Thursday 27 June 2013

Somali - Wararka Maanta

WARBIXINO
Gay marriage rulings: 'This has changed my life'
26 June 2013 Last updated at 16:44 GMT Help In two rulings, the US Supreme Court quashes a law denying federal benefits to gay couples and clears the way for same-sex unions in California.
Supporters in front of the court building in Washington, DC talked to the BBC.
"I've been in a relationship for five years and we got married three months ago. This changed my life, it is history," one observer told the BBC.
Beesha H/gidir oo ka codsatay Dowladda Soomaaliya in cafis loo fidiyo Sheekh Xasan Dahir Aweys
Beelaha Cayr iyo Saleebaan oo ka mid ah beelweynta H/gidir ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho kaga hadlay arrinta ku saabsan Sheekh Xasan Dahir Aweys oo maanta gaaray degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo xarun u ah Maamulka Ximin iyo Xeeb.
Imaam C/llaahi Khaliif Rooble oo ah Imaamka beesha H/gidir oo kulankaas saxaafada ugu warbixiyay ayaa sheegay in kulanka looga hadlay xaalada ku soo korodhay Gobolka Galgaduud ee uu maanta Xasan Dahir gaaray.
“Adeer kulanka wuxuu ahaa, waxyaabaha ku soo kordhay Galgaduud, oo xasan dahir yimid, maamulka ximin iyo xeeb ayuu hada la joogaa, Xasan Dahir waa nin shabaab ahaa, maadaama in meesha yimid lagama maarmaan waaye in laga tashado, arrin culeyskooda leh weeyaan”ayuu yiri Imaam Khaliif.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ka codsanayaan inay cafis u fidiso, isagoo xusay inay muhiim tahay in xaaladiisa laga tashado, maadaama uu ka soo jeedo Gobolka Galgaduud, nin Soomaalina yahay.
“Waxaa laga tashaday sidii dowladda cafis loo weydiisan lahaa, waa nin Soomaali ah, dowladda albaabkeeda waxaa u furan tahay dib u heshiisiin, waxaa soo jeedinay inay cafis u fidiso inay soo dhoweyso, beelaha meesha degan dowladda ayay taageersan yihiin”ayuu yiri Imaam C/llaahi Khaliif Rooble.
Si kastaba ha ahaatee arrinta ku saabsan Sheekh Xasan Dahir ayaa aheyd mid aad u hareysay siyaasada dowladda iyo warbaahinta gudaha iyo tan caalamka, waxaana arrinka ugu weyn ee muuqda yahay in wadaadkan mayalka adag uu haatan baxsad ka yahay Ururka Al-Shabaab
Ciidamo kala taageersan Barre Hiraale iyo Axmed Madoobe oo dagaal culus ku dhex maraya Gudaha Magaalada Kismaayo
Dagaal culus oo u dhaxeeya Maleeshiyaad taabacsan Axmed Madoobe iyo kuwa Barre Hiiraale ayaa maanta ka qarxay magaalada Kismaayo, iyadoo dagaalka uu iminka si xoogan uga socdo bartamaha magaalada.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa ka dambeeyay markii gaadiid la kala dhacay, kaasoo markii dambe isu rogay dagaal gacan ka hadal ah.
Dagaalka ayaa ka qarxay aargada Kismaayo, iyadoo haatan ka socdo Xaafada Farjano, waxaa la soo sheegayaa in la isu adeegsanayo hub cul culus.
Waxaa jira qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dagaalka sababay, hase ahaatee si dhab ah looma oga.
Dagaalka ka dhex qarxay Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe ayaa ahaa mid la sii saadaalinayay, maadaama cududa ugu badan ee ciidan ay yihiin kuwo magaalada ku heysta, hub badana leh.
Axmed Madoobe iyo Col. Barre Hiiraale ayaa labaduba ka mid ah madaxweynayaasha Jubaland ee Kismaayo ku heysta hub iyo ciidan beelahooda ka soo kala jeeda.
Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaalamaya, waxaase dagaaladan ay qeyb ka noqonayaan kuwo maalmihii u dambeeyay ka dhacayay magaalada, kaasoo u dhaxeeyay dhinacyada magaalada isku haya.
Wasaarada Kheeraadka Dalka oo Maanta Muqdisho ku Qabatay Kulan Looga Hadlayay Sidii Shacabka Soomaaliyed ay ku heli Lahayeen Biyo Nadiif ah.
