UN-ka ee Muqdisho.
Gudiga Amniga Baarlabaanka Soomaaliya oo Baaritaan ku sameynaya Amni Darada Caasimadda ka jirta
Gudiga Amniga ee barlamanka Somalia ayaa sheegay in ay Baaritaano ku sameeynayaan waxyaabaha sababy  amni darida baahsan ee maal mihi ugu danbesay  ka jirtay caasimada Somalia.
Gudiga hadalka kasoo yeeray waxa ay imaaneysaa maalin kadib qaraxyadii ka dhacay xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho.
Dad badan oo wax ka falan qeeya arimaha Somalia ayaa xukuumada Somalia ku dhaliilaya sida ay uga gaabisay wax ka qabashada amaanka caasimada.
MagaaladaMuqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa bilihii ugu dambeeye waxaa ka dhacaye Qarxyo waaweyn iyo dilal qorsheysan oo loogesanayo dad dowlada ushaqeeya iyo shacab.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Boqolaal Dhalinyaro Ah Kulan Wadatashi Ah Kula Qaatay Xarunta Golaha Shacabka “SAWIRRO”
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta boqolaal dhalinyaro ah kula qaatay xarunta Golaha Shacabka kulan wadatashi ah oo ku aadan doorka iyo fursadaha dhalinyaradu ay ku yeelan karaan hormarka Dalka.

Kulankan oo qeyb ka ah kulammo wadatashi ah oo mudooyinkanba uu Gudoomiyaha Baarlamaanka la qaadanayey qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa kasoo qeybgalay ku dhowaad 300 dhalinyaro ka kala socotay ururrada Dhalinyarada ee Dalka.
Gudoomiyaha Baarlamaanka oo si rasmi ah u furay kulankan ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey dhalinyaradii kasoo qeybgashay kulankan wadatashiga ah sida ay ugasoo jawaabeen casuumaad uu u sameeyey Gudoonka Baarlamaanka waxaana uu intaasi ku daray in dhalinyarada Soomaaliyeed ay maanta hortaalo fursad ballaaran oo ay dalkooda,dadkooda iyo diintooda ugu adeegi karaan, sidoo kalena Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxa uu ku dhiirageliyey dhalinyarada iney fikirka ay u arkaan in dalka lagu hagaajin karo soo gudbiyaan.
Qaar ka mid ah dhalinyaradii kulanka ka qeybgashay oo iyana madasha ka jeediyey khudbaddo ayaa ugu horeyn waxey uga mahad celiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka fursada uu u siiyey iney yimaadaan Golaha Shacabka oo ay fikirkooda kusoo bandhigaan waxaana dhalinyarada intoodii badneyd ay goobta kusoo bandhigeen fikraddo ay ugu muhiimsaneyd in marka hore Dowladdu qaado talaabbo lagu mideynayo ururrada Dhalinyarada ee Dalka ka jira.
Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulanka soo xeray ayaa ka hadlay qaar ka mid ah fikradihii ay soo jeediyeen dhalinyaradii kulanka ka hadashay waxaana uu Gudoomiyuhu ku booriyey dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iney muujiyaan iskuduubni isagoo si gaar ahna uga digay dhalinta ineysan u hogaansamin kuwa mastaqbalkooda doonaya iney baabi’iyaan.
Gebagebadii kulanka ayuu Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ku dhawaaqay in dhowaan la sameyn doono golle loogu magacdarayo Golaha Baarlamaanka Dhalinyarada oo iyagu si toos ah wadashaqeyn ula yeelan doona Xildhibaannada Baarlamaanka taasi oo ay dhalinyaradii kulanka kasoo qeybgashay aad ugu riyaaqeen.
WAR CULUS: Dalalka Carabta oo shir u qabanaya Somalia (Faah-Faahin)
 Waxaa magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ku soo dhammaaday shir ay lahaayeen baarlamaanka waddamada Carabta, waxaana ajandayaasha ugu waaweyn ee shirka lagu gorfeeyay ka mid ah xaaladda Soomaaliya, Syria iyo Masar.
