Sunday 9 June 2013

Somalia - Wararka Maanta

obama and Xi end 'constructive' summit
US President Barack Obama and Chinese leader Xi Jinping have ended a two-day summit described by a US official as "unique, positive and constructive".
US National Security Advisor Tom Donilon said Mr Obama had warned Mr Xi that cyber-crime could be an "inhibitor" in US-China relations.
He also said that both countries had agreed that North Korea had to denuclearise.
The talks in California also touched on economic and environmental issues.
The two leaders spent nearly six hours together on Friday and another three hours on Saturday morning at the sprawling Sunnylands retreat in California.
----Nelson Mandela spends second night in hospital
Former South African President Nelson Mandela is spending a second night in hospital where he is being treated for a lung infection.
Doctors say there has been little change and his condition continues to be described as serious but stable.
Mr Mandela, 94, had been ill for some days before being transferred in the early hours of Saturday to a hospital in Pretoria.
It is the third time this year he has been admitted to hospital.
The BBC's Karen Allen in Pretoria says there is a sense of calm across South Africa, and also a quiet hope that the man who led the fight against apartheid may regain his strength once again.
 Mr Mandela's wife, Graca Machel, cancelled a scheduled appearance in London to remain at her husband's bedside.


-Syrian army 'captures' final rebel stronghold near QusairGovernment soldiers in the village of Debaa near Qusair on 7 June Government forces have now secured the whole Qusair area Continue reading the main story
The last rebel stronghold near the strategic town of Qusair, western Syria, has fallen to government forces, Syrian state TV says.
Eastern Bouweida village, which lies between Qusair and the restive city of Homs was captured by troops backed by militants from Lebanon's Hezbollah.
The Syrian army regained control of the town of Qusair on Wednesday after weeks of intense fighting with rebel forces.
The rebels have now lost a key supply route into neighbouring Lebanon.
"We can now declare Qusair and the surrounding area to be a fully liberated area. We will go after the terrorists wherever they are," an unnamed, senior Syrian army officer told state television on Saturday.
The TV report showed shattered buildings and vehicles and weaponry abandoned by fleeing rebels in the village.
Activists say that dozens of rebel fighters, including some foreign fighters, have been captured alive in Bouweida, but their fate is not yet known.
One question now, says the BBC's Jim Muir in Beirut, is what became of the civilians, the wounded and the fighters who fled there from Qusair, believed to number hundreds of people.
What's clear though, he adds, is that the entire area has now come back under government control.
Clement Meric killing: France 'to dissolve' far-right groupSerge Ayoub, leader of the Revolutionary Nationalist Youth in France, after police questioning Revolutionary Nationalist Youth leader Serge Ayoub has been questioned by police Continue reading the main story
he French government is to take steps to break up a far-right group allegedly linked to the death of a left-wing activist.
Prime Minister Jean-Marc Ayrault has asked the interior minister to take steps "immediately" to dissolve the Revolutionary Nationalist Youth (JNR).
Five people are under investigation over the death of Clement Meric, 18.
He was badly beaten in a clash between far-right and anti-fascist activists in Paris on Wednesday, and later died.
The Paris Prosecutor, Francois Molins said according to witnesses the two groups had run into each other by chance in a busy shopping district near St Lazare train station, where a fight broke out.
He said the arrested suspects claimed to have responded to provocation by the left-wing group.
Wasiirka Ariamaha Gudaha” Dagaalka Kismaayo waa Mid Lagu Daadinayo Dhiiga Maatida ku Sugan Magaalada”
C/kariin Xuseen Guuleed Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa dagaalka ka socda Kismaayo ku tilmaamay dagaal sokeeye oo lagu daadinayo diiga dad walaalo ah.
“Dagaalka Kismaayo shalay iyo maanta dowladda Soomaaliyed aad iyo aad ayay uga xun tahay, waa dagaal aan loo baahneyn, oo lagu daadinayo dhiig sokeeye, marna raali kama nihin, dadka waxgaradka iyo dhinacyada waxaa ugu baaqeynaa in si deg deg ah loo joojiyo” ayuu yiri C/kariin Guuleed.
Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya aad uga xuntahay dagaalka ka socda Kismaayo ee u dhaxeeya maleshiyaad kala taageersan rag madaxweynayaal kala sheeganaya.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Xukuumadda Soomaaliya ay si deg deg ah ugu baaqeyso inay dagaalka joojiyaan dhinacyada iska soo hor jeeda, dagaalka iyo gacan ka hadalkana lagu badlo wada hadal iyo wada xaajood.
Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa ugu baaqay odoyaasha iyo wax garadka ku sugan magaalada Kismaayo ay u istaagaan joojinta dagaalkaasi, oo uusan dhiig danbe daadan.
Wasiirka ayaa sheegay in wafdi ka tirsan dowlada Soomaaliya oo isugu jiro wasiirro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan ay in muda ah ku suganyeen magaalada Kismaayo halkaana ay ka wadaan dib u heshiisii, wada hadal, iyo is fahansiin dadka ku dhaqan deegaanadaasi.
Wasiirka ayaa sheegay in wafdiga ka tirsan dowlada ay ku howlanyihiin joojinta dagaalada ka socda magaalada Kismaayo.
Shalay iyo maanta ayaa waxaa magaalada Kismaayo ka dhacay dagaalo u dhaxeeya maleeshiyaadka Axmed Madoobe iyo maleeshiyaad taabasan Siyaasiga Iftiin Xasan Baasto, waxaana dagaalladaas ku dhinta ilaa 10 ruux oo rayid ah u badan.
Nicholas Kay: Hala joojiyo dagaalka Kismaayo
Ergeyga cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa soo jeediyay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka maalintii labaad galay ee ka socda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Danjiraha wuxuu maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Nicholas Kay ayaa u jeediyay dhinacyada dagaallamaya in ay si nabad ah khilaafkooda ku dhameeyaan oo ay badbaadiyaan nolosha dadka rayidka ah.
Wuxuu mar kale ku celiyay in xafiiskiisa uu dowr weyn ka qaadan doono xal u helidda arrimaha siyaasadda ee maamullada kala duwan ee Soomaaliya.
Ergeyga ayaa ku adkeeyay dowladda Soomaaliya in qabato shirka dib-u-heshiisiinta ee uu qabashadiisa ku taliyay urur goboleedka IGAD.
Xildhibaanada Baarlabaanka oo ka Dooday Hindise ay Soo Diyaarisay Wasaarada Cadaalada
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay  Xarunta Golaha Shacabka Magaalada Muqdisho waxa ay kaga doodeen labo hindise sharciyed oo ay soo hor dhigtay wasaraada Cadaalada,Garsoorka iyo Oowqaafta.
Kulanka Baarlamaanka oo uu shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Wasiirka wasaarada Cadaalada,Garsoorka iyo Oowqaafta,iyo labadiisa ku xugeenka.
Wasiirka ku xigeenka wasaarada ayaa baarlamaanka ka hor aqriyay  laba hindise sharciyedoo ay wasaarada soo hor dhigtay baarlamaanka,waxaana firkir ka dhiibtay ilaa 22 xildhibaan.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hor yaala dhowr hindse sharciyeed oo ay soo hor dhigeen wasaaradaha kala gadisan ee xukuumada  Soomaaliyawaxaana la filayaa in ay ka doodaan inta aysan fasaxa aadin Mudana yaasha baar lamaanka xukumada Soomaaliya.
Madaxweynaha oo codsaday in lala shaqeeyo UNSOM
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codaday inay la shaqeeyaan ergeyga cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo xafiiskiisa cusub ee UNSOM.
Madaxweynaha oo maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Nicholas Kay uu ku qaabilay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, halkaas oo ay ku yeesheen kulankoodii ugu horreeyay.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qaramada Midoobay uga mahadceliyay sida ay ugala tashatay qofka ay u magacaabayso arrimaha Soomaaliya, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay si hagar la’aan ah ula shaqeeyaan xafiiska UNSOM.
Wuxuu Ergeyga cusub ugu hambalyeeyay taageeridda qorsheyaasha dowladda Soomaaliya ee dhinacyada amniga, dib-u-heshiisiinta iyo dib-u-dhiska dalka.
Nicholas Kay wuxuu xilka la wareegay Isniintii la soo dhaafay, markaas oo uu gaaray magaalada Muqdisho.

Dowladda oo ku baaqday joojinta dagaalka Kismaayo.
Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose inay joojiyaan xiisadda.
Raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ku baaqay in dhinacyada ku dagaallamay Kismaayo ay joojiyaan colaadda, wada hadalna ku dhammeeyaan khilaafkooda.