Kulankan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda Kheeyraadka dalka ayaa diiradda lagu saarayay sidii dadka soomaaliyeed ay biyo nadiif ah uga heli lahaayeen ceelasha ku yalla gobolka Banadir iyo Gobollada dalka.
Kulankan oo maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeybgalay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Kheeyraadka dalka,Xildhibaanno,Wakiillo ka socday Milkiileyaasha Ceelbiyoodyada ku yaalla Gudaha caasimadda iyo gobollada dalka,khuburro ajanaiib ah iyo martisharaf kale.
Wasiirka Kheeyraadka Dalka C/Risaaq Cumar Maxamed oo furay Kulanka ayaa sheegay muhiimad weyn ay Biyaha nadiifka ah u leyihiin qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed,isagoo sheegay in shacabka soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay helaan biyo nadiif ah.
Sidoo kale Xildhibaan Khaliif Maxamed Xasan oo ku hadlay magaca Guddiga Baarlamanka u qaabilsan Kheeyraadka dalka ayaa xusay in loo baahnyahay in wasaaraddu si gaar ah ula socoto Ceelasha biyaha siiya dadweynaha si loo hubiyo caafimaadka shacabka.
Sidoo kale Wakiiladdii ka qeybgalay kulanka ee hadlay ayaa ka codsaday Milkiileyaasha ceel biyoodyada inay xaqiijiyaan biyaha ay bixinayaan si bulshadu ay u hesho cafimaad wanaagsan.
Wasaaradda kheyraadka dalka ayaa Dhawaan heshiis ku saabsan sameeynta ceel biyoodyo ula saxiixday Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ee dalka suudaan.

Xasan Daahir Aweys “Geeri ayaan ka door bidiyaa in la dhiibo DF Somalia”.
Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaray Magaalada Cadaado ee caasimada Maamulka Ximan iyo Xeeb, ayaa sheegaya in Xasan Daahir uu illaa iyo hadda uu dii danyahay inuu wada hadal lagalo Dowlada Soomaaliya, kadib markii maamulka Ximan Iyo Xeeb ay arinkaas usoo jeediyeen.
Qaar ka mid ah saraakiishagacanta ku haya Xasan Daahir, oo aan la xiriirnay, ayaa sheegay inuusan ku qanacsaneyn in Dolwadda Somalia loo dhibo.
Xasan ayaa hadda guri caadi ah ka deggan Magaalada Cadaado, waxaana la jooga saraakiil hore oo Xasan ay ka wada tirsanaayeen ururkii Al-itaxaad iyo waliba Xisbul Islaam, kuwaaso Xasan dajiyay guri uu leeyahay nin lagu magacaabo C/qaadir Kadiye.
Xasan Daahir ayaa waxaa horay ula hadlay intuusan soo gaarin Cadaado oo uu badda ku jiray Wasiirka Arimaha Gudaha C/kariin Guuleed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh,iyagoo ka codsaday inuu Xamar yimaado oo uusan badda isku haligin, balse Xasan wau kuu gacan seeray dalabkooda.
Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa iminka waxaa haysta dhibaato,waayo Xasan markii ay yiraahdeen dowladda ayaan ku dhiibaynaa,waxuu uu ku yiri “geeri ayaan ka door bidiyaa in la dhiibo dowladda Somalia”, sida xubno ka tirsan maamulkaasi ay ugu xog warrameen Caasimada Online.
Xasan ayaa doonaya inuu Dalka Qadar u anbabaxo, sida ay Caasimada Online xog ku heshay shalay.
Maanta ayaa la filayaa in arrinta Xasan Daahir ay soo geba gebowdo, waxaana la filayaa inuu saxaafadda la hadlo, una sheego xaqiiqda wixii dhacay iyo qorshihiisa.


Xarakada Al-Shabab oo ka hadashay baxsashada Sh. Xasan Daahir Aweys
Ururka Al-Shabaab ayaa markii ugu horreeyay ka hadlay baxsashada hoggaamiyihii hore ee Xisbul Islaam Xasan Daahir Aweys oo saakay gaaray magaalada Caddaado ee xarunta maamulka Ximin iyo Xeeb.
War-Qaraal ah oo la soo dhigay barta Internetka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in lagu sheegay in Xasan Daahir Aweys uu u goostay cadowga Islaamka sida ay hadalka udhigeen.