Prof Maxamed Cumar dalka oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee ka qaybgalay shirka ayaa sheegay in shirka la isku raacay siddii shir caalami ah oo taageero loogu raadinaayo waddamada Soomaaliya iyo Jabuuti la qabto, wuxuu kaloo sheegay in shirka looga hadlay siddii Soomaaliya looga taageeri lahaa arrimaha Ammaanka, Dhaqaalaha iyo Horrumarinta.
Wuxuu sheegay in baarlamaanka Carabta ay si kul u cambaareeyeen weerarkii maalin ka hor lagu qaaday xarunta QM ee magaalada Muqdisho.
Wuxuu kaloo sheegay Dalxa iyo ugu dambeen ay ku baaqeen baarlamaannada Carabta in beesha caalamka ay sii wadaan taageerada ay siinayaan dowladda Fedaraalka Soomaaliya.
Waa shirkii ugu horreeyay oo waddamada Jaamacadda Carabta ku jirra ay u qabtaan waddanka Soomaaliya.
Si kastaba, baarlamaanka Carabta waxaa kaloo looga hadlay muranka ka dhexjirra waddamada Ethiopia iyo Masar kuwaasoo isku heesta biyaha wabiga Niil.
 “Awoodii dalka waxaa la wareegay hay’ado shisheeye iyo ganacsato un danahooda eeganaya” Waxaa yiri…
Guddoomiyaha Degmada Wadajir ayaa shaaca ka qaaday in hay’ado shisheeye iyo ganacsato ay la wareegeen gacan ku heynta dalka, kuwaasi oo uu sheegay inay dantooda oo kaliya eeganayaan, isla markaana arrintaasi sababtay in ammaanka dalka uu faraha ka baxay wuxuuna codsi u jeediyay Dowladda Federaalka.
Waxa uu sheegay inuu isagu aad uga xun yahay weerarkii iyo qaraxyadii loo geystay xarunta Hay’adda UNDP oo ku taala degmada uu Guddoomiyaha ka yahay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in madaxda UNDP dhowr goor uu la yeeshay kulamo ku saabsan amniga sidii ay isaga kaashan lahaayeen.
“Kulanka aan la yeeshay madaxda hay’adda UNDP waan isku af garan weynay” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Wadajir oo sheegay in  hay’ado shisheeye iyo ganacsato ay qoranayaan ciidamo isla markaana dantooda oo kaliya fulinaya.
Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa ka codsaday dowladda Federaalka inay wax ka qabato xaaladda nabadgelyo, gaar ahaan waxa uu ka codsaday Wasaaradda arrimaha Gudaha inay la xisaabtanto ganacsatada iyo hay’adaha shisheeye ee ciidamada u gaarka ah qoranaya.
Guddoomiye Axmed Daaci mar uu ka hadlayay dhacdadii lagu weeraray xarunta Hay’adda UNDP oo maleeshiyadii soo weerartay ay gudaha u galeen kaddibna heysteen muddo laba saac ka badan, waxa uu sheegay inay tahay wax cad oo la iska ogyahay in maleeshiyo tobaneeyo ah ay laba saac heystaan xarunta UNDP.
“Iyadoo laga tusaale qaadanayo dhacdadii lagu weeraray hay’adda UNDP waxaan ku talinayaa in dowladda federaalka ay qaado tallaabo wax looga qabanayo nabadgelyada” ayuu yiri Axmed Daaci oo sheegay in haddii aan wax laga qaban nabadgelyada Muqdisho ay dhici karaan weeraro ka xoog badan kuwii loo geystay UNDP xarunteeda Muqdisho.
Dowlada federaalka Somaliya F oo magacowday safiiro uu ku jiro Axmed C/salaan iyo kuwa xilka laga qaaday oo Nuur Cadde ugu horeeyo
 Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa,uuna shir guddoominayey Ra’iisul Wasaare mudane Cabdi faarax Shirdoon (Saacid) ayaa meelmariyey magcaabista 5 safiir oo cusub.
Raiisul Wasaaraha ayaa magcaabista safiirada ku tilmaamay in ay ka mid tahay qorshaha xukuumaddiisa ee xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay caalamka.
“Tallaabadan waxa ay ka mid tahay qorshaha xukuumadda ee lagu adkaynayo xiriirka diblamaasiyadeed ee aynu la leenahay caalamka iyo dardargelinta shaqada ergada diblamaasiyadeed ee Soomaaliya u joogta dalalka caalamka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.