“Waxaan u soo jeedinayaa dhinacyada ku dagaallamaya gudaha magaalada Kismaayo inay joojiyaan xabadda ayna ka wada hadlaan khilaafkaadka dhex yaalla, shacbiga iyo magaalada Kismaayo midkoodna kama bixi karo dagaal cusub, sidaas daraadeed waa inay labada dhinacba ka waantoobaan in xalka qori caaraddiis lagu raadiyo,” ayuu ku  yiri raysul wasaaraha war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.
Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo ku sugan magaalada kismaayo ayaa isaguna ku baaqay in la joojiyo dagaalka , kana digay cawaaqib xumo ka dhalan karta dagaal hor leh.
Toddobo qof ayaa ku dhimatay dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen iska horimaad shalay ka dhacay magaalada, oo maantana dib u soo cusboonaaday.
Qof ku dhintay dagaal ka dhacay Gaalkacyo.
Hal qof ayaa ku dhintay qof kalena wuu ku dhaawacmay dagaal maanta labo maleeshiyo beeleed ku dhaxmaray xero ciidan oo ku taalla koofurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Maxamed Nuur Gadaar oo la hadlay Bar-kulan ayaa sheegay in ciidamo ay u direen goobta uu dagaalku ka dhacay, isla markaana la baarayo waxa keenay dagaalka.

Maxamed Nuur Gadaar ayaa tilmaamay in qofka dhintay iyo midka dhaawaca ahba ay kawada tirsanaayeen maleeshiyadii dagaallantay, wuxuuna xusay in ninka dhaawaca ah lagu daweynayo isbitaalka magaalada Gaalkacyo.
Lama oga waxa keenay dagaalka, hase ahaatee toddobaadkan gudihiisa ayay aheyd markii maleeshiyo hubaysan ay iyaguna ku dagaallameen gobolka Mudug.
Wasiirka Difaaca Dalka oo Beeniye Eedeyn uu u soo Jeediye C/naasir Seeraar
C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Xukuumada Somaliya ayaa iska fogeeyay eedeymo kulul oo uu u soo jeediyay Afhayeenka Maamulka Axmed Madoobe, C/naasir Seeraar Maax.
C/naasir Seeraar ayaa wuxuu Wasiirka uu ku eedeeyay inuu Magaalada Kismaayo uu u jooggo, sidii uu uga dhalin lahaa xiisad dagaal, uuna ka dhaliyay, isla-markaana uu habeynaayo sida uu yiri niman Al Shabaab ka tirsan.
Wasiirka oo  la hadlay Idaacada VOA laanteeda afka Somaliga, ayaa wuxuu sheegay in hadalka ka soo yeeray C/naasir Seeraar lagu qarinaayo, is abaabul uu sheegay inay ka wadaan Magaalada Kismaayo.
“Hadalkaan waxaa lagu qarinayaa is abaabulka iyo dagaalada ay ka wadaan Magaalada Kismaayo, oo ay runtii ka sameeyeen.” ayuu yiri Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Xukuumada Somaliya C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi.
Wasiirka ayaa wuxuu sidoo kale uu beeniyay hadal kale oo ka soo yeeray C/naasir Seeraar, kaasoo ahaa inuu isaga cararay Magaalada Kismaayo, oo uu u amba baxay dhinaca Magaalada Muqdisho.
  Wasiirka ayaa wuxuu sheegay inuu horey u joogay Magaalada Kismaayo, haataana uu jooggo, inkastoo uusan si cayimin u sheegin goobta rasmiga ah ee uu kaga sugan yahay Magaalada Kismaayo.
Warar madax banaan ayaa waxay sheegayaan in Wasiirka loo galbiyay Garoonka Diyaaradaha Axmed Gurey ee Magaalada Kismaayo, halkaasina ay ku ilaalinayaan Ciidamada Dowladda Kenya iyo kuwo kale oo Dowladda ka tirsan.
C/xakiin Fiqi ayaa wuxuu ku baaqay in la xiisada dagaal ee Magaalada Kismaayo ku soo korortay, isla-markaana uu soo jeediyay in wixii la kala tabanaayo lagu xaliyo wada hadalo.

Xaaladda Kismaayo Iyo Faah Faahinta Qasaaraha Dagaalladii Ka Dhacay.
Sawir Kismaayo AhMagaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose xaalad ahaan caawa waa ay degentahay oo kama jiro wax dagaal ah waxaase weli laga dareemayaa raadadka dagaalladii maanta iyo shalay galab ay ku reebeen.