Waxa ay sheegeen in Xasan Daahir iyo xubno ku fikir ahaa laga waayay Guri ay ka daganaayeen magaalada Barraawe ee gobalka Shabeellaha Hoose.
Warka qoraalka waxaa Xasan Daahir iyo xubnaha ka goostay Al-Shabaab lagu eedeeyay arrimo badan waxaana ka mid ah:
1- In ay kala dhantaaleen midnimada umada iyo wadajirka Al-Shabaab.
2- Faafinta warar aan sal lahayn oo kala dhantaalaya midnimada iyo wadajirka ururka Al-Shabaab.
3-Suuro Xumeyn ururka Al-Shabaab madaxdooda iyo mujaahidiinta.
4- Faafinta siraha Al-Shabab iyogoo gaarsiiyay ee Cadowga Islaamka sida lagu sheegay warka qoraalka ee lagu soo qoray bogga Al-Shabaab.
5- Isku dir madaxda ururka Al-Shabaab iyo Shacabka.
6-Dhiiga Mujaahidiinta oo ay banaysteen.
7-In ay ka dhago adeegeen markii looga yeeray maxkamadda shaceeda ee ururka Al-Shabaab.
Si kastaba, warkan qoraalka wuxuu muujinaya in qaati ay ka taagnaayeen xubnaha kufikirka Axmed Godane Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Waxaana dhowr jeer Xasan Daahir uu sheegay in wax yaabaha uu wado garabka uu hoggaamiyo Axmed Godane ay yihiin kuwa marin habaabiyay hadafkii ururka uu lahaa.
Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa aaminsan tan iyo markii Xasan Daahir Aweys uu ku biiray Al-Shabaab uu kala qeybiyay hoggaanka Al-Shabaab.
XOG CULUS: Xasan Daahir Aweys oo ku wajahan dalka Qadar
Warar la isku haleen karo oo ay heshay Shabakadda Caasimada Online ayaa muujinaya in Xasan Daahir Aweys oo hadda ku sugan xarunta maamulka Ximin iyo Xeeb ee Caddaado, in diyaarad laga saari doono halkaas, taasoo geeneysa magaalada Dooxa ee dalka Qadar.
Waxaa hadda magaalada Caddaado ee gobalka Mudug ka socoda kulamo looga hadlaayo arrintaas, waxaana la sheegay in dowladda Qadar ay wax ka ogtahay soo qabashada Xasan Daahir Aweys oo saaka arroortii iska soo dhiibay xeebaha gobalka Mudug.
Ilaha aan warkan ka helnay ayaa sheegaya in la isku hayo in Xasan Daahir Aweys uu marka horre tago magaalada Muqdisho, kaddibna halkaas diyaarad laga saaro iyo in diyaarad laga saaro magaalada Caddaado si loo geeyo magaalada Dooxa ee xarunta Qadar.
Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in door wayn ku lee dahay soo badbaadinta Xasan Daahir Aweys oo dhowr cisho ka hor ka soo baxsaday magaalada Barraawe ee gobalka Shbeellaha Hoose.
Dhinaca kale, Xasan Daahir Aweys ayaa caawa sheegay in sarkaal uu ku jirro Ibraahim Afghaan lagu dilay dagaal toddobaadki hore ka dhacay magaalada Barraawe.
Ma sheegin Xasan Daahir Aweys dadka la dilay dagaalka dhexmaray Al-Shabaab, laakin wuxuu intaas ku daray in Ibraahim Afghan la dilay markii la qabtay.
Waxaa kaloo la’ layahay meel uu jaan iyo cirib dhigay Abuu Mansur Al-Amrici oo ah ninka ugu sareeya ajaaniibta sar sare ee Al-Shabaab kaasoo ka soo jeeda dalka Maraykanka.
Si kastaba, Dowladda Qadar ayaa maalmahan waday dedaalo ku saabsan siddii saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab sida Xasan Daahir iyo dowladda Fedaraalka Soomaaliya la isugu soo dhaween lahaa.