Safiirada la ansixiyey magacaabitaankooda waxay kala yihiin: Gen. Muuse Xasan Cabdulle, daniraha Soomaaliya ee dalka Talyaaniga. Axmed Cabdisalaam Aadan, danjiraha Soomaaliya ee dalka Itoobiya. Cali Saciid Faqi Danjiraha Soomaaliya ee dalka Belgaum iyo Midowga Yurub. Nuur Faarah Xirsi, danjiraha Soomaaliya ee dalka Malaysia, iyo Saciid Nuur Yuusuf oo horey u ahaa danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Itoobiya oo loo wareejiyay dalka Tansaaniya.
Golaha wasiiradda ayaa sidoo kale ka dooday ammaanka dalka,waxana warbixin laga dhegeystay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed iyadoo Wasiirku uu sharraxaad ka bixiyey weerarkii argagaxisanimo ee shalay lagu qaaday dhismihii hay’adda UNDP ee magaalada Muqdisho. Goluhu si buuxda ayuu u dhaleeceeyay falkaas argagixiso.
Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale ka dooday kor-u-qaadista heerka nolosha ee ciidamada Qaranka, wuxuuna goluhu boogaadiyey kaalinta ciidamada qalabka sida ee ku aadan suggidda ammaanka dalka iyo la-dagaalanka cadawga lidka ku ah qaranka Soomaaliya. Wuxuu goluhu garawsaday in loo baahan yahay in kor loo qaado heerka nololeed ee ciidamada iyo qoysaskooda, iyadoo arrintaasi loo xilsaaray in ay khamiista soo socota talo ka keenan wasaaradaha kala ah, arrimaha gudaha, gaashaandhiga, maaliyadda iyo horumarinta addeega bulshada.
Ugu dameyntiina, golaha ayaa ansixiyey heshiishka “Coutonu” oo ay Soomaaliya dhowaan saxiixday, waxaana qorshuhu yahay in xukuumaddu ay dhowaan heshiishkan u gudbiso baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya si uu u meelmariyo. Heshiishka Coutonu ayaa fursad u siiya dalalka saboolka ah in ay helaan deeqo toos ah iyo in laga dhimo lacagaha casnhuuraha ah ee ku waajiba.
Ra’iisul Wasaaraha oo guddi heer qaran u magcaabay xuska munaasabadaha 26ka Juun iyo 1da luuliyo
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa wareegto uu maanta ka soo saaray xafiiskiisa ku magcaabay guddi heer qaran oo loo xirsaaray qabanqaabada xuska maalmaha xorriyadda ee 26ka Juun iyo 1da luuliyo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wareegtadiisa ku sheegay in uu guddigan magcaabay isagoo tixgelinaya mudnaanta ay leedahay sannad-guurada 53aad ee ka soo wareegtay markii Soomaaliya ay ka xoroobeen gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga sannadkii 1960kii.
Guddiga uu Ra’iisul Wasaaruhu u magcaabay qabanqaabada xuska maalmaha qiimaha weyn ugu fadhiya ummada Soomaaliyeed ayaa ka kooban sided (8) xubnood oo kala ah:-
1.Cabdikariim Xuseen Guuleed, Wasiirka arrimaha gudaha, Guddoomiye
 2.Cabdixakiim Maxamuud Fiqi, Wasiirka Gaashaandhigga…… Gud-ku-xigeen
 3.Xasan Maxamed Jimccaale, Wasiir ku-xigeenka Garsoorka, Xubin
 4.Cabdi Shakuur Cali Mire, Wasiir ku-xgeenka Warfaafinta, Xubin
 5.Maxamuud Macalim Yaxye, Wasiir ku-xigeenka W.Horumarinta adeegga, Xubin
 6.Maxamuud Axmed Nur, Duqa magaalada Muqdisho, Xubin
 7.Maxamuud Xirsi Cabdlle, Xog-hayaha Joogtada ah ee Xafiiska R/W, Xubin
 8.Cali Cabdi Wardheere, Xafiiska Arrimaha Bulshada ee R/W, Xubin
Guddigan heerka qaran ee uu Ra’iisul Wasaaruhu u magcaabay qabanqaabada xuska munaasabadaha maalmaha xorriyadda Soomaaliya, ayaa shaqadiisu tahay in uu qaban qaabiyo xuska, xiriiriyo hay’adaha ku hawlan xuska ciidahaasi qaran iyo in ay ka hawl-galaan sugidda amniga iyo habsami-u-socodka munaasabadaha xorriyadda ee dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya oo soo Xiray Shirweynihii Qaran ee Tayeeynta Waxbarashada Dalka
Shirweynihii heerka qaran ee looga hadlayay tayeeynta waxbarashada dalka ayaa maanta si rasmi ah loogu soo gabagebeeytay Hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho,iyadoo uu soo xiray Shirkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane.Xasan Shiikh Maxamuud.