Dareenka dadku waa mid wel wel badan oo hayo waayo Maleeshiyaadkii dagaalamay weli waxa ay wadaan iney isku hub urursadaan ayadoo cabsidana ay keentay in shacabka magaaaladu ay bilaabaan Barakac si ay naftooda uga badbaadsadaan dhinacyada ay colaaddu u dhaxeyso.
Isgaarsiinta iyo korontada magaalada Kismaayo waa mid go’an oo aanay shaqaaneyn waxaana adag si aad ula xiriirto qof jooga Kismaayo, arintaasina xaalad adag ayey magaalada gelisay.
Qasaaraha dagaalkii saakay ayaa waxaa ku geeriyooday dad gaaraya Toban ruux oo isugu jira shacab iyo maleeshiyaadka dagaalamay,dhaawacuna intaasi waa uu ka badanyahay.
Baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo dhinacyada ay xiisadu ka dhaxeyso ayaa si aad ah iskusoo taraya waxaana baaqyada ay ka kala yimaadeen madaxda sare ee Dalka iyo hogaanka dhaqanka oo iyagu si wadajir ah u codsaday in xabadda la joojiyo si aanay dhiig dambe u daadan.
Kulan Looga Hadlyay Dhibaatada Qabyaladda oo Maanta Lagu Qabtay Muqdisho.
Kulankan oo maanta ka dhacay xarunta Gobolka Banadir ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiir ku xigeenka wasaarada Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Cabdi Shakuur Cali Mire,gudoomiyaha gobolka banadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)fanaaniin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ujeedada kulankan ayaa waxa uu ahaa sidii bulshada looga wacyi galin lahaa qataraha kooxaha argagaxisada ah ee Al-shabaab iyo dhibaatada ay Qabyaaladda leedahay.
Fanaaniintii kulanka ka qeeyb galeeysay ayaa halkaasi ku soo bandhigay Riwaayado iyo heeso ka turjumaya dhibaatada ay leedahay qabyaaladda iyo qatarta ay bulshada soomaaliyeed ku haayaan Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Maxamed Xuseen Abuukar (Owliyo) oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta gacanta ka geeysatay abaabulka kulankan ayaa si qota dheer uga hadlay arrimo la xiriira dhibaatoyinka xiliga haysta soomaaliya,isagoo sheegay in loo baahanyahay wacyi galinta bulshada.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in looga baahanyahay shacabka soomaliyeed inay taxadiraan oo ay ka shaqeeyaan danahooda,ayna fahmaana dhibaatada ay leedahay qabyaaladda.
Faafaahin:- Qarax Qasaaro Nafeed Geestay oo Maanta ka dhacay Degmada Afgooye
Wararka laga helayo Degmada Afgooye ee Gobalka Sh/hoose ayaa sheegaya in Qarax  Miino oo khasaaro geestay uu ka dhacay Halkaasi.
Qaraxaan ayaa ahaa Miino dhulka lagu aasay, waxaana lala eegtay sida la sheegay ciidamo ka mid ah kuwa dowladda Soomaaliya oo halkaasi ku sugnaa.
Inta la xaqiijiyay Shan Ruux ayaa halkaasi ku dhimatay iyadoona 10 kale dhaawac xoogan uu halkaasi kasoo gaaray sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Sida uu Allsomalia u sheegay mid kamid ah Hoolwadeenada Caafimaad ee Cisbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la soo gaarsiiye 6 ruux oo dhaawacyadoodu aad uliitaan.
Dadka dhintay ayaa afar ka mid ah waxay yihiin dad shacab ah oo halkaasi si lama filaan ah ugu dhintay, iyadoona qaraxa ka dib ay halkaasi gaareen ciidamo ka mid ah kuwa dowladda Soomaaliya.
Dad Ku Geeriyoday Guri Ku Dumay Degmada Shangaani ee Gobolka Banadir“Sawirro”.
Inta la ogyahay 2 qof ayaa ku dhimatay kuwa kalana waa la la,yahay ka dib markii uu ku dumay gurigii ay deganaayeen oo ku yaala  Degmada Shangaani ee Gobolka Banadir.
Gurigan oo ahaa guri qadiimi ah ayaa dumay duhurnimadii maanta,waxana dadweeyne ka kala yimid xaafadaha degmada Shangaani ay ka qeyb qaateen badbaadinta dadkii uu gurigan ku soo dumay.