Dowlada Soomaaliya oo markii ugu horeesay ka hadashay Qabashada Xasan Daahir Aweys
Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Ing. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in soo qabashada Hogaamiyihii ka tirsanaa Ururka Al-shabaab Sheekh Xasan Daahir Aweys ay tahay mid bilaw u ah dhamaadka kooxda Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigayee, isagoona sheegay in Dowlada Soomaaliya oo kaashaneysa dhamaan, Ciidamada garabka siinaya iyo Maamulada hoos yimaada ay ka go’an tahay sii wadista sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxaha ka tirsan Al-shabaab.
Yariisow oo la hadlay Idaacada VOA-da ayaa sheegay in weli kooxaha kasoo horjeeda Dowlada Federalka Soomaaliya uu ufaran yahay wadada wada hadalka, ayna soo dhabeenayaan koox waliba oo kusoo biireysa dhankeeda, iyadoo aan dhiig daadan isla markaana dagaal dhicin.
“Dowlada Somalia waxay weligeed ku baaqeysay in iyadoo aan dhiig la daadin la iskugu yimaado, miiska wadahadalka lagana tashado aayaha iyo horumarka dalka welina mowqifkaas ayey aaminsan tahay dariiqaasna waa mid u furan kooxaha naga soo horjeeda” ayuu intaa ku daray Ing. Yariisow.
Mar la weydiiyey afhayeenka sida dowladu ka yeeleyso Xasan Daahir ayuu sheegay in ka hadalka arrintaas ay tahay mid lagu deg degay, isagoo xusay in dowlada ay ku jirto wada tashi dhinacyo kala duwan taabanaya, isla markaana marka uu soo afjarmo wada tashigaasi go’aan laga gaari doono sida laga yeelayo wadaadkaasi.
Hadalkaan ayaa ah kii ugu horeeyay ee kasoo yeera Dowlada Soomaaliya, tan iyo markii la sheegay in saqdii dhexe ee xalay gacanta Maamulka Ximan iyo Xeeb in uu soo galay Wadaadka ka tirsanaa Kooxda Al-shabaab Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Madaxweynaha oo shaaciyey Shirka Brussels ee 16ka September.
 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Guud ee Afrika ee Midowga Yurub Mr Nick Westcott iyo Safiirka Midowga Yurub Michelle Cervone kalana hadlay shirka Brussels lagu qaban doono 16ka September 2013 iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka Midowga Yurub iyo Soomaaliya.
 Shirka ka dib ayey labada mas’uul shir jaraa’id ku wada qabteen Xafiiska Madaxtooyada oo ay shaaciyeen in shirka Brussels uu dhici doono 16ka September 2013 loogana hadli doono sidii loo taageeri lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya qorshaheeda dib-u-dhiska Dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyey dadaalkooda iyo go’aankooda ah inay Xafiiskii Midowga Yurub ay dib uga furayaan dalka gudihiisa, sheegeyna inay shacabka Soomaaliyeed muhuum u tahay inay Midowga Yurub dalka gudihiisa ay ka howlgalaan oo xafiisyadooda ka furtaan. Waxuuna sheegey in Dowladdu ay ku taageeri doonto Midowga Yurub sidii xafiiskaas Muqdisho looga furi lahaa.
Madaxweynaha oo ka jawaabay su’aal aheyd maxuu shirkan uga duwan yahay shirarkii horey loo qaban jirey ayaa ku yiri “ Shirkan Brussels ka dhacaya 16ka September 2013 waa mid Dowladdu ay la hortageyso qorsheyaasheeda dib-u-dhiska dalka oo ka tarjumaya baahida dhammaan deegaanada Jamhuuriyadda Soomaaliya, caalamkuna ay maanta diyaar u yihiin in la sii xoojiyo guulaha amniga iyo horumarka ka jira Soomaaliya.
“Soomaaliya oo maanta mareysa marxalad ka soo kabasho iyo bilow horumar waxey u baahantahay kaalmada caalamka, oo ma jiro dal sida Soomaaliya u burburtay u burburay, mana jiro dal ka soo kabtay dhibaatooyinkii soo maray oo aan caalamku ka saacidin.
“Maanta waxaan mareynaa marxalad shacabka, dowladda iyo xaaladduba ay diyaar u tahay in dalka dib loo dhiso oo shacabka Soomaaliyeed ay helaan fursado shaqo, waxbarasho, caafimaad iyo dhammaan adeegyada bulshada. Aad iyo aad baana uga mahadcelineynaa Midowga Yurub dadaalkooda oo rajo weyn nagu abuuraya.