Xeritaanka Shirweynahan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowladda,Wakiillo ka socday ha’yadaha waxbarashada dalka,Aqoonyahanno,qurbajoog iyo marti sharaf kale.
Ka qeybgaleyaasha Shirweynahaa qaran ee tayeeynta waxbarashada dalka ayaa sadexdii maalmood ee la soo dhaafay ka doodayay horumarinta iyo tayeenta waxbarashada dalkena soomaaliya, ayaa si wadajir ah isugu raacay  Qodobbo  muhiim ah oo ay soo jeediyeen ilaa shan guddi oo ay sameysteen Ergada Shirka  waxaana ugu muhiimsan in la sameeyo jaamacaddii Ummadda soomaaliyeed iyo in waxbarasho bilaash ah oo ilaa dugsiga sare ah ay helaan muwaadiniinta soomaaliyeed ,lana helo manhaj qaran oo mideysan sida uu sheegay Maxamed Diini oo kamid ah Aqonyahannadii lagu casuumay shirka.
Sidoo kale wasiirka horumarinta iyo adeegga Bulshada Drs Maryam Qaasim Axmed oo ka hadashay munaasabadda xeritaanka shirweynaha qaran ayaa xustay in Guddi ay u xil saareyso Wasaaraddeeda dabagalka iyo dhaqan gelinta  warmurtiyeedkii ay soo saareen  Ergada ka kala timid gudaha iyo dibadda dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federraalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo khudbad dheer ka jeediyay Munaasabadda xeritaanka shirweynaha qaran ee tayeeynta waxbarashada dalkeena ayaa uga mahadceliyay ergada shirka doorka ay ka qaateen in la tayeeyo waxbarashada dalka si ay mustaqbal wanaagsan u helaan caruurta iyo dhallinyarada soomalaiyeed waxa uuna madaxweynuhu ka codsaday qeybaha bulshada inay gacan ka geystaan sidii ay xarumaha waxbarashada ugu dhisan lahaayeen si iskaa wax u qabso ah madaama tacliintu tahay waxa kaliya ee lagu horumarin karo dalka iyo dadka.
Dhanka kale Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud Oo khudbaddiisa ku soo hadal qaaday weerarkii shalay ay Al-shabab ka geysteen Xarunta UNDP ayaa tilmaamay in fariinta ay direysay  kooxda shabaab ay tahay  inay hay’adaha Q.M qalqal geliyaan si aysan uga shaqeynin gudaha  Soomaaliya hase yeeshee ay Madaxda UN-ka u xaqiijiyeen Dowladda in aysan weerarkaasi saameeyn doonin howlaha ay u joogaan Dalka soomaaliya.
Shirweynahan Heerka qaran ee looga hadlayay dib u qaabeynta waxbarashada dalka ayaa ahaa mid ku yimid fikirka wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada oo ay fududeynayeen xafiisyada UNESCO iyo UNICE kuwaasoo qaramada midoobay u qaabsan arrimaha waxbarashada iyo daryeelka caruurta waxaana lagu casuumay shirkaan in ka badan 200 qof oo ka kala timid gudaha iyo dibadda dalka kuwaasoo si weyn u muujiyay sida ay u taageersanyihiin  warmurtiyeedkii kasoo baxay shirweynaha.