Gudoomiyaha Degmada Shangaani ee Gobolka Banadir Cali Cumar Abuukar oo warbaahinta kula hadlay halka uu guriga ka dumay ayaa sheegay in gurigan uu ahaa qadiimi  uuna dhisnaa mudo labo qarni ah.
Maamulka Gobolka Banadir ayaa halka uu guriga ka dumay u soo diray katarabiil si ay gacan uga geysato badbaadinta dad loo maleeynayo inay ku hoos jiraan burburka guriga dumay hoostiisa.
Degmada Shangaani ayaa waxa ay ka mid tahay degmooyinka Gobolka Banadir oo ayku yaalaan dhismayaasha qadiimiga ah ee dhisan inka badan lab qarni,waxana dadka ku dhaqan guryahasi soo wajahay cabsi ah inay ku soo dumaan guryahaasi.
Mid Kamid Ah Horjoogayaasha Dagaalka kala Horjeeda Axmed Madoobe oo Beeniye in laga Saaray Magaalada Kismaayo
 Maxamed Buule oo ah sarkaalka ugu sareeya Maleeshiyaadka  Iftiin Xasan Baasto oo ka mida Madxweyneyaasha Jubboland  ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay  wararka sheegaya  in Magaalada laga saaray,isaga oo cadeeyay inay ku sugan yihiin Magaalada Kismaayo qeyb kamid ah.
Wuxuu gaashaanka udaruuray hadal kasoo yeeray Afhayeenka Maamulka Axmed Madoobe ee Magaalada Kismaayo C/naasir Seeraar kaasi oo ah in Magaalada ay si xoog ah uga saareen Maleeshiyada Iftiin Xasan baasto.
Sidoo kale sarkaalkaan kamid ah Maleeshiyada Iftiin Xasan Baasto ee dagaalka kala soo horjeeda Axmed Madoobe Maleeshiyadiisa ayaa sheegay in wasiirka gaashandhiga uu ku sugan yahay Magaalada Kismaayo gudaheeda,aysana waxba ka jirin wararka sheegaya inuu ka cararay Magaalada.
Inkastoo xaalada Magaalada Kismayo iminka ay tahay mid dagan,hadana saan-saanta ka muuqata Magaalada ayaan aheyn mid wanaagsan maadaama ciidamadii dagaalamay ay kuwada sugan yihiin Magaalada gudaheeda.
 Midowga Africa oo war ka soo saaray dagaalkii ka dhacay KISMAAYO
 Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa AMISOM, danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose inay si deg deg ah ku joojiyaan dagaalada.
Danjire Annadif ayaa sheegay in xilligan oo dalka Soomaaliya ay soo hagaageyso dhinaca nabadda,hadane ay jiraan wax yaabo badan oo carqaladeena oo loo baahan yahay in la wajaho.
 Wuxuu sheegay in wax yaabaha caqabadaha ee ku hor gudban nabadda ay fiican tahay in loo maro hannaanka nabada taasoo loo kashanayo  siyaasiyiinta, hogaamiyaasha diinta iyo hogaamiyaasha bulshada.
Danjire Annadif ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya in aysan dayacin fursada taagan oo ay soo gabagabeeyan khilafaadka siyaasadeed ee carqaladeynaya dadaalka lagu doonayo in lagu xasiliyo dalka soomaaliya.
“Waxaan soo dhaweynayaa hindisaha dowlada Federalka soomaaliya oo ah in la qabto shir dib u heshiisiin sida ay horoy u go,aamiyeen wadamada urur goboleedka IGAD,waxaana ku boorinayaa hogaamiyaasha soomaaliya gaar ahaan kuwa Jubbooyinka iyo gobolada kale inay muujiyaan dul qaad oo ay furtaan bog cusub oo ka mid ah taariikhdooda xili dalka uu ka soo gudbay caqabdo badan”ayuu yiri danjire Annadif.
Kulankii Golaha Ammaanka Ee Khamiistii Oo Lagaga Hadlay Xayiraada Ay Somaliland Saartay Duulimadyada Qaramada Midoobay Iyo Wada Hadalada Labada Dal
(SLT:Hargaysa)Kulan uu golaha ammaanka Qaramada Midoobay kaga wada hadlay xaaladda dalka Somaliya, ayaa lagu soo hadal qaaday dhawr qodob oo Somaliland khuseeya.