Ugu danbeyntii Madaxweynahu waxuu yiri in shirka cida ka faa’iideysaa ay yihiin shacabka Soomaaliyeed oo dhan, qorsheyaasha iyo mashaariicda la horgeynaya ay yihiin kuwo dalka oo dhan ku baahsan.
DF Somalia iyo Axmed Madoobe oo caawa ku kulmaya Addis Ababa
Addis Ababa (Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in caawa ay ku kulan san yihiin magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia wafdi ay kala hoggaaminayaan Faarax Sheekh Cabduqaadir iyo Axmed Madoobe.
Arrintan ayaa waxa shaaca ka qaaday Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya ahna lataliyaha dhinaca warfaafinta Cabdiraxmaan Cismaan Yariisow oo goordhow la hadlay VOA-da.
Eng Yariisow ayaa sheegay in wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya ay maanta gaareen magaalada Addis Ababa ee xarunat dalka Ethiopia, waxaana la filayaa in ilaa caawa ay gaaraan halkaas wafdi uu hoggaaminaayo hoggaamiyaha Raaskambooni kuwaasoo ka tagaya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Labada dhinac waxaa la sheegay in ay la socdaan wafdi in kastoo aan la heynin tiradooda iyo magacyadooda, waxaa kaloo aan la ogeyn cida dhex-dhexeedineysa labadan dhinac maadama uu ka dhexjiray khilaaf ku aadan maamul u sameenta Jubbooyinka iyo Gedo.
Sida ay u sheegeen Shabakadda Caasimada Online ilo lagu kal soon yahay oo ku sugan Addis Ababa, waxaa kulanka dhex maraya labada wafdi looga hadli doonaa siddii Axmed Madoobe oo sheegta in uu yahay madaxweynaha maamulka Jubbland uu uga qaybgali lahaa isaga iyo maamulkiisa shir wadatashiga ee dowladda ku qabaneyso magaalada Muqdisho.
Wixii ku soo kordha warkan kala soco Shabakadda Caasimada Online haddii Alle uu yiraahdo.
 Farmaajo oo farriin u diray shacabka
Maxamed C/llaahi Farmaajo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo imika ku sugan dalka Mareykanka ayaa Umada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada 26-ka June ee xurnimada gobolada Waqooyi.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo arimo badan ka hadlay ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay midoobaan oo ay ka gudbaan qabyaalada oo uu tilmamaay in dib u dhaca Umada Soomaaliyeed ay sabab u aheyd.
Farmaajo oo soo hadal qaaday Soomaalida lagu dhibaateeyo wadamada caalamka ayaa sheegay in uu ka xunyahay dhibaatada loo geysanayo Umada Soomaaliyeed ee dantu biday qurbaha, isagoona tilmaamay in uu ka xanuunsaday wiilkii Soomaaliyeed ee isagoo qaawan dhawaan dhagax loogu dilay dalka Koonfur Africa.
Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in uu aad uga xanuunsanayo dhibaatada dadka Soomaaliyeed loogu geysanayo wadamada Caalamka, isagoona ugu baaqay Umada Soomaaliyeed in ay muujiyaan isku duubni, kana shaqeeyaan qaranimada Soomaaliya, si buu yiri looga gudbo qabiilka. 
Xoghayaha GOS oo la kulmay Nicholas Kay
Xoghayaha guud ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Duran Ahmed faarax ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay ku xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay in ciidamada laga saaro Tuulada Isboortiga ee Muqdisho iyo in Qaramada Midoobay Isbortiga u adeegsado qeyb ka mida nabadeynta Soomaaliya.
“Maanta waxaa guddiga Olombikada Soomaaliyeed uu la kulmay ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay oo ay ugu muhiimsan tahay waxyaabihii aan ka hadalnay in Qaramada midoobay ahmiyad weyn siiso kaalinta hey’adaha Isboortiga ee nabadeynta dalka maadaama isboortigu uu yahay waxa keliya ee isu keeni kara umada waxaana sharaxaad ka siinay qaabka ay howlaha isboortigu dalka uga soconayaan iyo doorka uu Isboortigu nabada kasoo qaatay”ayuu saxaafada u sheegay xoghayaha guud ee GOS Duran Axmed faarax kadib kulankii uu maanta la yeeshay Mr. Nicholas Kay.