Dowladda K/Afrika oo soo bandhigtay magacyada dadkii uga dhintay qaraxii UNDP ka dhacay.
Shirkada Denel oo laga leeyahay wadanka K-afrika ayaa manta oo khamisah shaacisay magacyada shaqale kaga geeriyooday weerarkii lagu qaadayxarunta QM ee UNDP ee magaalada Muqdisho.
Morné Lotter, 42 sano jir ah iyo Alan Simpson ayaa waxa ay kamidahaayen shaqsiyaadka shirkadasi maalinti arbacada kaga geeriyotayweerarkii Al-shabab ay ku qaaden Xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho.
 Afayeen u hadlay shirkada oo lagu magacabo Vuyelwa Qinga ayaa sheegayin qofka 3-ad ee shirkada halkasi uga geeriyoday uu yahay qof Somaliaah balse ay magacisa dib kasoo sheegi doonan.
 Madaxa fulinta shirkada Denel Riaz Saloojee ayaa Qm uga tacsiyadeeyayshaqalihi uga geeriyoday weerarka waxana uu tilmaamay inay shirkadoodasii wadi doonto in ay ka sii bar bar shaqeyso Xarumaha QM ee Somaliaku leedahay.
Shirkada Denel ayaa waxa ay hoostagtaa xarunta cusub ee QM ee arimahaSomalia UNSOM waxana ay shirkada shaacisay in ay shaqadeda la siiwadan doonto QM eek u aadan arimaha nabadenta wadanka Somalia.
Dowladda Faransiiska oo ceeb ku tilmaantay wixii ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada Muqdisho
War laga soo saaray wasaarada arimaha dibada dalka Faransiiska ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada Faransiiska marnaba aysan ka garab bixin Xukuumada iyo shacabka Soomaaliyeed ee igu dhibaatada soo maray.
Xukuumada Baariis ayaa si weyn u cambaareysay weerarkii maalin ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo lagu qaaday Xarunta dhexe ee Qaramada Midoobay Soomaaliya ay ku leedahay,waxayna tacsi u direen ehalada dadkii waxyeelada ka soo gaartay weerarkaasi rasaas isdhaafsigu uu dhexmaray ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kooxihii weerarka soo qaaday.
“Wixii dhacay waxay ahaayeen,wax laga caroodo waan sharaf dhac in xarun bini-adanimo la weeraro,taasina waxay ku tuseysaa inta ay la egtahay Cadowtinimada Mucaaradka”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay wasaarada arimaha dibada dalka Faransiiska.
Dowlada Faransiiska ayaa sheegtay inay qeyb ka noqoneysa dagaalada lagula jiro Ururka dowlada ka soo horjeeda ee Al-shabaab sida warka lagu yiri,waxayna xukuumada dhanka kale tilmaantay inay ka qeyb qaadaneyso tababarada iyo sare u qaadista awooda iyo aqoonta ciidamada xooga dalka Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan xaqiijinta amaanka dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Xukuumada Baris ayaa amaantay fal celibnta deg dega ah ay sameeyeen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka dib weerarka markii dhacay,dagaalna goobta ay kula galeen Al-shabaab oo mudo Xarunta majaraha u hayay.
Arintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo maalintii arbacada ahayd dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab weerar ay ku qaadeen xarunta Qaramada Midoobau ee Muqdisho.
Al-shabaab oo ku Dagaalamay Baraawe iyo Khasaaro Xoogleh oo kala gaaray Garabyadii Dagaalamay
Wararka laga helaayo magaalada Baraawe ee dhacda xeebta Soomaaliya gaar ahaan Sh/hoose ayaa waxa ay sheegayaan in uu dagaal xooggan oo u dhexeeya dagaalamayaal Shabaab ah uu galaaftay nolosha lix sarkaal oo Ajaanib iyo Soomali isugu jira.
Dagaalkaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid gaadma ah oo ay qaadeen taageerayaasha Godane laguna qaaday dhinaca diidan ee uu kamid yahay Abuu-mansuur Rooboow.
Warar aan lahubin ayaa waxa ay sheegayan in lixda ruux ee xalay looga takhalusay dagaalkaasi uu kamid yahay Ibraahim Afgan oo ahaa ku-xigeenkii Koowaad Axmed Cabdi Godane, Hogaamiya Shabaab inkasta oo waayihii danbe ay aad isu khilaafsanaayeen.
