Thursday 6 June 2013

Wasiir Magac U Yaal Ah Oo Puntland Muuqaalkiisa Iyo Maqalkiisa Laga Nacay(Waa Kuma Kaas?


PDFPrintE-mail
Written by Administrator   
Thursday, 06 June 2013 12:58

Beesha Harti Dawlada Soomaaliya waxay ku lahayd hal Wasiir, wasiirkiina maanta waa la bahdilay, shaqadiisiina waxa haya ururka HAG.

Shirkii  looga hadlaayo  horumarinta Qaarada Afrika oo dhowan ku soo gebageboobey  magaalada dekeda leh ee Yokohama ee dalka Japan , waxaan ka qayb galay  ilaa 40-madaxweynayaal Afrikaan ah iyo wasiiradooda ku shaqada leh dhaqaalaha iyo iskashiga caalamiga,halka isagii laga tagay oo lagu mashquuliyay shir ka dhacayey Wadan Geeri go'an ah oo lagu magacaabo Kazakhistan.

(Muuqaalka Wasiirka Maaliyadda ee Maqalkiisa iyo aragiisa laga nacay Puntland,kadib markii uu noqday Waxmatare la iska maamusho)

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow  oo ka mid ah Madaxweynayaasha Afrikaanka ee lagu casuumay shirkaas, wuxuuna horay u sii kaxaystay sideed nin oo ka shaqeeya xafiiskiisa oo ka soo wada jeeda Beeshiisa, halka wasiirkii Maaliyada oo shaqadan  u xil saarnaa   looga reebay beesha uu ka soo jeedo oo inta badan mugdi laga geliyo dhaqaalaha Soomaaliya loogu deeqo iyo degaanada dawlada Soomaaliya ay ka codsato   caalamku in ayMashariic ka hirgeliyaan.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Maxamuud Xasan saleebaan, ayaa maanta  dalka ku so laabtay s isaga oo sheegay in uu ka soo laabtay dalka Tjikistaan oo uu halkaa shir uga qayb galay.

Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta dawladda  Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleebaan, oo horay looga xayuubiyey  xilkii Iskaashiga caalamiga ayaa  mar labaad la bahdilay oo halkii uu Madaxweynaha u raaci lahaa dalka Japan waxa isaga   loo diray dalka Tajikstaan oo ah bartamaha Aasiya ,waxaana lagu bedelay intuu shirka Japan socday   nin ka soo jeeda Beesha Madaxweynaha si aan loo ogaan dhaqaalihii Soomaali loogu yaboohay iyo Mashaariicdii ay codsadeen degaanada laga fulinayo.


Bulshada Soomaaliyeed oo  ku nool qaybo ka mid ah Gobolka Togdheer, gobolka  Sool, gobolka Sanaag, gobolka Bari , gobolka Nugaal iyo gobolka  Mudug, waxay  Dawlada Soomaaliyeed   ku lahaayeen hal wasiir, maanta xilkii wasiirkaasi hayey oo uu ku helay  4.5 Soomaali  waxa ku qaybsatay, waxa ku shaqeeya   qaar  ka mid ah Mooryaantii ugu caansanayd Soomaaliya labaatankii sano  oo aynu  soo dhaafnay.

Wasiirka Maaliyadda ee Dawladda Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan,  ayaa  booqashadii Madaxweyne Xasan Culusoow ku tegayey dalka Maraykanka waxa laga qaaday xilkii  Iskaashiga Caalamiga oo u weheliyey maaliyada , waxaana  la hoos geeyey wasiirka arimaha dibada Soomaaliya  Fawsiya Xaaji Aadan, si dhaqaalaha caalamka  laga  soo helo uu u noqdo mid suuq madow ah.


Wasiirka Maaliyada Soomaaliya  oo ka soo jeeda Beesha Harti, ayaa maanta xilkii u harsanaa ee Maaliyada waxa ku shaqaysanaya mid ka mid ah Mooryaanta magaca diinta ku qaraabta oo ah gacanyaraha madaweyne Xasan Culusoow laguna magcaabo Faarax Cabdulqaadir. Mararka qaarkoodna waxa uu u wakiishaa qaar ka mid ah madaxda Ururka HAG sida shirkii dhowaan ka dhacay dalka Japan.


Wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya waa maxay xilkiisu?


Wafdi ka socday dowladda federaalka  ee Soomaaliya, ayaa ka qayb galay shirka dhaqaalaha adduunka oo ka dhacaya magaalada Davos ee dalka Switzerland.

Wasiiru-dowlaha xafiiska madaxtooyada ee dowladda Soomaaliya  Faarax  Cabduqaadir  ayaa wafdigaas   hoggaaminay, shirkaas ayaa waxa ka soo qayb galay  madaxda caalamka ee dhinaca dhaqaalaha iyo horumarinta
Wasiiru-dowlaha ayaa la sheegay  in uu bandhigay  qorshaha ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in lagu dhiso dhaqaalaha Soomaaliya iyo waxyaabaha aasaasiga u ah horumarka dalka.
Kulankaas waxay la kulmeen   wasiirro ka kala socda Canada, Norway, Ingiriiska, Qadar, Switzerland, Turkey iyo wakiillada ururro caalami ah.

Source:Allsanaag

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

1 comment:

Anonymous said...

MOS certifications are also dished up for PowerPoint, Term and
Outlook. training for a Mma fight takes time, discipline, and a steady plan.


My web-site; http://organizacja-wczasów.pl

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...