Waxaa uu Mr Duran hordhigay sarkaalkan ka socday Qaramada midoobay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la helo qalab iyo goobo lagu cayaaro isboortiga oo ay ka mid tahay in gacanta heysa’adaha isboortiga dalka lagusoo celiyo 12 garoon oo heer caalami ah oo ku yaala tuulada isboortiga Muqdisho kuwaas oo hada ay dagan tahay AMISOM.
“Maadaama uu isboortigu ka madax banaan yahay siyaasad, ciidan IWM yaan islasoo qaadanay sida ay muhiimka u tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamada looga saaro tuulada Isboortiga ee Muqdisho, waxaana u sheegnay in maanta oo goobihii isboortiaga ee dalku bur bursan yihiin hadana ay wax aan la qadan Karin tahay in ciidamo lagu xareeyo xili isboortigu arrimo ciidan iyio kuwo siyaasad uusan shuqul ku lahayn”ayuu yiri Mr Duran faarax xoghayaha guud ee GOS.
Waxaa uu xoghayaha oo saxaafada la hadlay sheegay in Kaaliyaha xoghayaha guud ee UN-ka ee arrimaha Soomaaliya Mr Nicholas Kay uu aad usoo dhaweeyay fikrada ah in ciidamada laga saaro xarumaha Isboortiga, isagoo balan ku qaaday in uu gacan weyn ka geysan doono sidii dhaqso ciidamada looga saari lahaa Tuulada Isboortiga ee Mqudisho oo ka kooban 12 garoon oo heer caalami ah laakin hada aad u bur buray una baahan dib u dhis xoogan.
“Saraakiisha AMISOM iyo madaxda dowlada Soomaaliya ayaan kala hadli doonaa in ay ciidamada meelo kale geystaan, sida ugu dhaqsiyaha badan ayaana arrintaas u guda galayaa maadama ay muhiim tahay in hey’adaha Isboortigu dib u hantaan dhulalkooda” ayuu Mr. Nicholas Kay u sheegay Xohghayaha guud ee GOS Mr Duraan Axmed faarax oo kulankiisa ay ku wehlinayeen guddoomiye ku xigeenka GOS Ibraahim Shaamow iyo odayaal kale.
Wasaarada Warfaafinta oo 22 sano ka Dib Maanta Dib u Howl Galisay Adeegii Boostada Soomaaliya.
Wasaarada warfaafinta,Bostada,Isgarsiinta iyo Gadiidka ayaa maanta mudo 22 sano ka dib waxa ay si rasmi ah xariga uga jartay adeegii boostada soomaaliya.
Munaasabad xariga loogu jarayay xarunta boostada soomaaliya ayaa waxaa maanta ka qeyb galay Wasiir ku xigeyn wasaarada warfaafinta bostada,isgarsiinta iyo gadiidka Ibraahim Isaaq Yaroow ahna ku simaha wasiirka warfaafinta  iyo masuulin ka socotay wasaarada warfaafinta bostada isgaarsinta iyo gadiidka.
Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta bostada,isgarsiinta iyo gadiidka Ibraahim Isaaq Yaroow ayaa si rasmi ah maanta xariga uga jaray adeega boostada soomaaliya.
Agaasimaha waxda xarunta boostada Abuukar Maxamed Cowsey oo ugu horeyn munaasabada ka hadlay ayaa faahfiyay xaruntan boosta adeegyada ay shacabka u qaban doonto,isagoo sheegay in adeega boostada uu muhiim u yahay shacabka soomaaliyeed,waxana uu ugu baaqay shacabka soomaaliyeed inay furtaan adeega boostada.
Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta boostada,isgaarsinta iyo gadiidka C/risaaq Cali Yuusuf (bahlaawi) oo isna munaasabadasi hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay baahida ay shacabka u qabeyn helida adeega  bostada soomaaliya,waxana uu sheegay in dalka uu la jaan qaadi doono wadamada caalamka.
Wasiir ku xigeyn wasaarada warfaafinta bostada,isgarsiinta iyogadiidka Ibraahim Isaaq Yaroow ahne ku simaha wasiirka warfaafinta oo gaba gabadii munaasabdaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in wax lugu farxo ay tahay 22 sano kadib inay maanta ay ku guleysteen iney dib u hool giliyaan xarunta boostada soomaaliya,
22 sano kadib waxaa maanta hoosheedii ay dib u bilaawday xaruntii boostada soomaaliya,waxana isla maanta ka faa’ideystay oo is diiwaan in ka badan 200 oo ruux qaanadaha ama sanaadiiqda wax lagu soo hagaajiyo furtay waxana ay ahayd mid lacag l,aan ah laakiin agaasinka boostada ayaa sheegay in malmaha soo socda ay  lacag la,aan sii ahaan doonto.