Kulankaas oo xarunta Qaramada Midoobay ee Newyork ku qabsoomay Khamiistii doraad, waxa goob joog ka ahaa Somaliya, Itoobiya, Ingiriiska, dalal kale iyo xubnaha golaha ammaanka.
 Kulanka oo ay ujeedadiisu ahayd in lagaga wada hadlo xaaladda Somaliya iyo caqabadaha hortaagan, ayaa wuxuu golaha ammaanku, ku soo dhaweeyay wada hadaladii Turkiga ee sannadkan dhex maray dawladaha Somaliland iyo Somaliya. “Golaha ammaanku wuxuu ku dhiirigelinayaa dhinacyada [Somaliland iyo Somaliya] inay sii wadaan balanqaadkoodii ku waajahnaa wada hadalka.” Laakiin golaha ammaanku wuxuu warbixinta oo fadhiga la akhriyay ku daray inuu ixtiraamayo midnimada wixii la isku odhan jiray Somaliya.
Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika Mark Simmonds, oo isna halkaas ka hadlay ayaa wuxuu soo hadal qaaday wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo ay dawladiisu bilowday, “Boqortoyada Ingiriisku waxay ku faraxsantahay inay qabatay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya bishii June ee sannadkii hore, waxaanay rajaynaysaa inuu kulanka kale ku qabsoomo Turkiga.” Ayuu yidhi Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika.
Danjire Jeffrey Delaurentis oo ah danjiraha Maraykanka u qaabilsan siyaasadaha khaaska ah ee Qaramada Midoobay, oo isna kulankaas ka hadlay ayaa isagu wuxuu ka hadlay go’aankii ay dhawaan dawladda Somaliland xayiraadda ku saartay duulimaadyada Qaramada Midoobay, ka dib markii ay ICAO sheegtay inay maamulista hawada Somaliland iyo Somaliya ku wareejinayso dawladda federaalka Somaliya.  Danjire Jeffrey, wuxuu yidhi “Waxaanu sidoo kale ka walaacsanahay go’aanka ay Somaliland 14kii May hawadeeda xayiraada kaga saartay duulimaadyada Qaramada Midoobay.”
 Isagoo ka sii hadlaya dhibaato uu dareensanyahay inuu go’aankaasi keeni karo wuxuu yidhi “Tani waxay dhaawici kartaa xaaladda bini-aadamnimo ee halkaas (Somaliland) ka jirta, waxaanay saamayn ku yeelanaysaa hawlaha cuntad, ahoyga, biyaha iyo nadaafadda lagu gaadhsiinayo iyo kaalmada kale ee ay bixiyaan ururada bini-aadmnimada. OCHA waxay ku qiyaastay in ku dhowaad 413,000 oo qof  ay u baahan yihiin caawimo biniaadminimo, kuwaasoo ay ku jiraan 39,000 carruur ah oo kasoo doogaya nafaqo-darro. Waxaa iyaguna weli jira in ka badan 85. 000 oo ah baro-kacayaash abaaraha iyo colaadaha.
 Waxa iyana halkaas khudbad ka jeedisay Raysalwasaare xigeenka ahna wasiirka khaarajiga Somaliya Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo ka hadashay waxyaabaha ay dawladoodu qabatay mudadii ay jirtay iyo weliba caqabadaha hortaagan. Sidoo kale Dr. Tekedu Alemu oo ah ergayga Itoobiya u qaabilsan Qaramada Midoobay kuna hadlayay magaca urur goboleedka IGAD ayaa isna halkaas ka hadlay. Waxyaabaha aad loogu soo hadal qaaday kulankaas waxa ka mid ah qaddiyadda Jubaland oo uu golaha ammaanku dhinacyada ay ka dhaxayso ugu baaqay inay is xakameeyaan si aanay xaaladdu faraha uga bixin. 
Axmed Madoobe oo ah ninka ugu sareeya Maleeshiyada Raaskaambooni ee ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa dagaalkii ka dhacay Kismaayo ku tilmaamay mid Dowladda Soomaaliya ay soo abaabushay ayna ka dambeyso Dowladda.
Madaxda Dalka’ Siyaasiyiin’ Aqoonyahano iyo Oday dhaqameedka Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in Deg-deg ah loo joojiyo Dagaalka ka Socda Magaalada Kismaayo is la markaana wax walaba lagu xaliyo Wada hadal.


No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...