Waxaa kale oo soo baxay warar iyana qeexaya in Sarkaal Suudaanees ah oo kamid aha muhaajiriintii Shabaabka inta badan garabka siinaayay uu halkaasi ku geeriyooday.
Iyada oo ay xaalada Baraawe aad u kacsantahay kadib weerarkaasi la sheegay in lagu laayay saraakiisha ayaa waxaa iyana la sheegayaa in laba sarkaal oo kale subaxnimadii hore ee saaka la qafaashay kuwaas oo lagu waramayo in uu kamid ahaa nin magaciisa lagu soo koobay Fu’aad.
Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegayaan in duleedkamagaaladaasi maanta lagu arkay ciidamo uu wato Abuu-Mansuur Rooboow oo ah nin ay isku frikir ahaayeen Saraakiisha la sheegayo in la laayay.
Si kastaba, majirto cid si rasmi ah u xaiijin karta weerarkaasi lagu laayay saraakiisha afduubkana loogu geestay.
Marxuum Prof Maxamed Faarax Jimcaale oo  lagu aasay magaalada Muqdisho
Xildhibaan Maxamed Faarax Jimcaale oo  ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho kadib markii uu xanuunsanaa muddo ayaa lagu aasay magaalada Muqdisho..
Prof Maxamed Faarax Jimcaale oo ahaa Aqoonyahan dhinaca Xisaabaadka wax ka dhiga isla markaana markii dambe Lataliye u ahaa Hogaamiye kooxeedkii ugu weynaa koonfurta Soomaaliya Jen Maxamed Faarax Caydiid waxaa lagu xusuustaa doorkii uu ku lahaa Siyaasadihii Isbaheysigii SNA ee Caydiid hogaaminayay.
Marxuumka ayaa waxaa uu ahaa mid ka mid ah tiirarkii ugu cuslaa ee Siyaasadihii dhaqaajin jiray Jen Maxamed Faarax Caydiid, marna magaalada Muqdisho waxaa laga aaminsanaa isaga iyo Xuseen Xaaji Bood oo dhintay in Labada nin ay kala maamuli jireen Labadii Isbaheysi ee kala hogaamin jireen Caydiid iyo Cali Mahdi.
Mr Jimcaale Ilaahay Janadii Fardowsa ha ka waraabiyo waxaa uu nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Waxaa uu door weyn ku lahaa Maamulka Galmdug oo dhawr jeer waanwaan ka dhex sameeyay beelaha Gobolkaas dega.
Waa nin inta badan aamusan isla markaana hadal gaabana.
Waxuuna ahaa  nin si aad ah u maali karo Siyaasadda dalka Soomaaliya fahamsana qaabka loo weji karo xal u helida mushkilada Soomaaliya.
Marxuumka  wuxuu kaloo  ahaa nin wadani ah isla markaana aad u jaceyl in Soomaaliya ka baxdo dhibaatada.
Marxuum Maxamed Faarax Jimcaale galabta ayuu ku dhintay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Mareykanka oo cambaareeyay weerarkii xafiiska UNCC ee Muqdisho
Dowladda Mareykanka ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii shalay lagu qaaday xarunta Qaramada Midoobay  ee magaalada Muqdisho.War-saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa lagu muujiyay sida uu Mareykanku uga xun yahay weerarkii argagixiso ee shalay lagu qaaday xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho.
War saxaafadeedkaasi ayaa lagu sheegay in dowladda ay tacsi u dirayso ehelada dadkii ku geeriyooday weerarka, iyagoo ammaan u jeediyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee badbaadiyay dadkii ku jiray gudaha xarunta weerarka lagu qaaday.
Xukuumadda Mareykanka ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Weerarka lagu qaaday dhismaha Qaramada Midoobay ee Muqdisho waxaa ku dhintay 18 qof oo isugu jira shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay, ilaalada dhismaha iyo dableydii weerarka geysatay.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.