Wasiirka Warfaafinta oo ka qaybgalay shirka Akademiyada Daryeelka Afka Soomaaliga(ADA)
Shirweyne maanta ka furmay magaalada Jabuuti, Hoteelka Kempeniski ee magaalada Jabuuti ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Warfaafinta Boostada, ISgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi iyadoo wasiirku casuumad rasmi ah ka helay dhiggiisa wasiirka dhaqanka , Arimaha diinta iyo Awqaafta Mudane Aadan Xasan Aadan.
 Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen wufuud kasocotay deegaamada Afka Soomaaliga looga hadlo ujeedadiisuna ahayd sidii loo yagleeli lahaa Akademiyada Daryeelka Afka Soomaaliga ayaa waxaa khudbado ka jeediyay masuuliyiintii meesha isugu timid iyagoo dhamaan hoosta ka xariiqay muhiimadda Afka Soomaaligu leeyahay qawmiyadda Soomaaliyeed ee ku hadasha Afka.
Wasiirka Warfaafinta Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka oo madashan hadal dheer ka jeediyay ayaa waxuu hadalkiisii ku bilaabay inuu dawladda iyo shacabka walaalaha ee ree Jabuuti uga mahadceliyo taageerada ay u hayaan umadda Soomaaliyeed isagoo madaxweynaha Jabuuti Mudane ismaaciil Cumar Geele uga mahadceliyay isxliqaanka, geesinimada iyo masuuliyadda uu dhabarka u ritay sidii uu fanka Soomaaliyeed iyo Afka hooyo u daryeeli lahaa.
” Maanta waa farxado badan oo Is biirsaday waxaana farxad ii ah inaan madashan joogo. Waa 26kii Bisha June oo ah maalintii calan Soomaali leedahay kii ugu horeeyey la taagay, Baritana waa maalinkii walaalaha Jabuuti ay xoroobeen, sidoo kale maanta waa maalin aynu yagleelayno Akademiyada Afkeena oo kulmisa dhamaan Qawmiyadda Soomaaliyeed”.
Wasiirka oo hadalka ku dheeraaday ayaa waxuu xusay inay lagama maarmaan tahay in luuqadda Afka Soomaaliga laga daayo Siyaasadda ayna noqoto mid isku furan oo aan lahayn xad si looga baxo cabsida laga qabo in Afka Soomaaligu dabargo’o.
Wasiirka ayaa shirka ka sheegey in maanta wasaaradda Warfaafintu ay gacanta ku hayso Keydii raadiyo Muqdisho oo ka badbaaday burburkii ayna wasaaraddu waddo sidii ay u casriyayn lahayd.
Wasiirka ayaa khudbaddiisa kusoo xiray codsi uu ugudbiyay madaxweynaha Jambuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele inuu hirgaliyo qoritaanka iyo dhigitaanka Afka Soomaaliga, sidoo kale waxuu wasiirku sheegey in la gaaray xiligii qawmiyadda Soomaaliyda Kenya ay bilaabi lahaayeen qoritaanka iyo barashada Afka Soomaaliga.

Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen wafti kasocotay Deegaanka Soomaalida Ethiopia, maamulka Somaliland, maamulka Puntland iyo dawladda Soomaaliya ayaa waxaa soo xiray wasiirka Dhaqanka, Arimaha diinta iyo Awqaafta Mudane Aadan Xasan Aadan isagoo uga mahadceliyay waftiga imaanshaha iyo kasoo qaybgalka shirkan waxaana madasha lagu saxiixay heshiis ku KMG ah oo lagu yagleelay Akademiyada Daryeelka Afka Soomaaliya(ADA) oo muddo sanad ah loogu doortay Maxamed Daahir Afrax inuu noqdo Guddoomiyaha ADA muddo sanad ah iyadoo la xulay guddi la shaqayndoonta. ADA ayaa si KMG ah kushaqayn doonta saldhiggooduna noqon doonaa dalka Jabuuti

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...