Tirada weriyeyaasha dalalkooda ka cararay bilihii la soo dhaafay
Guddiga difaaca saxafiyiinta ee CPJ ayaa sheegay in 55 weriye ay ka carareen dalalkooda 12-kii bilood ee la soo dhaafay.
CPJ oo soo saartay warbixinteeda sanadlaha ah ee maalinta qaxootiga adduunka oo ku beegneyd shalay ayaa sheegtay in weriyeyaasha ugu badan ay ka soo carareen dalalka Iiraan iyo Soomaaliya.
Warbixinta ayaa lagu sheegay, in Soomaaliya ay ka carareen 8 weriye, halka Iiraan ay ka baxsadeen 9 weriye sababo la xiriira rabshado iyo halis soo wajahday ammaankooda.
Sidoo kale dalalka Syria, Etiopia, Eretrea, Sudan iyo Mexio ayay CPJ sheegtay in ay ka carareen weriyeyaal.

Guddiga difaaca saxafiyiinta ee CPJ ayaa sheegay in uu diiwaangeliyay oo keliya weriyeyaasha dalalkooda uga soo cararay khatar uga timid shaqadooda suxufinnimo darteed.
Syria iyo Soomaaliyay ayay warbixinta CPJ ku sheegtay in ay yihiin dalalka ugu badan ee lagu dilo suxufiyiinta sababo la xiriira xerfaddooda.
Nicholas Key oo ammaanay ciidamada dowladda
Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya, Nikulaas Key ayaa ammaan u jeediyay ciidamada qaranka Soomaaliya ee ka howl-galay weerarkii lagu qaaday xarunta Qaramada Midoobe ee Muqdisho.
Key oo shirkiisii jaraa’id ee u horreeyay u qabtay warbaahinta gudaha, ayaa si gaar ah tacsi ugu diray ehelladda Ibraahim Caddow Calasow, Siciid Maxamed Xuseen, C/qaadir Abshir Maxamed iyo Daahir Cabdulle oo uu sheegay in ay ka mid ahaayeen askartii ku geeriyootay howl-galkii xarunta Qaramada Midoobe ee magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay in uu si gaar ah uga mahad celinayo ciidamada qaranka Soomaaliya sida dhaqsiyaha leh ee uga jawaabeen weerarkii Al Shabaab ku qaadday xaruuntooda, isla markaana u bad-baadiyeen inta badan shaqaalihii ku sugnaa xarunta.
Ergayga ayaa ballan qaaday in howlaha Qaramada Midoobe ee Soomaaliya sii socon doonaan, isla markaana uusan hakad gelin doonin weerarada Argagaxisada, isagoo caddeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay garab taagnaan doonaan.
In ka badan toban qof oo ay ku jiraan shaqaale ajnabi ah ayaa ku dhintay weerar kooxda Al Shabaab ku qaadday xarunta Qaramada Midoobe ee magaalada

Xukumada Soomaaliya oo Balan qaaday Xaquuqda Ciidan Dowlada
Dowlada Soomaaliya ayaa dib usoo xasuusatay tayada iyo wanaaga ay leeyihiin ciidamada qalabka Sida ee dowladda Soomaalia, iyagoona qiray in hadda ay leeyiin xuquuq aad u badan.

Golaha wasiirada ee xukuumada Soomaaliya oo kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa gudi balaaran oo ka kooba wasiiro u xilsaaray kasoo tla bixinta xuquuqda dhamaan ciidamada qlaabka sida ee dowladda Soomaaliya.
Wasiirada ayaa sidoo kale isku raacay in deg deg loo garab qabto ciidamada qalabka sida ayna helaan mushaar iyo sidoo kae Daryeel joogta ah.
Wasiirada ayaa ciidamada soo xusuustay ka dib markii ay ogaadeen wax qabadkoodii maalin ka hor weerarkii lagu qaady xrunta UNDP ee magaalada Muqdisho xiligaaso ciimdamo katirsan Dowlada ay gudaha ugaleen xarunta UNDP.

Dadaalka Xukumada ayaa imaanaya Xili lagu dhaliilayo in ay ku fashilanatay Amaanka Caasimada Soomaaliya oo ay daganyhiin madaxda dowlada iyo Ajaanib badan oo ka socda QM iyo Safiiro ka socda

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...